Nolosha Finland

Teatteri ja elokuva
theme icon

Tiyaatar iyo shineemo

Tiyaatar

Magaalooyinka dalka Finland intooda badan waxaa ku yaal ugu yaraan hal tiyaatar (masrax). Tiyaatarada qaar ka mid ah waa xirqadlayaal, qaarna waa tiyaataro hiwaayadeed.

Boggaga xarunta warfaafinta tiyaatarada (Teatterin tiedotuskeskus), waxaad ka raadin kartaa macluumaadka la xiriira tiyaatarada ku yaala degmooyinka kala duwan ee dalka waxuuna ku qoran yahay luuqadaha Finnishka. Xaruntu waxay sidoo kale leedahay arkifiyo, taas oo laga deynsan karo riwaayadaha Finnishka ah oo luuqadaha kala duwan lagu turjumay.

Macluumaadka la xiriira barnaamijyada tiyaatarada iyo helitaanka tigidhadooda iyo waliba qiimaha tigidhada tusaale ahaan waxaa laga heli karaa goobaha adeega tigidhada ama bogga Internetka lippupalvelu.fi iyo tiyaatarada.

Sidoo kale dalka Finland waxaa lagu qabtaa dabbaaldegyo farobadan oo ah xagga tiyaatarada. Kuwaas macluumaadkooda waxaa ka heli karaysaa boggaga xarunta warfaafinta tiyaatarada ayagoo ku qoran luuqada Finnishka, Swidishka iyo Ingiriiska.

linkkiTeatterin tiedotuskeskus:
Macluumaadyada xiriirka ee tiyaataradaFinnish

linkkiTeatterin tiedotuskeskus:
Festifaalyada tiyaatareedFinnish | Iswidish | Ingiriis

Shineemo

Magaaloyinka intooda badan waxay leeyihiin shineemoyin. Internetku waa habka ugu wanaagsan ee aad ku heli karto macluumaadka ku saabsan tiyaatarada shineemoyinka ku yaala aagga aad degen tahay barnaamijyadooda iyo qiimaha tigidhadooda. Sida badan barnaamijka usbuuca ee shineemooyinka waxaa lagu daabacaa wargeysyada deegaanka.

Fiinnikko waa shineemada silsilada ah ee ugu wayn dalka Finland. Finnikko boggeeda Internetka waxaad luuqadaha Finnishka iyo Ingiriiska adoo isticmaalaya ka raadin kartaa shineemoyinkeeda magaalooyinka kala duwan ku yaal, waxaad ka fiirin kartaa filimka la soo bandhigo. Barnaamijka shineemoyinka kale waxaad si toos ah u weydiin kartaa shineemada ama waxaad macluumaadka ka raadin kartaa internetka iyo wargeysyada.

Qiimaha tigidhada filimada ee Finland xoogaa way kala duwanyihiin. Tigidhada ugu jaban qiyaastii waa shan euro. Qiimaha tigidhada ayaad horay ka eegi kartaa bogga internetka ee shineemada.

Dalka Finland filimaanta waxaa lagu dhigaa oo ay ku hadlaan luuqadii markii hore filimka lagu sameeyey. Waxaa intaas dheer turjumaad qoraal ah oo ah luuqadaha Finnishka iyo Swidishka. Waxaa sidaas ka bedelan filimaanta carruurta, kuwaas oo laga yaabo inay ku hadlaan luuqada Finnishka oo lagu kor duubay, xittaa haddii luuqadii hore ee filimku ka duwan yahay.

Tiyaatarada filimaanta

Arkiifiyada maqalka iyo muuqaalka ee qaranka waxay soo bandhigtaa filimaan cusub iyo kuwo hore oo lagu sameeyey aduunka dacaladiisa kala gadisan. Macluumaadka la xiriira waqtiga filimka la dhigayo oo af Finnish ah waxaa laga heli karaa bogga Internetka arkiifiyada. Filimka waxaa lagu dhigaa magaalooyin kala gedisan. Filimaanta ku hadasha luuqadaha qalaad sida badan waxaa qoraal ahaan lagu turjumaa luuqadaha Finnishka iyo Swidishka.

Dabbaaldegyada filimaanta

Dalka Finland waxaa sannad walba lagu qabtaa dabbaaldegyada filimaan tayo leh, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin dabbaaldegyada la qabto xilliga xagaaga ee magac baxay dabbaaldegga jacaylka iyo kala dambayn la'aanta iyo weliba kan xiliga samarka la qabto oo la magac baxay xaflada filimaanta ee Sodankylä. Dabbaaldegyadaan waxay leeyihiin bogooda Internetka, kuwaas oo laga heli karo macluumaadyo dheeraad ah oo la xiriira barnaamijka oo ah luuqadaha Finnishka iyi Ingiriiska.

linkkiFinnkino:
FilimadaFinnish | Ingiriis

linkkiRakkautta ja anarkiaa:
Festifaalada filimadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiSodankylän elokuvajuhlat:
Festifaalada filimadaFinnish | Ingiriis

linkkiKansallinen audiovisuaalinen instituutti:
Macluumaadyada filimada iyo bandhigyadaFinnish | Iswidish | Ingiriis