Nolosha Finland

Yritysneuvonta
theme icon

Talo-siinta ganacsiga

Dalkan Finland qof walba waxaa suurto gal u ah inuu helo la talin ganacsi oo lacag la aan ah. La talinta waxaa bixiya tusaale ahaan:

  • Xarunta ganacsiga cusub (Uusyrityskeskukset)
  • Xarumaha xoogsashada, gaadiidka iyo bey’adda (xarumaha ELY) (Elinkeino-, liikenne- ja ympäristökeskukset (ELY-keskukset))
  • Xafiisyada shaqada iyo xoogsashada (Työ- ja elinkeinotoimistot (TE-toimistot))
  • Yritys-Suomi (Shirkad-Finland) (adoo isticmaalaya bogga internetka iyo telefoonkaba)

Xaafiisyadan kor ku xusan waxay hagaan dhammaan dadka xiisaynaya ganacsiga ee ku nool dhammaan daafaha dalka Finland. Markii aad heshid fikar ganacsi oo wanaagsan, la xiriir xarunta adeega ganacsiga ee kuugu dhaw. Halkaas waxaad ka helaysaa shaqaale khibrad u leh arimaha ganacsiga oo kaa caawinaya horumarinta fikradaada ganacsi ee cusub. Waxaa lagaa caawinayaa inaad samaysid suuq baarid bilow ah, xisaabinta faa’iidada, kaartaynta meelaha maalgelinta laga heli karo. Waxaad kaloo ka helaysaa la talin la xiriirta xagga samaynta qorshaha waxqabadka gancsiga iyo dhiirogelin la xiriirta go’aankaaga samaynta ganacsiga cusub.

La talinta ganacsiga waxaa lagu heli karaa luuqadaha Finnishka iyo Swidishka iyo sida badan magaalooyinka waaweyn luuqada Ingiriiska iyo luuqado kale.

Yritys-Suomi wuxuu la talinta ganacsiga ku dhiibaa luuqada Finnishka iyo Swidishka. Lambarada taleefanada la talinta ee Yritys-Suomi waa sidaan:

Finnish 0295 020 500
Swidish 0295 020 501

Haddii aad talobixinta ku dooneyso af Ingiriis, su’aashaada u dir adigoo sii maraya bogagga shabakadda luqada Ingiriiska ee Yritys-Suomi. Markaas kadibna la talinta ayaa kula soo xiriireysa.

Adeegayada telefoonadu waxay furan yihiin isniin ilaa jimce saacadaha u dhexeeya 9.00–16.15.

linkkiYritys-Suomi:
la-talinta shirkaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Koorsooyinka ganacsiga

Hay'adaha kala duwan waxay abaabulaan koorsooyinka ganacsiga iyo munaasabado kale oo ay ku bixiyaan macluumaad la xiriira ganacsiga, kuwaas oo faa’iidooyin badan u leh dadka samaynaya ganacsi cusub. Koorsyada waxaa lagu bartaa arimo badan tusaale ahaan samaynta qorshaha ganacsiga, bilaabida howlaha ganacsiga, xisaabinta dakhliga iyo kharashka ganacsiga, arimaha sharciyada, suuq-gelinta, iibinta iyo adeegga macaamiisha.

linkkiNewCo Helsinki:
Hagaha aasaasida shirkadaha cusubFinnish | Ingiriis | Shiino

linkkiYritys-Suomi:
Samaynta shirkad cusubFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Adeegyada loogu talagalay ganacsadahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEuroopan unioni:
Macluumaad la xiriira ka shaqaynta iyo ka ganacsiga wadamada midowga Yurub dhexdoodaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Estoniyan | Faraansiis | Isbanish | Jarmal | Burtuqiis | Boolish | Holand | Romaniyan | Hungariyan | Talyaani | Latfian | Lituwanian | Danish | Bulgaariyan | Slofak | Sloveniya | Maltes | Griig | Czech | Gaelik

linkkiKurssihaku.fi:
Dalbashada koorsooyinkaFinnish | Iswidish | Ingiriis