Nolosha Finland

Lukio
theme icon

Dugsiga sare

Dugsiga aasaasiga ah (peruskoulu), waxbarashada aasaasiga ah kadib ardaydu waxay u gudbaan goobaha waxbarashada ee heerka labaad (toisen asteen oppilaitos). Goobaha waxbarashada ee heerka labaad waa tusaale ahaan goobaha waxbarashada ee dugsiga sare iyo xirfadda. Ka sii aqri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan machadyada xirfadaha bogga InfoFinlandi Waxbarasho xirfadeedka.

Waxbarashada dugsiga sare waa ka qoraal badan tahay tan waxbarashada xirfadeed. Waxyaabaha la baranayo waa kuwa aqooneed: waxay xoogga saaraan maadooyinka maadiga ah iyo culuunta dabiiciga ah. Dugsiyada sare qaarkood waxaa laga bartaa maadooyinka farshaxan oo fara badan.

Dugsiyada sare qaarkood waa dugsiyo sare oo gaar ah. Waxay tusaale ahaan xoogga saaraan muusikada, jimicsiga ama culuunta dabiiciga ah. Dugsiyada sare ee gaarka ah waa ku aad loo jecelyahay. Waxaa laga yaabaa inay adkaato in waxbarashadooda loo gudbo.

Dugsigu wuxuu kuu diyaarinayaa tusaale ahaan iskuul xurfadeedka sare iyo jaamacadda. Dugsiga waxaad dhigan kartaa adigoo dhalinyaro ama qof weyn ah. Dhalinyaradu waxay wax ka bartaan dugsiga sare ee maalintii (päivälukio) ama dugsiga sare ee aan la joojin (etälukio), dadka waa weyna waxay inta badan wax ka bartaan dugsiga sare ee dadka waa weyn (aikuislukio).

linkkiOpintopolku.fi:
Macluumaadka waxbarashada dugsiyada sareFinnish | Iswidish

linkkiSuomen Lukiolaisten Liitto:
Ururka ardayda dugsiyada sareFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiOpetushallitus:
Macluumaadka waxbarashada dugsiyada sareFinnish | Iswidish | Ingiriis

Codsashada dugsiga sare

Codso dugsi sare heerka labaad ee codsashada tacliimaha. Haddii aad dooneyso dugsiga sare ee dadka waa weyn toos ula xiriir goobta waxbarashada. Ka aqriso xog dheeri ah Dalbashada waxbarashada.

linkkiOpintopolku.fi:
Codsiyada wadajir ah ee iskuul xirfadeedyada iyo dugsiyada sareFinnish | Iswidish

Wax ka barashada dugsiga sare

Waxbarashada dugsiga sare waxay guud ahaan qaadataa sadex sano. Dugsiga sare waxaa sidoo kale lagu dhameyn karaa laba sano ama afar sano.

Waxbarashada dugsiga sare waxaa ku jira waxbaayo badan oo la kala doordooran karo. Waxaad dooran kartaa maadooyinka qasabka ah kadib maadooyin badan oo kale, kuwaas oo adiga kugu haboon. Adiga ayaa saameyn ku leh waxyaabaha aad baraneyso iyo degdeta waxbarashada dugsiga sare.

Dugsiga sare ma lahan lacagta sanad dugisyeedka la bixiyo. Waxbarashadu waa lacag la’aan. Laakiin waa in ardaygu uu isagu keensadaa buugaagta dugsiga sare. Buugaagtu waa qaali inta badan. Buugaagta dugsiga sare waxaad keensa kartaa iyagoo horay loo soo isticmaalay.

Haddii aad leedahay hiwaayad dhib badan ama aad mudo dheer jiran tahay, waxaad dugsiga ku dhameyn kartaa sidii dugsi sare oo fog. Weydii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada fog dugsigaada sare.

Shahaadada imtixaanka sare

Waxbarashada dugsiga sare waxaa lagu hiigsanayaa shahaadada imtixaanka sare (ylioppilastutkinto). Intixaanka shahaadada sare wuxuu ka kooban yahay imtixaanaad maadooyin kala duduwan ah. Imtixaanaadka shahaadada sare (ylioppilaskoe) waxaa inta badan la qaadaa dhamaadka waxbarashada.

Imtixaanka afka hooyo waa ku qasab shahaadada imtixaanka sare. Imtixaanka luqad hooyo ahaan waxaad ku geli kartaa luqada Finnishka, Iswidishka ama saame, waxaad imtixaanka Finnishka ama Iswidishka u geli kartaa sidii luqad labaad oo kale.

Imtixaanka afka hooyo waxaa dheer oo ay qasab tahay inaad ku guuleystaa ugu yaraan sadex maado oo kale imtixaankood. Haddii aad dooneyso, ka badan ayaad imtixaan u geli kartaa.

Afka hooyo waxaa dheer oo aad imtixaankooda ka qeybgeli kartaa maadooyinka soo socda:

  • luqada labaad ee dalka (Finnish ama Iswidish)
  • luqad qalaad: Ingiriis, Jarmal, Ruush, Faransiis, Talyaani, Isbanish, Burtaqiis, Laatiin
  • xisaab
  • waaqici (reaali), maadooyinka aqrinta sida taariikhda, diinta, fiisikiska, kiimikada, bayoolojiga, saykoolojiga, falsafada

Imtixaanada sare waxaa la qabtaa guga iyo deyrta. Haddii aad dooneyso waxaad imtixaanadaas qeyb kamid ah geli kartaa deyrta qeybta kalana guga. Waa inaad imtixaanaadka ku soo bandhigtaa ugu badnaan sadex waqti imtixaan.

linkkiOpintopolku.fi:
Warbixinada shahaadada dugsiga sareFinnish | Iswidish

linkkiYlioppilastutkintolautakunta:
Macluumaadka shahaadada ardayga sareFinnish | Iswidish | Ingiriis | Faraansiis | Jarmal

Dugsiga sare ee dadka waa weyn

Dugsiga sare ee dadka waa weyn waxaa loogu talagalay ugu horeyn wixii 18 sano ka weyn.

Waxbarashada dugsiga sare ee dadka waa weyn waa mid la bedbedeli karo. Waxaad baran kartaa dhamaan waxbarashada imtixaanka shahaadada sare ama waxaad baran kartaa hal maado oo kali ah. Waxaad ku baraneysaa xawaaraha adiga kugu haboon. Inta badan waxbarashadu waa gelinka dambe.

Dugsiyada sare ee dadka waa weyn qaar badan oo kamid ah waxay koorasyada luqada Finnishka u fidiyaan dadka dalka u soo guuray. Toos u weydii dugsiga sare ee dadka waa weyn koorasyadaas.

linkkiOpintopolku.fi:
Macluumaadka dugsiyada sare ee dadka waa weynFinnish | Iswidish

linkkiEdu.fi:
Macluumaadka dugsiyada sare ee aqoon-dirsadkaFinnish