Nolosha Finland

Liikunta
theme icon

Isboortiga

Dalka Finland dad badan ayaa hiwaayad ka dhigta jimicsiga, sidoo kale hiwaayada jimicsigu waxay kaa caawinaysaa inaad la kulantid dad iyo heshid saaxiibo cusub. Jimicsiga la hago inta badan waxaa qabta naadiyada isboortiga ee kala duwan, kuwaas oo inta badan ku shaqeeya si mutaddawacnimo ah.

Jimicsiga fuddud way ahaan karaa jardiin ka shaqayn, xaaqis ama shaqo baraf, si kale haddii loo yiraahdo jimicsiga faa’iidada leh (hyötyliikunta). Socodka shaqo aadista ama dukaan aadista ama kan baaskiilku waa habka ugu sahlan dhaq-dhaqaaqa maalinta.

Jimicsigu wuxuu faa’iido u leeyahay dadka waayeelka ah, waxay kor u heysaa itaalkooda waxqabad iyo caafimaadkooda jireed.

Ciyaaraha sidoo kale aad bey muhiim ugu yihiin carruurta. Ka aqriso dheeri Hiwaayadaha carruuraha iyo dhalinyarada

Jimicsiga la hago

Jimcisiga la hago waxaa tusaale ahaan qabanqaabiya degmooyinka iyo jimciyadaha isboortiga.

Deegaanada qaarkood waxaa laga qabanqaabiyaa jimicsi la hago oo si gaar ah loogu talagalay dadka dalka u soo guuray, tusaale ahaan haweenku iney leeyihiin horimo u qaas ah ama inaad soo barato nuucyo cusub.

Jimicsiga la hago waa mid dadka oo dhan u furan. Waxqabadyda jimciyadaha isboortiga dadka oo dhan ayaa ka qeybqaadan kara. Jimcsiga la hagaahi wuxuu noqon karaa tusaale ahaan yumbada ama socod, orod ama safar hiihto oo la hagayo.

Doorashada hiwaayada xagga dhaq-dhaqaaqa jirka ah

Dalbashada horinta hiwaayada waxaa habboon inaad qiimeyn ku sameysid heerkaaga. Horinta hiwaayada waxaad heleysaa kuwo bilowga dhaafey.

Noocyada hiwaayadaha Finlanad badi la xiiseeyo waa sida dabaasha iyo kudul socodka barafka iskiinka oo loo qabanqaabiyo sidoo kale dadka qaangaarada. Markii aad barato aas-saaska labada hiwaayadoodba adiga ayaa keligaa wadan kara si qiimo jaban ama lacag la’aan ah.

Meelaha dhaq-dhaqaaqa jirka lagu sameeyo

Meelaha dhaq-dhaqaaqa isboortiga lagu sameeyo boqolkiiba 70 waxaa iska leh magaalada. Meelahaas waxaa ka mid ah tusaale ahaan qaar badan oo ka mid ah garoomada isboortiga iyo hoolalka dabaasha iyo meelaha kale dhaq-dhaqaaqa jirkaagu sameeyo, tusaale ahaan garoomada kubadda cagta iyo waddooyinka iskeytinka lagu sameeyo. Goobaha isboortiga magaaladu waxay u furan yihiin isticmaalka dhammaan dadka.

Wixii macluumaad dheeraad ah waxaa haboon inaad weydiiso waaxda magaaladaada u qaabilsan hawlaha isboortiga. Meesha laga xiriirayo waxaad ka heleysaa bogga Internetka ee magaaladaada ama adigoo kaalmeysashada mashiinka wax raadinta marka aad isticmaaleyso erayada raadinta tusaale ahaan magaca degmadaada iyo erayga ”liikunta” (jimicsi).

Magaalooyinka waaweyn waxaa ku yaala xarumo isboorti oo gaar loo leeyahay. Waxyaabaha ay bixiyaan iyo qiimahoodaba waxaad si toos ah u weydiin kartaa xarumahaas isboortiga.

Ardayda iyo dadka shaqeeya waxaa habboon inay ogaadaan, in goobaha waxbarashada ama shaqadu ay ugu deeqayaan fursado isboorti.

linkkiSuomen Uimaopetus- ja Hengenpelastusliitto ry:
Kusoo dhowoow hoolka dabaasha!(pdf, 2 MB)Finnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Soomaali | Turki | Carabi | Kurdish | Tayland

linkkiLiikkukaa! ry:
hay'ada ciyaarahaFinnish | Ingiriis

linkkiUKK-instituutti:
Soo jeedinnada jimicsigaFinnish | Ingiriis