Nolosha Finland

Yhdistykset
theme icon

Ururada

Finland markii loo fiiriyo bulshada ku nool waxaa ku yaala jaaliyado badan. Sida waafaqsan dastuurka cid walba ayaa xaq u leh iney ku shaqeystaan urur ahaan. Xorriyada iskutagu waxay sidoo kale taabanaysaa ajaanibta.

Ururku wuxuu tusaale ahaan noqon karaa koox isboorti, urur dhaqameed, urur saaxiibtinimo ama urur diimeed..

Ururada la diiwaangeliyey waa ururo fikradeed oo wax gaar ah qiimeeya. Urur looma samayn karo ganacsi awgiis.

Finland waxaa ku yaala ururo badan oo ajaanibtu sameysteen. Urur ajnabi ama urur saaxiibtinimada wadankaaga wuxuu kaa caawin karaa inaad ilaashatid dhaqankaaga iyo inaad ku hormarisid dhaqankaaga bulshada cusub oo aad ku dhex nooshahay aadna wada shaqayn la sameeysid shaqaalaha dawlada iyo ururada kale. Adeegga shabakadda ururka (Yhdistysnetti) ee Maamulka laysinka iyo rasjitareeshinka waxaad ka raadsan kartaa ururo kala duduwan.

linkkiPatentti- ja rekisterihallitus:
Netka ururkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiSuomen Pakolaisapu:
hay'ad kobcinFinnish | Iswidish | Ingiriis

Ururada ajaanibta ee wadankoo dhan

linkkiMoniheli:
hay'adaha dhaqamada kala duwan shabakada wadashaqeyntaFinnish | Ingiriis

linkkiIESAF:
International English Speakers' Association of FinlandIngiriis

linkkiMonika-Naiset liitto ry:
Gargaar iyo taageerid la siiyo haweenada soo haajireyFinnish | Ingiriis | Ruush | Faraansiis | Soomaali | Carabi | Kurdish | Tayland

linkkiFaro:
Ururka ku hadlayaayasha afka ruushka ee FinlandFinnish | Ruush

linkkiSuomen somalialaisten liitto:
Dalada ururada soomaalyeedFinnish | Ingiriis | Soomaali

linkkiAFAES:
Afrikaanka Yurub iyo afrikaamiinta yurubiyaankaFinnish | Ingiriis

linkkiLiikkukaa! ry:
hay'ada ciyaarahaFinnish | Ingiriis

linkkiYstävyysseurojen liitto:
Ururada saaxiibtinimadaFinnish

Aasaasida Ururka

Sida caadiga ah aasaasida ururku waa saddex marxaladood:

  1. go’aanka aasaasida ururka
  2. saameynta qawaaniinta ururka
  3. Diiwaangelinta ururka

Diiwaangelinta ururka

Ururka waa in la diiwaangeliyo. Markaa ururku wuxuu yeelanayaa qof masuul ah, xubnaha ururkuna ma qaadayaan masuuliyad shaqsi ahaan howlaha ururka. Diiwaangelinta ururkana waxaad codsan kartaa kaalmo, dhaqaale iyo weliba inaad wada shqeyn la sameyso ururada kale iyo masuuliyiin dowladeed. Ururka diiwaangelinteeda waa in la wargeliyo shati maamulka diiwaanka iyo shatiga (Patentti- ja rekisterihallitus)

linkkiPatentti- ja rekisterihallitus:
Diinwaagelinta ururkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Asaasida ururka markii aasaseyaashu ay yihiin dad ajaanib ah

Sidoo kale ajaanibta ama dadka aan lahayn dhalashada Finnishku waxay aasaasi karaan urur diiwaangashan. Arintu markay sidaas tahay, waa in gudoomiyaha gudiga ururka iyo ku xigeenkiisuba ay si rasmi ah dalka Finland u degen yihiin.

Haddii gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa midkood uu dagan yahay dalka dibadiisa, ururku wuxuu ruqsad aan caadi ahayn ka codsan karaa Guddiga Qaranka Maamulka Diiwangelinta Shatiyada.

Howlaha ururka

Ururku wuxuu shaqeeyaa sida badan hal sano. Wuxuu qorsheeyaa hawlihiisa dhaqaalihiisa sannadka soo socda. Arimaha dhaqaalaha iyo xisaabaadka waa in la hubiyaa dhammaadka sannad hawleedka.

Xubnaha ayaa awoodda ururka leh. Go’aanda muhiimka ah waxaa lagu gaaraa shirarka ururka ee xubnaha oo dhan u furan.

linkkiOpetus- ja kulttuuriministeriö:
Kaalmooyinka iyo abaalmarinadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Maamulka ururka

Ururka waxaa loo doortaa maamul lagu doorto shirka ururka, kaas ay looyeero dhamman xubnaha ururka. Maamulku waa inuu ka koobnaado guddoomiye iyo labo xubnood. Qawaaniinta waxaan ku qeexi karnaa cadada guddiga maamulka. Hawsha gudigu waa inay hawlaha ururka u maareeyaan sharciga iyo qawaaniinta ururka iyo weliba go’aamada ururka waafaqsan.

Bur-burka ururka

Ururku wuxuu burburayaa, ka dib markii xubnaha ururka intooda badan ay shir weynaha sidaas ku go’aansadaan.

Markii la sameeyo go’aanka burburinta, hantidana la wareejiyo, waxaa ogeysiiska bur-burinta loo sameeyaa qaybta diiwaangelinta ururada.