Nolosha Finland

Ammatilliseen koulutukseen valmentava koulutus
theme icon

Waxbarashada u diyaargarowga iskuulka farsamada

Waxbarashada aasaasiga u diyaargarowga iskuulka farsamada VALMA (ammatilliseen peruskoulutukseen valmentava koulutus) waxaa loogu talogaley, kuwa doonaya iney helaan shahaado sanco-yaqaanimo aasaasiya. Waxbarashada VALMA waxaad ka heleysaa xog iyo sancaba, taasoo kaa caawin doonta hadhow barashada xirfadaha. Waad horumarin kartaa aqoontaada luuqadeed. Sidoo kale waad kordhinkartaa dhibaca shahaada dugsiga dhexe.

Waxbarashada VALMA waxay qaadataa hal sanad-dugsiyeed. Waxaad ku ogaaneysaa iskuulka fursadaha waxbarasho ee kala duwan, waxaanad ka fikiri kartaa waxa aad rabi laheyd inad barato. Waxaad booqan goobo kala duwan oo shaqo iyo inaad ka qeybqaato shaqoojinkaa.

Billowga horeba iskuulka waxaa laguu sameynayaa qorshe waxbaris kuu qaas ah. Waxaana la qorayaa qaabka iyo sidaad wax u baran laheyd.

Waxbarashada VALMA waxaad heleysaa sahaado. Waxaad heleysaa dhibco dheeriya, markaad dalbaneyso xiliga codsashada iskuulada farsamada.

Waxbarashada VILMA inta badan wax lacag ah kuma aha ardeyga.

linkkiOpintopolku.fi:
Xog waxbarashada VALMAFinnish | Iswidish | Ingiriis

Codsashada Waxbarashada VALMA

Waxbarashada VALMA waad codsan kartaa, haddii aad horey u soo dhigatey dugsiga dhexe ama waxbarasho u dhiganta dugsiga dhexe, haddii markaa iskuulku u arkaan inaad qaadan karto waxbarashadaas inaad hesho booska waxbarashada xitaa haddaan heysan shahaadada dugsiga dhexe.

Codso waxbarashada VALMA xiliga dalbashada iskuullada kadib bilowga xagaaga, haddaad caawimaad u baahan tahay tusaale naafanimo darteed, codso iskuulka inta ka horeysa xagaaga ee codsashada waxbarista qaaska ah.

Xog muhiima waxaad ka heleysaa adeega Opintopolku.fi.ka buuxso foomka adeega Opintopolku.fi.

linkkiOpintopolku.fi:
Codsiga waxbarashada VALMAFinnish | Iswidish

linkkiOpintopolku.fi:
Codsiga taakuleynta gaarka ee waxbaridaFinnish | Iswidish