Lasten ja nuorten harrastukset
theme icon

Hiwaayadaha carruuraha iyo dhallinyarada

Dalka Finland gudihiisa carruurta iyo dhallinyarada waxaa la siiyaa hawlo hiwaayadeed oo kala duwan. Carruurta iyo dhallinyaradu waxay hiwaayad ka dhigan karaan tusaale ahaan, isboortiga, qoob ka ciyaarka, muusikada, farshaxan sawireedka ama tiyaatarka. Qayb ka mid ah hiwaayaduhu waa lacag, laakiin hiwaayado lacag la'aan ah ayaa jira. Degmooyinka, ururuada, machadyada dadka waaweyn iyo ururada gaarka ah ayaa waxay carruurta iyo dhallinyarada u qabanqaabiyaan waxqabadka la hagayo.

Macluumaadka adeegyada deegaanka waxaad ka heleysaa bogaggeena Magaalooyin.

Carruurta iyo jimicsiga

Jimicsiga noocyada badan wuxuu u wanaagsan yahay caafimaadka iyo horumarka cunugga. Xannaano-maalmeedyada iyo dugsiyada waxaa lagu qabanqaabiyaa xiisado jimicsi, intaas waxaa dheer in ay wanaagsan tahay in uu cunuggu maalin kasta dhaqdhaqaaqo islamarkaasna dheelo.

Jimicsiga waxaa lagu sameyn karaa naadiyada, kooxaha ama si iskaa ah ayaa loo sameyn karaa. Tusaale ahaan degmooyinku waxay qabanqaabiyaan jimicsiga qoysaska oo qiimo ahaan jaban, kaas oo ay carruurta iyo waalidku ay wadajir u jimicsan karaan.

Carruurta jirta da’da dugsiga iyo dhallinyaraduba waxay hiwaayad ahaan u ciyaari karaa tusaale ahaan kubbadda cagta, qoob ka ciyaarka, isboortiga guud, kubbad xeegeedka hoolalka, ciyaaraha jineestigada iyo dabaasha.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Isboortiga

Hiwaayadaha farshaxanka

Dhallinyaradu waxay heli karaan hiwaayadaha farshaxanka oo badan, tusaale ahaan sawri gacmeedka, muusikada ama tiyaatarka. Kuwaas waxaa tusaale ahaan bixiya macaahida shaqaalaha, iskuulada sawir gacmeedka, macaahida muusikada iyo hawlaha dhallinyarada ee degmooyinka. Macluumaadka la xiriira fursadda hiwaayadaha, jadwalka iyo qiimaha waxaa habboon in toos loo weydiiyo qolada qabanqaabisa.

Maktabadda iyo wax aqrinta

Degma kasta oo Finland ku taal waxaa ku taal maktabad, taas oo laga helo buugaagta carruurta iyo dhallinyarada oo fara badan. Carruurtu waxay oggolaanshaha waalidkood ku heli karaan kaarka maktabadda.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Maktabadaha

Hawlaha dhallinyarada

Adeegyada dhallinyarada ee degmooyinka waxaa loogu talogalay carruurta iyo dhallinyarada qaangaarka ah. Da’yarku wuxuu ka qaybqaadan karaa naadiyo kala duduwan iyo waxqabadyada dadka oo dhan u furan ee guryaha dhallinyarada. Guriga dhallinyaradu waa meesha ay dhallinyadaru ku qaataan waqtiga firaaqada ah ayna hiwaayadahooda kala duwan ku qabsadaan. Guryaha dhallinyarada waxaa kaloo lagu qabtaa waxqabadyo la hago. Hawlaha lagu qabto guriga dhallinyarada intooda badan waa lacag la’aan.

Guriga dhallinyarada waxaa markasta jooga qof weyn, inta badan qofkaas waa shaqaalaha dhallinyarada ee degmada ama hagaha dhallinyarada. Xadka da’da ee guryaha dhallinyaradu waa kala kuwa kala duduwan. Marka hawlaha la qabanqaabinayo waxaa la tixgeliyaa waxyaabaha ay dhallinyaradu codsadaan, dhallinyaraduna waxay saameyn ku yeelan karaan waxyaabaha ay ka kooban yihiin waxa qabanayo iyo sida loo qabanayo intaba.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hawlaha dhallinyarada ee ay degmadu qabanqaabiso waxaad ka heleysaa laanta qaabilsab hawlaha dhallinyarada ee degmadaada. Ururo iyo xer diimeedyo badan ayaa iyaguna qabta hawlaha dhallinyarada.

Dhallinyarada iyo saameyn ku yeelashada bulshada

Dhallinyaradu waxay leyihiin fursado badan oo ay saameyn ku yeelan karaan. Tusaale ahaan ka qaybgalka hawlaha iskuulkaaga ama hawlaha ardayda ee goobta waxbarashadu waa habka ugu fudud ee lagu bilaabi karo saameynta ku yeelashada. Degmo kasta waxaa ka jira gole dhallinyaro, kaas oo dhallinyarada ku metela gaarista go’aanada degmada.

Ururo bulsho iyo kuwa jimciyadeed badan ayaa waxay dhallinyarada u qabanqaabiyaan waxqabad. Da’yarku wuxuu isagoo soo marayaa ururada bulshada soo gudbin karaa su’aalaha isaga muhiimka u ah wuxuuna sidoo kale horumarin karaa arrimo bulshada la xiriira.

Doorashooyinka waxaa ka codeyn karaa dadka buuxiyay 18 sano.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Doorashooyinka iyo codeynta Finland