Nolosha Finland

Luonnossa liikkuminen
theme icon

Ku raaxeysiga iyo ku socodka dabeecadda

Dabeecadda Finnishku waa kala duwan yahay. Ku raaxeysiga iyo socoshada dabeecaddu waa wax xiiso iyo nabadgelyo leh, haddii aad dooratid wado ku habboon awoodaada socod iyo xirfadaada isla markaasna aad ilaalisid tilmaamaha hagitaanka ee lagu siiyey.

Finland waxay leedahay sannadkii afar xilli oo aad u kala duwan.

Macluumaad ka badan ee ku saabsan beya'dda Finland iyo xilliyada sannadka waxaad ka heli kartaa bogga Internetka InfoFinland Hawada Finland.

Safarada gaa-gaaban iyo iska socodka aan meesha cayiman lahayn

Iska socodka iyo safarada gaa-gaaban waa hiwaayado, ku haboon dhammaan xilliyada kala gedisan ee sannadka. Haddii aadn waayo aragnimo hore u lahayn Iska socodka ama safarada gaa-gaaban, waxaa wanaagsan inaad ku ku bilowdo safaro dhaw-dhaw iyo wadooyin sahlan, oo ku jaal agagaarka meel la dagen yahay. Safarada gaa-gaaban waxaad aadi kartaa adigoon haysan wax qalab gooni ah. Si kastaba ha ahaatee waxaa haboon inaad horay u qaadato cabitaan, telefoon iyo weliba maab. Waxaa wanaagsan in safarada gaa-gaaban laga bilaabo goobo calaamadaysan. Maabyada safarada waxaa lagu iibiyaa tukaamada buugaagta iyo Internetka. Safarada dhaadheer iyo iska socodku waxay u baahan yihiin qorshayn iyo qalab faro badan.

Ifiitiimada cirka midabada leh ee loo yaqaan iftiimada waqooyi

Finland waxay ka mid tahay meelaha ugu wanaagsan ee laga arki karo iftiimada waqooyi (aurora borealis). Inta badan waxaa laga arki karaa Waqooyiga-Lapland, sidoo kale waxaa laga arki karaa Koonfurta Finland. Cimilada ugu wanaagsan ee lagu arki karo iftiimada waqooyi waa markii uu habeenku aad mugdi u yahay cirkuna uusan daruuro lahayn, lagana fog yahay iftiinka ka soo baxaya nalalka magaalada. Waxaa habboon inaad dhar diiran xirato, sababtoo ah inta badan waxaa jira qabow markii uu habeenku aad mugdi u yahay cirkuna uusan daruuro lahayn. Xilliga xagaaga habeenadu aad ayey iftiin u yahiin, markaas way adag tahay in la arko iftiimada waqooyi.

linkkiIlmatieteen laitos:
Midabada cirka ee loo yaqaan iftiimada waqooyiFinnish | Ingiriis

Iskiiga

Iskiigu waa nooca ugu xiisaha badan ciyaaraha xilliga barafka. Waa caafid iyo weliba waa nooc isboorti lacag la'aan ah. Macluumaadka la xiriira koorsooyinka iskiiga, kireysiga lug gashiga iskiiga iyo jidka iskiiga lagu sameynaayo oo af Finnish ah waxaad ka heli kartaa tusaale ahaan bogga internetka ururka Latu ry ee Finland.

linkkiSuomen Latu ry:
Macluumaad ku saabsan hiihtayntaFinnish

Ku dhaq-dhaqaaqa biyaha

Dadka Finnishku biyaha aad ayey ugu dhaq-dhaqaaqaan. Dhaq-dhaqaaqa waxaa loo adeegsadaa huuriyada ama doomaha yar yar oo matoorada leh, khaas ahaan safarada gaa-gaaban marka la sameynayo. Dalka Finland waxaa sidoo kale aad looga adeegsadaa qabaalada iyo doomaha shiraaca leh. Marka biyaha lagu safraayo nabadgalyadu aad ayey muhiim u tahay. La soco wararka cimilada iyo qaado jaakadaha badbaadada oo lambar kugu haboon ah.

Ku socodka barafka

Xilliga barafka inta badan dhul biyoodka Finnishka waxaa daboola baraf. Biyuhu way fariistaan, markii heer kulma biyaha dushooda ah uu ka hoosmaro eber. Tusaale ahaan barafka dushiisa waa lagu socon karaa, lagu sameyn karaa iskeytin ama iskii waana laga kaluumeysan karaa ayadoo barafka la dalooliyo. Barafka dhumudiisu aad u weyn tahay waxaa lagu wadi karaa mootooyinka barafka iyo gawaarida. Ku socdaalka barafka waxaa mar walba la xiriira khatar, sidaas darteed nabadgelyada in laga fakaro aad ayey muhiim u tahay.

Liiska xasuusta ee ku socodka barafka:

  • Markii biyuhu barafoobaan, markiiba ma noqdaan adeeg tayo leh
  • Xooga barafku wuu is bedeli karaa xitaa safada meelaha isku dhaw dhaw
  • Xilliga guga qiyaasida barafka xoogiisu way adagtahay, waxaana habboon inaad ka fogaato ku socodka barafka dushiisa.
  • Qofka barafka ku dul soconaysa qalabka ugu muhiimsan waa kabaha qodxaha leh. Kuwaas la'aantood waa adag tahay in kor looga soo baxo godka barafka dumay.
  • Haddii aadan hubin adeyga tayo ee barafka, ha fuulin barafka dushiisa.

Kaluumeysiga

Kaluun dabid (dixiriga-wax lagu dabo) iyo kaluumeysiga baraf dushiisa godka barfaka laga dalooliyo waxay ka mid yihiin kaluumeysiga ruqso la'aanta ah marka laga reebo xaalado gooni, loomana baahna in kaluumaysigaas dartiis loo dalbado ruqso kaluumeysi. Kaluumeysiga kale iyo dabida kaluunka aragoostada u eg waxaa loo baahan yahay:

  1. bixinta lacagta kaluumeysiga ee dawlada (valtion kalastuksenhoitomaksu)
  2. bixinta lacagta gobolka ee ku kaluumeysiga maqaalinta (läänikohtainen viehekalastusmaksu)

Bixinta lacagta gobolka ee ku kaluumeysiga maqaalintu waa shakhsiyan, waana in la bixiyo intaan kaluumeysiga la bilaabin. Waxaa la bixin karaa sannadka oo dhan ama markiiba toddobo maalmood.

linkkiMetsähallitus:
Macluumaad ku saabsan ruqsadaha kalluumeysigaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Xaqa uu qof walba leeyahay oo aan ruqsada u baahneyn

Xaqa uu qof kasta leeyahay (jokamiehen oikeudet) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka Finnishka iyo sharci-dejinta.

Xaqa uu qof kasta leeyahay oo koobaan

Waxaad:

  • ku dhaqaaqi kartaa lugaha, adigoo iskii gareynaya ama dabeecada baaskiil ku wadaya meelaha aan ahayn deydadka guryaha iyo meelaha aan ahayn dhul beereedka, balka dhexdiisa, abuurka dhexdiisa, kuwaas oo ku waxyeeloobi kara ku dul-socodka;
  • si ku meel gaar ah u joogi kartaa, meelaha la ogol yahay in la maro, tusaale ahaan teendho ayaad ka dhisan kartaa meelahaas si xor, haddii aad ka taxadarto inaad in ku filan ka fogaato guryaha dadka;
  • guran kartaa miro, mashruum iyo ubaxyo;
  • ku kaluumeysan kartaa maqaalin iyo baraf daloolin
  • doomeysan kartaa, dabaalan kartaa, waxaadna ku qubeysan kartaa meelaha biyaha leh, waxaadna ku socon kartaa barafka

Laguuma ogolaa inaad:

  • qash-qashaadid ama dhibtid dad kale;
  • rabshayso ama wax yeelayso meelaha ay shimbiruhu ku ukumeeyaan ama ay ilmaha dhigtaan;
  • qash-qashaadid ugaarta iyo dugaaga toona;
  • jartid ama waxyeelaysid geedaha baxaya;
  • qaadato geed la qallajiyey ama jabay, laamo, cagaarka dhagxaanata ka dul baxa dhul dad kale leeyahay ogolaansho la’aan;
  • shidido dab dhul dad kale leeyahay, ayadoo aysan jirin sabab kugu qasbaysa;
  • qash-qashaadid nabadgelyada guriga, tusaale ahaan adoo kaam ka samaysanaya meelo guyaha dad kale u dhaw ama ku qaylineysid dadka;
  • wasaqayso bay'adda;
  • gaari ku waddo meel aan wado ahayn adigoon haysan ruqsada dadka dhulka iska leh
  • kaluumeyusan kartid mana ugaarsan kartid adigoon haysan ogolaanshada cida ruqsada bixisa

linkkiYmpäristöministeriö:
Buugyare wax ka sheegaya waxyaabaha uu qof walba isticmaali karo ruqso la'aanFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush

linkkiMetsähallitus:
Maalin socodka dhulka hiddahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiRetkikartta.fi:
Kaartooyinka socod maalmeedka ee shabakadda ku jiraFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiMetsähallitus:
EräluvatFinnish | Iswidish

Jardiinooyinka qaranka iyo aagaga loo calaamadeeyey ilaalinta dabeecadda

Finland waxaa ku yaala 35 jardiino qarameed. Jardiinooyinka qaranka waxaa loola jeedaa mid weyn oo ka badan 1000 hegtaar ahna dhul la seereeyey. Jardiinooyinka qaranka ujeedadooda koowaad waa xaqiijinta dhinacyada kala duwan ee dabeecada, isla markaasna waxay u furan yiihiin inay daawadaan dhammaan dadka oo dhan.

Muuqaalka quruxda badan ee jardiinooyinka qaranku waxay ku haboon yihiin goobo dalxiis. Jardiinooyinka waaweyn waa lagu habeen dhixi karaa, waxaana dhexdooda lagu sameyn karaa safaro dhaa-dheer. Jardiinooyinka qaranka waxaa inta badan ku yaala xarun dabeecadeed oo uu gacanta ku hayo maamulka kaymaha, xaruntaas oo laga heli karo macluumaadkii ugu dambeeyey ee la xiriira dabeecada aagga iyo ku dhex socodkeeda. Waxaana haboon in booqashada laga bilaabo xarunta.

Jardiinooyinka qaranka waxaa gacanta ku haya maamulka kaymaha.

linkkiRetkikartta.fi:
Kaartooyinka socod maalmeedka ee shabakadda ku jiraFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiLuontoon.fi:
Jardiinooyinka qarankaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Shiino

linkkiFinterest:
Goobaha waqtiga firaaqada ee kartada ku yaalFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Isbanish | Turki | Shiino | Bershan | Carabi | Jarmal | Fietnaam | Burtuqiis | Boolish | Holand | Jabanees | Talyaani | Ayslandik