Nolosha Finland

Vapaaehtoistyö
theme icon

Shaqada iskaa wax u qabsho

Haddii waaya aragnimadaada shaqo ee Finland ay yartahay ama aad si fiican u aqoonin finnishka, shaqada iskaa ah ayaa ah hab wannaagsan oo lagu geli nolosha shaqada islamarkaasna lagu wanaajin karo aqoonta luqadeed.

Shaqada iskaa ah mushaar lagama helo laakiin waaya aragnimada shaqado ayaa ahaan karta faa’iido u leedahay marka codsaneyso shaqo mushaar ah. Toos ula xiriir ururka aad rabto inaad ka qabato shaqada mutadawacnimada ah. Haddii aad qaadato lacagta ammaanka shaqo la’aanta, horay uga sii hubso Xafiiska shaqada in shaqada mutadawacnimadu ay saameyn ku leedahay helitaanka lacagta ammaanka shaqo la’aanta. Siyaabo qaarkood waxaad heli kartaa shaqada iskaa wax u qabsada iney noqoto qorshaha u fuddudeynta la qabsiga.

Shaqada iskaa ama mutadawac waxaa sidoo kale laga heli karaa hiwaayad wanaagsan. Inta badan adiga ayaa go’aansan kara waqtiga iyo inta jeer ee aad ka qeybqaadaneyso waxqabadka. Shaqada mutadawaca waxaad kula kulmi kartaa dad sida xiiseeya arrimo lamid ah kuwa aad adigu xiiseyso. Waxaad sidoo kale nolosha shaqada uga faa’iideysan kartaa xiriirada aad ku sameysatay gudaha shaqada mutadawacnimada.

linkkiVapaaehtoistyö.fi:
Shaqooyinka mutadawacnimada ahFinnish

linkkiPunainen Risti:
Shaqooyinka mutadawacnimada ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiKierrätyskeskus:
Hagaha shaqada iskaa ahFinnish | Ingiriis