Nolosha Finland

Yritysmuodot
theme icon

Noocyada shirkadaha

Markii aad aasaasaysid ganacsi, waa inaad doorataa nooca shirkada iyo magaca shirkadda waana inaad caddaysaa qaybta ganacsiga (toimiala) aad bilaabaysid. Doorashada nooca shirkadda waaxaa saamaynaya tusaale ahaan cadadda dadka shirkadda samaynaya, baahida lacagta aasaaska, qaybsiga masuuliyadda iyo awoodda go’aan gaarida, maalgelinta iyo habka canshuuraha.

Noocyada shirkadaha ganacsiga ee Finland waa, Magac ku shaqaysasho (toiminimi), Shirkad furan (avoin yhtiö) , Shirkad maalgelinteedu dad ka dhaxayso laakiin masuuliyadu ay hal qof saaran tahay (kommandiittiyhtiö), Shirkad saamiley ah (osakeyhtiö) iyo Iskaashato (osuuskunta).

Markii aad ka fakaraysid doorashda nooca shirkadda aad samaynaysid, waxaa lagama maarmaan ah inaad la xiriirtid Talo-siinta ganacsiga.

Magac ku shaqaysasho (toiminimi)

Waa nooca ugu sahlan looguna jecel yahay marka la bilaabayo ganacsi waa inuu qofku noqdo qof iskiis noloshiisa ula soo baa oo ganacsade ah oo magaciisa ku shaqaysta. Go’aanka arrimaha ganacsiga ku saabsan iyo mas’uuliyadaba waxaa iska leh adiga ganacsadaha ah, shirkaduna shaqaale way shaqaalayn kartaa, sida shirkadaha kale. Inta badan, haddii aad shaqo caadi ah ka shaqayso oo wakhtiga firaaqada ah aad iskaa u ganacsato waxaa wanaagsan inaad ganacsigaaga ku bilowdo nooca magac ku shaqaysashada. Sidan ayaa ugu dhaqso badan uguna sahlan markaad bilaabayso hawlo ganacsi.

Shirkad saamiley ah (osakeyhtiö)

Shirkadda noocan ah waxaa aasaasi kara ugu yaraan hal qof ama hal bulsho (urur), hantideeda saamiguna waa inay ugu yaraan ahaataa 2500 euro. Hantida saamigaha ahna waxaa loo qaybiyaa saami ahaan: Qofka saamiga ku leh shirkadda awoodiisa cod ka dhiibashada arrimaha shirkadda, faa'iidada shirkadda ka soo geleysa iyo mas’uuliyadda ka saaran shirkadda waxay ku xiran tahay hadba intay le'eg yihiin saamiyada uu shirkadda ku leeyahay.

Shirkad furan (avoin yhtiö)

Shirkad furan waa shirkadan shakhsiyaadku leeyihiin waxay samaysantaa haddii laba qof ama dad badan ay ku heshiiyaan inay shirkad samaystaan oo ay sameeyaan heshiiska shirkadda oo qoraal ah. Dadka shirkaddu ka dhaxaysaa way u siman yihiin arrimaha shirkadda oo dhan, si wadajir ah bayna shakhsi ahaan mas’uul uga yihiin go'aamada arrimaha shirkadda ku saabsan, waajibaadka shirkadda saaran iyo deymanka shirkadda lagu leeyahay.

Shirkad maalgelinteedu dad ka dhaxayso laakiin mas’uuliyadu ay hal qof saaran tahay (kommandiittiyhtiö)

Waa shirkad dad shakhsiyaad ah leeyihiin, laakiin waxay shirkadda furan kaga duwan tahay, shirkadda noocan ahi waxay leedahay hal ama dhowr qof oo mas’uuliyadda shirkaddu saaran tahay, waxay kaloo leedahay ugu yaraan hal qof oo shirkadda wax ku leh, laakiin aan cod ka dhiiban arrimaha shirkadda (äänetön yhtiömies), macnaheedu waa qof shirkadda uga tirsan si maalgeliye ahaan ah oo keliya.

Iskaashato (osuuskunta)

Iskaashatadu waxaa shirkad ay leeyihiin dadka xubnaha ka ah. Iskaashatada waxaa xubin ka noqon kara hal ilaa dhawr xubnood. Qof walba oo xubin ah iskaashatada hal cod ayuu ku leeyahay shirarka shirkadda iskaashatada. Tusaale ahaan deymaha iskaashatadu gasho, xubnaha iskaashatada waxaa xil ka saaran yahay in le'eg hantida ay iskaashada geliyeen oo keliya.

linkkiYritys-Suomi:
Macluumaad la xiriira noocyada shirkadahaFinnish | Iswidish | Ingiriis