Ammattiliitot
theme icon

Ururada shaqaalaha

linkkiTyöttömyyskassojen Yhteisjärjestö ry (TYJ):
Waa maxay sababta ay u wanaagsan tahay in lagu biiro khasnadda shaqo la'aantaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Shaqaaluhu waxay Finland xaq u leeyihiin in ay ku biiraan ururada shaqaalaha. Inta badab dadka Finnishku waxay ka tirsan yihiin urur ka mid ah ururada shaqaalaha. Ururada shaqaaluhu waxay waxay ururada shaqo-bixiyayaasha kala xaajoodaan iyagoo shaqaalaha metelaya tusaale ahaan mushaarka iyo shuruudaha kale ee shaqada. Dadka Finnishka ah badankood waxay ku jiraan urur shaqaale ama khasnadda shaqo la’aanta.

Urur shaqaale

Inta badan waxaa urur shaqaale oo isku mid ah ku biira dadka isku xirfadda ah (tusaale ahaan kalkaaliyayaasha caafimaadka) ama dadka isku waxbarashada ah (tusaale ahaan injineerada). Xuquuqda shaqaalaha sinnaba looguma xakamayn karo wax heshiis ah. Ku takoorida shaqaalaha ku biiritaankooda urur shaqaale awgiis waa dambi ciqaab lagu mutaysanayo.

Waxaad ku biiri kartaa ururka shaqaalaha ee qaybtaada shaqada, haddii aad dooneysid. Markii add ku biireysid ururka shaqaalaha waxaad la xiriiraysaa wakiilka ururka shaqaalaha ee goobtaada shaqada ama si toos ah ururka shaqaalaha. Inta badan codsiga ku biirida waxaa laga buuxiyaa bogga internetka ee ururka shaqaalaha. Dadka xubnaha ka aha ururada shaqaalaha waxay ururka siiyaan lacagta xubinnimada, taas oo inta badan ka ah mushaarka ah 1–2 boqolkiiba. Lacagta xubinimada waxaa laga jari karaa canshuur celinta.

Xubnaha ururada shaqaaluhu waxay ka qayb geli karaan waxbarashada iyo nashaadaadka waqtiga firaaqada ay abaabulaan ururada shaqadu. Waxay sidoo kale caawinaad ka heli karaan wakiilka ururka haddii is af-garawaa ka dhasho shaqada. Haddii loo baadho ururka shaqaalaha waa laga heli karaa talooyin ama caawinaad xagga ka wada xaajoodka arrimaha shaqada.

Ururka shaqaalaha iyo shaqaalaha ururkaas ka tirsan waxaa goobta shaqada ku metela wakiilka ururuka shaqaalaha. Shaqaalaha ayaana dhexdooda ka doorta wakiilka ururka shaqaalaha. Wakiilka ururka shaqaaluhu wuxuu u shaqeeyaa sidi u qaybsanaha wadahadalka, dhexdhexaadiye iyo war kala gudbiye u dhexeeya shaqo-bixiyaha iyo shaqaalaha. Wakiilka ururka shaqaalaha waxaa sidoo kale wax laga weydiin karaa tusaale ahaan arrimaha la xiriira shuruudda heshiiska shaqada.

Finland waxaa jira qiyaastii 80 urur shaqaale, kuwaas oo ku hoostaga xarumaha dhexe ee saddex urur shaqaale. Waxayna kala yihiin, Ururka dhexe ee ururada shaqaalaha ee Finland SAK, Ururka dhexee shaqaalaha xafiisyada STTK iyo Ururka dhexe shaqaalaha tacliinta sare leh (Akava). Marka aad ururka shaqaalaha ku biireyso, waxaad ku biiri kartaa khasnadda shaqo la’aanta ee ururka.

linkkiKorkeasti koulutettujen työmarkkinajärjestö Akava:
Macluumaadka waxqabadka ururka xirfaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiSuomen ammattiliittojen keskusjärjestö SAK:
Macluumaadka waxqabadka ururka xirfaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiToimihenkilökeskusjärjestö STTK:
Macluumaadka waxqabadka ururka xirfaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Qasnadda shaqo la’aanta

Ururka shaqaalaha iyo khasnadda shaqo la’aantu waa labo nidaam oo kala duwan. Finland waxaa ka jira 25 khasnadaha shaqo la’aanta ah. Qofka xubinta ka ah qasnada shaqo la’aanta wuxuu bixinayaa inta uu shaqaynayo lacagta xubinnimada ee qasnadda shaqo la’aanta. Haddii shaqadu ka dhamaato oo uu shaqo la’aan noqdo waxaad lacagta ka codsan kartaa qasnadda shaqo la’aanta lacag maalmeedka ee qofka shaqeyn jiray xubinna ka ahaa qasnada loogu talogalay (ansiosidonnainen työttömyyspäiväraha). Way kuu fiican tahay inaad ku biirto qasnadda shaqa la’aanta, sababtuna waa, haddii shaqa la’aani kugu dhacdo, qasnadda shaqa la’aanta ayaad ka helaysaa lacag maalmeedka shaqa la’aanta oo ku xiran mushaarkii ku soo geli jirey, lacagtaasina way ka badan tahay lacag-maalmeedka aasaasiga ah ee ay Keladu bixiso.

In khasnadda shaqo la’aanta laga helo lacag maalmeedka mushaarka ku salaysan waxaa ku xiran xoogaa shuruudo ah. Shuruudahaas sii ogow hadiiba inta aadan ku biirin qasnadda shaqo la’aanta. Tusaale ahaan waa in aad shaqo ku jirtaa wakhti cayimanna aad xubin ka ahaataa khasnadda shaqo la’aanta.

Wixii macluumaad dheeraad ah ka akhriso bogga InfoFinlandi ee Gunnada shaqo-la’aanta.

linkkiTyöttömyyskassojen yhteisjärjestö:
Macluumaad la xiriira sanduuqyada shaqo la'aantaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiTyöttömyyskassojen Yhteisjärjestö ry (TYJ):
Waa maxay sababta ay u wanaagsan tahay in lagu biiro khasnadda shaqo la'aantaFinnish | Iswidish | Ingiriis