Nolosha Finland

Ulkomaalainen opiskelija Suomessa
theme icon

Ardayga ajnabiga ah ee jooga Finland

Finland waxbaad ka baran kartaa adigoo arday bedel ah ama waxaad ku baran kartaa waxbarasho dhameystiran. Haddii aad dooneyso inaad shaqo ka hesho Finland waa muhiin inaad barato luqada Finnishka ama Iswidishka. Waa adag tahay inta badan in Finland shaqo laga helo haddii aan la aqoonin Finnishka ama Iswidishka.

Ardayga bedelka ah

Waad ku imaan kartaa Finland sidii arday bedel ah oo kale. Sida caadiga ah waxaad Finland wax ka baraneysaa sanad barkiis ama sanad. Waxaad bedel waxbarasho ku samayn kartaa barnaamijyo kala duduwan. Tusaale ahaan Erasmus, Nordplus, FIRST iyo Fulbright ayaa waxay bixiyaan boosaska bedelka waxbarasho. Sidoo kale iskaa waad u aadi kartaa bedelka.

Haddii aad dooneyso inaad Finland bedel arday ku timaado, la xiriir goobtaada waxbarashada qeybta arrimaha caalamiga ah qaabilsan ama tusaale ahaan xafiiska waxbarashada.

Liiska xusuusta ee ardayga cusub

Hubi inaad heysto dhamaan kuwan marka aad Finland u imaaneyso waxbarasho:

  • ogolaanshaha joogitaanka
  • ceymis
  • lacag
  • boos waxbarasho
  • guri

Codsashada waxbarashada ardaynimo

Waad codsan kartaa waxbarasho xirfadeedka sare ama jaamacad xiliga dalbashada tacliimaha sare. Ka aqriso faahfaahin dheeriya Dalbashada waxbarashada.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan iskuul xirfadeedka sare waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Iskuul xirfadeedyada sare. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan iskuulaadka tacliinta sare waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Jaamacadaha.

Waxaad sidoo kale jaamacadda ama iskuul xirfadeedka sare ee Finland ka baran kartaa waxbarashada sii-socota. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada sii-socta ka aqri bogga InfoFinlandi Jaamacadaha iyo Iskuul xirfadeedka sare.

Ogolaanshiyada joogitaanka dalka

Marka aad Finland waxbarasho u imaaneyso, baahida ogolaanshaha joogitaanka dalku wuxuu ku xiran dalka aad u dhalatay. Faahfaahin dheeraad ka aqri bogga InfoFinlandi Arday.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Macluumaad laxiriira ruqsada daganaanshada ee ardaydaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Maalgelinta waxbarashda

Ardayda ajaaniibta ahi inta badan ma helaan kaalmada waxbarashada. Sidaas darteed waa inaad leedahay qorshe ku saabsan sida aad waxbarashadaada Finland ku maalgashaneyso. Si aad u hesho ogolaansha joogitaanka ee ardayga waa in aad muujisaa inaad heysato lacag kugu filan ku noolaansha Finland. Faahfaahin dheeriya waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Arday.

Caawimaadda lacageed iyo deeqaha waxbarasho

Ardayda ajnabiga ah waxey caawimaadyo lacageed oo kala duwan u codsan karaan jaamacadaha Finland. Jaamacad kasta waxey gooni u leedahay nidaam caawimaad lacageed oo loogu talagalay ardadya ka timaada meelaha ka baxsan Aagaha Midowga Yurub/ ETA ee loo ogolaaday in uu waxbarashada shahaadada koowaad ee jaamacadda ama shahaadada labaad ku qaato afka Ingiriiska.

Helitaanka caawimaadda lacageed waxey kun xiran tahay horumarka aad waxbaraashada ka sameysay. Caawimaadda lacageed waxey kaa daabooli kartaa dhammaan kharashka waxbarasho-xilliyeedka ama qeyb kamid ah. Caawimaadaha lacageed qaarkood waxey kaa dabooli karaan kharashaadka kale. Mararka qaar caawimaadda lacageed waxey ku xiran tahay si aad horumar uga sameyso waxbarashadaada. Caawimaadda lacageed waxaad codsan kartaa isla marka aad codsaneyso waxbarashada.

Barnaamijka gaarka ah ee Erasmus-Mundus ee shahaada labaad ee jaamacaddu wuxuu leeyahay nidaam caawimaad lacageed oo u gaar ah. Hoggaanka waxbarashada wuxuu leeyahay barnaamij deeq waxbarasheed ah oo u gaar u ah ardayda tacliinta sii wadaneysa ee Finland u yimaada in ay qaataan shahaadada doktoreetka. Ardayda Mareykanka ah waxey codsan karaan deeq-waxbarasheedka Fullbright.

Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan caawimaadaha lacageed iyo deeqaha waxbarasho ka sii aqri bogagga adeegga ee Studyinfinland.fi.

linkkiStudyinfinland.fi:
Macluumaadka deeqaha waxbarashoIngiriis

Deganaanshaha, shaqo qabasho iyo ceymis

In guri la helo waa adkaan kartaa, sababtoo ah dalabka guryaha ee magaalooyinka waa weyn ayaa ka badan guryaha la hayo. Inta aadan u soo guurin Finland raadi guri. Waxaad guri ka ijaaran kartaa suuqa xorta ah. Waxaad sidoo kale raadsan kartaa guri adigoo sii maraya Guryaha ardayda ee Finland (Suomen Opiskelija-asunnot) (SOA).

Guri degistu waa qaali Finland. Guryaha ardaydu waa ka jaban yihiin guryaha suuqa xorta ah.

Haddii waxbarashada aad shaqo ku dhex wado, waqtigaada shaqadu waa xadidan yahay. Sida caadiga ah waxaad todobaadkii shaqeyn kartaa ugu badnaan 25 saacadood. Tan waxay ku tiirsan tahay dalka aad ka soo jeedo. Faahfaahin dheeraad ka aqri bogga InfoFinlandi Arday.

Waxaad sidoo kale shaqaadada dhamaadka ah ku sameyn kartaa shirkad ama waxaad ka qeybqaadan kartaa tababar shaqo. Kuwaas waqtiyadooda shaqadu ma xadidna.

Ceymiska ku dadaala. Baaxadda ceymisku wuxuu ku xiran yahay dalka aad ka soo jeedo iyo waqtiga ay qaadaneyso waxbarashadaadu. Aad ayeey muhiim u tahay in mudada aad joogto Finland uu mar walba ceymiskaadu shaqeynayo. Faahfaahin dheeraad ka aqri bogga InfoFinlandi Arday.

linkkiSuomen opiskelija-asunnot:
Guriyaha ardayadaFinnish | Ingiriis

Waxbarashada Finland

Haddii anad ahayn muwaadin ka tirsa wadamada midowga Europe ama anad ahayn muwaadin ka tirsan wadamada ETA ama anad ahayn qof ka tirsan qoyska dad muwaadiniin wadamadaas ka ah anad timaado Finland si ad wax uga barato bisha sideedaad ee 2017 ama kadib, waa inaad ka bixisaa waxbarashadaada lacagta sanaddugsiyeedka. Lacagtaas waxa laga bixiyaa tacliinta digriiga hoose iyo ka sare ee ku baxa luqada ingiriiska.

Waxaad wax kaga baran kartaa Finland luqada Finnishka, Iswidishka iyo mararka qaar ingiriisi. Iskuulaadka tacliinta sare qaarkood waxay qabanqaabiyaan barnaamijyo waxbarasho oo ku baxaya luqada ingiriiska. Laakiin inta badan waxbarashada waxaa lagu qaadanayaa luqada finnshka ama Iswidishka.

Finland waxaa ka jira ururo arday oo firfircoon. Waxay xitaa waxqabadyo u sameeyaan ardayda ajaaniibta ah. Ururada ardayada waxaad ku baraneysaa dad cusub.

Haddii aad dooneyso inaad shaqo ka hesho Finland, baro luqada Finnishka ama Iswidishka. Inkastoo afka ingiriiska lagu maareyn karo marxalado nololeed badan, inta badan shaqo bixiyayaasho waxay doonayaan aqoonta luqada Finnishka ama Iswidishka. Luqada waxaa sidoo kale laga baran karaa shabakadda.Faahfaahin dheeraad ka aqri bogga InfoFinlandi Luqada Finnishka iyo Iswidishka.

Haddii aadan waqti u helin in qeybtaada waxbarashada aad ka barato luqada Finnishka, qeyb waxbarasheedyada kale ayaa qabanqaabiya koorasyada luqada Finnishka. Faahfaahin dheeraad ka aqri bogga InfoFinlandi Luqada Finnishka iyo Iswidishka.

Waa muhiim sidoo kale inaad barato dadka iyo nolosha shaqo ee Finnishka inta aad ardayga tahay. Waxay taasi kaa caawineysaa adiga helitaanka asxaab, waxayna sidoo kale kuu fududeyneysaa shaqo raadintaada. Tusaale ahaan tababarka shaqo (työharjoittelu), hiwaayadaha iyo ururadu waa qaababfiican oo aad ku baran karto bulshada Finnishka. Faahfaahin dheeraad ka aqri bogga InfoFinlandi Waqtiga firaaqada.

linkkiStudyinfinland.fi:
Macluumaad loogu talagalay ardayda ajaaniibta ahIngiriis

linkkiErasmus Student Network:
Macluumaadka barnaamijka bedelashadaIngiriis