Nolosha Finland

Lasten ja nuorten ongelmat
theme icon

Dhibaatooyinka carruurta iyo dhallinyarada

Caawimaadda dhibaatooyinka qoyska iyo dhibaatooyinka barbaarinta

Haddii dhib kaa heysto barbaarinta carruurta iyo dhalinyarada ama arrimo la xiriira nolosha qoyska waxaad heli kartaa caawimaad. Caawimaadda qoysaska carruurta leh loogu talagalay waxaa fidiya tusaale ahaan degmooyinka, kaniisadaha iyo ururada. Warar dheeraad ah ka sii aqri bogga InfoFinlandi Xagee caawimaad looga helaa dhibaatooyinka carruurta iyo dhalinyarada?

Xoog-sheegashada ka dhaco dugsiga

Xoog-sheegashada waa dagaal naf ama jir ah oo soo noqnoqda. Inta badan dhibku iskiis uma dhamaato. Haddii aadan adigu joojin karin dhibka arinta u sheeg qof weyn. Waalidkaa u sheeg marka ugu horeeysa. Haddii arday kale ku xoog-sheegtay waxaa adiga ku caawin kara tusaale ahaan macalinka ama macalimadda, shaqaalaha bulshada ee iskuulka (koulukuraattori) ama daryeelaha caafimaadka ee iskuulka (kouluterveydenhoitaja). Waa muhiim inaad arrinta qof kale u sheegtaa. Ma ahan ceeb in dhibka aad caawimaad u raadsataa.

Fara-xumaynta galmada

Haddii aad ka shakiso faraxumayn galmo, ama aad noqotay dhibane faraxumeyn galmo la xiriir daryeelaha caafimaadka ee ka shaqeeya iskuulkaada ama machadka, shaqaalaha bulshada ee iskuulka ama cilmu-nafsi yaqaanka iskuulka (koulupsykologi). Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa xafiiska bulshada (sosiaalitoimisto) ee degmadaada ama booliska.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan fara-xumaynta galamada waxaad ka heleysa bogga InfoFinlandi Dagaal.

Dhibaatooyinka la xiriira shukaansiga

Shukaansiga (seurustelu) waa barashada iyo waqti la qaadashada qofka kale, qofkaas oo aad ka heshay ama caashaqday. Wada-socoshada ama shukaansigu waa ku caadi dhaqanka Finland is-doonashada ama guurka ka hor. Shukaansiga waxaa mararka qaar ka dhalan kara dhibaatooyin iyo murano. Haddii aad rabto in aad ka sheekeysato arrimahan waxaad la xiriiri kartaa tusaale ahaan daryeelaha caafimaadka ee iskuulka ama machadka, cilmu-nafsi yaqaan ama Xarunta Badbaada Carruurta ee Mannerheim.

linkkiMannerheimin lastensuojeluliitto:
Isku-xirka dhallinyaradaFinnish

linkkiVäestöliitto:
Bogagga dhallinyaradaFinnish

linkkiMannerheimin lastensuojeluliitto:
Telefoonkooda dhalinyarada iyo qafaalashadaFinnish

Dhibaatooyinka cunto-cunista

Dhibaatooyinka cunto-cunistu waa jiro jirka iyo maskaxda ah. Calaamadaha lagu garto dhibaatooyinka cunto-cunista waxay noqon karaan tusaale ahaan; aad u caatoobid ama cuntada oo aad loo boobo iyo matag ama hunqaaco ama hab-dhaqan cunto-cunis oo aan caadi aheyn. Dhibaatooyinka cunto-cunista dhallinyarada waxaa suurtagal ah in caawimaad loo helo. Caawimaad ka doono daryeelaha caafimaadka ee iskuulka, machadka ama rugta caafimaadka ee kuugu dhow. Ururka dhibaatooyinka cunto-cunista ee Syli waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan dhibaatooyinka cunto-cunista.

linkkiSYLI -Syömishäiriöliitto ry:
Macluumaad ku saabsan dhibaatooyinka cunto-cunistaFinnish | Iswidish | Ingiriis