Nolosha Finland

Museot
theme icon

Matxaf

Dalka Finland waxaa ku yaal in kabadan ilaa kun matxaf, kuwaas oo ilaa 300 oo kamid ah ay si rasmi ah dadweynaha ugu furanyihiin. Inta soo hartay waxay furanyihiin oo kaliya xiliyada samarka ama jiilaalka waana madaaxif maxali ah. Madaaxifta waxaa loogu talogalay dhammaan dadka oo dhan. Waxay soo bandhigaan farshaxano kala gadisan, taariikh, dabeecada, qof caan ah ama wax qabad khaas ah.

Matxafka dibada waxaa loo jeedaan matxaf dhul baaxad leh ku fadhiya, kaasoo ay kamid yihiin dhismeyaal kaamil ah. Matxafku wuxuu tusaale ahaan noqon karaa xayndaabka uu ku fadhiyo guri dhaqameedkii hore ee Finnishka ama dhul kale oo laga dhigay matxaf. Matxaf banaaneeyada Finnishka ee caanka ah waxaa tusaale ahaan ka mid ah Seurasaari oo ku yaal Helsinki iyo matxafka shaqo-gacmeedka ee Luotsarimäki oo ku yaal magaalada Turku.

Farshaxanka Finnishka waxaa soo bandhiga tusaale ahaan Galeeriyaha qaranka Dawlada ee Ateneum iyo matxafka casriga ah ee magaalada Espoo (EMMA). Taariikhada dhaqanka Finnishka waxaad ku arki kartaa meelo ay ka mid yihiin matxafka qaranka ee Finland oo ku yaala magaalada Helsinki.

Kuwaan waxaa dheer mataaxif faro badan oo ku yaala dhammaan magaaloyinka kala duwan ee dalka Finland iyo aagag matxaf ahaan loo aqoonsaday. Waxyaabaha laga heli karo matxafyada qaarkood waxaad ka arki kartaa bogga Internetka. Sidoo kale macluumaadka dheeriga ah la xiriira matxafyada iyo weliba bandhigyada kala duwan ee mataaxifta lagu qabto waxaa laga heli karaa bogga internetka ee Museot.fi ururka ay ku mideysan yihiin mataaxiftu.

Bogga Internetka ee ururka ay ku midoobeen matxafyadu waxaad ka helaysaa waxyaabaha la xiriira bandhigyada ah xagga internetka oo ay qabtaan matxafyada kala gedisan. Inta badan matxafyadu waxay kaloo bixiyaan adeeg hagid ah oo ay dadka ugu sharaxayaan waxa ay soo bandhigeen, adeegaas oo ku baxaya luuqado kala duwan.

linkkiMuseot.fi:
Raadinta madxafkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiMuseot.fi:
Kalantarka bandhiggaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Goobaha dhaxalka adduunka ee Unesco

Dalka Finland waxaa ku yaal toddoba goobood oo ah meelaha dhaxalka adduunka ee Unesco. Waxayna kala yihiin Qalcadda Finnishka (Suomenlinna), Raumadii hore (Vanha Rauma), kaniisada duqda ah ee Petäjävesi (Petäjäveden vanha kirkko), warshada alwaax xogiga iyo kartoomada ee Verla (Verlan puuhiomo ja pahvitehdas), dalcada Sammallahti, (Sammallahdenmäki), jasiiradaha sil-silada ah ee lagu magacaabo Struve iyo hunguriga badda (Struven ketju ja Merenkurkun saaristo). Macluumaadka dheeriga ah ee la xiriira goobaha dhaxalka aduunka waxaad ka helaysaa bogga Internetka ee waaxda Matxafyada (Museovirasto).

Qalcadaha

Finland waxaa kaloo ku yaala qalcado dadweynaha u furan oo ay daawan karaan, tusaale ahaan qalcada lagu magacaabo Olavinlinna, Qalcada Turku (Turun Linna) iyo qalcada Häme (Hämeen linna). Kuwaani waa qalcado booqashooda ay dadku aad u xiiseeyaan gaar ahaan xiliyada samarka ama jiilaalka. Sidoo kale qalacadaha waxaa lameeyaa hagitaano la qorsheeyey oo dadka looga sheekaynayo taariikhda qalcada iyo qaab dhismeedyadeeda intaba. Wixii macluumad ah oo ka faah-faahsan intaas lana xiriira qalcadaha iyo hagitaanadooda waxaad ka heli kartaa bogga Internetka ee waaxda Matxafyada.

Kharashka gelitaanka iyo qiimo dhimista

Kharashka gelitaanka mataaxiftu way kala duwan yihiin. Isku celcelintii qiimahoodu waa shan euro dadka waaweyn carruurtana waa laba euro.

Mataaxif badan ayaa qiimo dhimis ku sameeya kharashka gelitaanka ee guruubo cayiman. Guruubadaasi waxay noqon karaan tusaale ahaan dhallinyarada da'doodu ka yar tahay 18-sano, ardayda, shaqo la'aanta, hawlgabka. Carruurta waxaa laga yaabaa inay bilaash ku galaan matxafyada qaarkood.

Matxafyo badan ayaa qabanqaabiya maalmo gooni ah, kuwaas galitaanka matxafku uu yahay bilaash. Bogga Internetka ee dalada ay ku midaysan yihiin matxafyada ayaad ka heli kartaa maalmaha matxafyada bilaashka lagu galo. Matxaf badan ayaa bilaash lagu galaan maalinta matxafyada aduunka oo ku beega 18.5. Dhawr matxaf ayaa mar kasta bilaash lagu galaa, tusaale ahaan matxafka magaalada Helsinki.

linkkiMuseovirasto:
Goobaha ku yaal Finlad ee Unesco u aqoonsatay dhaxalka aduunkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiMuseovirasto:
Madxafyada iyo qalcadahaFinnish | Iswidish | Ingiriis