Nolosha Finland

Musiikki
theme icon

Muusik

Finland waxaa ka jira fursado farabadan oo muusikada hiwaad looga dhigan karo. Waxaad baran kartaa tumida qalab ka mid ah qalabka muusikada, waxaad la heesi kartaa koox, waxaad aadi kartaa masraxyada iyo faystooyinka ama waxaad ka heesi kartaa karaokega. Fursadaha hiwaayadaha waxaa haysta dadka waaweyn, dhallinyarada iyo carruurta.

Degmooyin badan waxaa kun yaala macaahid qaran, kuwaas oo degmooyinku maamulaan. Waxay abaabulaan barasho muusikada oo qiimaheedu jaban yahay. Intaas waxaa dheer barashada muusikada oo ay bixiyaan iskuulada muusikada ee gaarka loo leeyahay iyo macaahidu.

Dadka oo dhan ayey u furan yihiin guruubada muusikada ee macaahida qaranku. Macaahidaas waxay ardayda u qaataan inta badan hadba sida codsiyadddu u soo kala horeeyaan, waxayna ardayda qaataan xiliyada xagaaga iyo dayrta. Macaahida muusikada waxaa lagu geli karaa codsi loo marayo hannaanka imtixaanka gelitaanka oo sannadkiiba mar la qabto.

Waxaad sidoo kale xafiiska dhaqanka ee degmada weydiin kartaa suurtagalnimada inaad hesho hiwaayada muusikada.

linkkiKansalaisopistojen liitto:
Kulleejoyinka Jaaliyadda ee FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Soomaali | Turki | Shiino | Bershan | Carabi | Kurdish | Albaniyan | Tayland | Fietnaam

linkkiMusiikinopetus Suomessa:
Macluumaad ku saabsan barashada muusikadaFinnish

linkkiSulasol:
Macluumaad ku saabsan wadar ku heesidaFinnish | Ingiriis

Masraxadaha iyo faystooyinka

Masraxadaha waxaa lagu qabtaa goobo kala gedisan: Hoolka masraxadaha, aqalka muusikada, xarumaha dhaqanka, musiikkitaloissa, macaahida dhexdooda, makhaayadaha, meelaha taariikhiga ah iyo kaniisadaha dhexdooda. Masraxadaha qaarkood waa bilaash, laakiin inta badan masraxadaha waxaa lagu galaa lacag. Macluumaadka la xiriira masraxadaha waxaad ka heleysaa joornaalada iyo bogga internetka ee magaalada aad degantahay.

Faystooyinka muusikada aad ayaa loo jecel yahay, gaar ahaan xilliga xagaaga. Faystooyinku waxay noqon karaan ooppera, klassik, rock-, pop-, jazz- ama muusikada dhaqanka. Kuwaan waxaa lagu qabtaa dhan kasta magaalooyinka dalka Finland iyo meeelaha magaalooyinka ka baxsan ee baadiyaha ah. Faystooyinka inta badan waxaa lagu galaa lacag.

linkkiFinland Festivals:
Faystooyinka muusikada ee FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Faraansiis | Shiino | Jarmal | Jabanees

linkkiKansanmusiikin ja -tanssin edistämiskeskus:
Muusikada iyo qoob-ka ciyaarka qaranka FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis