Nolosha Finland

Rahoitus
theme icon

Maalgelin

U qorshee si taxadar leh

Intaadan shirkadda ganacsiga bilaabin ka hor waa inaad si taxader leh uga fekertaa oo u qorshaysaa sidaad ku heli lahayd maalgelinta shirkaddu u baahan tahay. Markaad ganacsi furanayso, waxaad u baahan tahay lacag, sidaa darteed waa muhiim, inaad bilowga hore haysato lacag kugu filan. Lacagta aad ganacsiga ku furanayso qayb ka mid ah waxay noqon kartaa lacag qayb ahaan hadiyad ah ama deyn ah. Si aad maalgelin u dalbadid waa inaad haysataa qorshe waxqabadka ganacsiga ah oo aad u wanaagsan.

Deymaha

Lacagaha deynta ah oo ay bixiyaan bangiga ama Finnvera waa maalgelinta sida badan ay helaan dadka ganacsiga cusub bilaaba. Finnvera waa shirkad maalgelineed oo khaas ah, waxayna siisaa deyn iyo damaanad-qaad intaba shirkadaha bilowga ah iyo weliba kuwii horay u jiray, waxaana iska leh dawlada Finland. Shirkada ay suurto gal u tahay inay gacagsigooda ka helaan faa’iido ku filan, laakiin aan haysan qaybta lacageed ee bangigu ku xiray inay haystaan si uu deyn u siiyo ama aan haysan wax dibaaji ah si ay bangiga u dhigaan damaanad ahaan waxay deyn ama damaanadqaadka deynta ka heli karaan Finnverra.

Yritys-Suomi wuxuu bixiyaa macluumaad ku saabsan noocyada maalgelineed ee kala duduwan. Xafiiska Shaqada iyo Dhaqaalaha ka hubso, inaad kaalmo u heli karto shirkad sameysashada.

linkkiYritys-Suomi:
Maalgelinta shirkaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiFinnvera:
Maalgelinta shirkaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Lacagta bilaabista (starttiraha)

Markii aad ganacsi bilowdid waxaa lagu siin karaa lacagta bilowga gancsiga (starttiraha) si aad u heshid lacagta baadbaada nolosha inta hawlaha ganacsigu ay bilowga yihiin. Lacagta bilowga waxaa bixiya Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee aad macaamiisha ka tahay. Lacagtan waxaa la bixin karaa ugu badnaan mudo 12 bilood ah.

Markii aad dalbanaysid lacagta bilowga ganacsiga, Xafiiska shaqada iyo xoogsashadu wuxuu baarayaa, in ganacsigu uu yahay doorasho shakhsi ahaan adiga kugu habboon. qofka dalbanaya lacagta bilowga ganacsigu yahay qof ku habboon shaqaaloobidiisa.

Waad heli kartaa lacagta bilowga ganacsiga, haddii

  • shaqo laawe shaqo raadis ah aad tahay
  • aadan ahayn shaqo laawe, laakiin aad gebi ahaan isku beddeleysid ganacsade tusaale ahaan adigoo joojinaya shaqada mushaarka ah, ardaynimada ama shaqada guriga.

Shuruudaha lacagta bilowga ganacsigu tusaale ahaan waa:

  • ku ekaanshada ganacsadenimada
  • lahaanshada aqoon ganacsi oo ku filan, lahaanshada xirfad iyo imkaaniyaadka looga baahan yahay hawlaha ganacsiga aad qorsheyneysid.
  • Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ayaa qiimeynaya, in hawlaha ganacsigu ay noqon karaan kuwo faa’iido leh
  • inay cagata bilowga ganacsigu tahay mid daruuri ah marka laga eego xagga dakhliga nolosha ee qofka ganacsiga bilaabaya
  • in hawsha ganacsiga la bilaabayo kadib, marka la ogolaado lacagta kaalmada

Haddii aad ku fekereyso inaad codsato lacagta bilaabista, waqti hore la xiriir Xafiiska shaqada iyo Dhaqaalaha.

Sidoo kale waxaa jira kaalmooyin ka duwan oo loogu talogalay in la siiyo ganacsadaha bilowga ah. Ganacsi-Finland (Yritys-Suomi) ayaa ku siinaya wixii macluumaad ah oo la xiriira wadiiqooyinka kala duwan ee maalgelinta.

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Macluumaad la xiriira lacagta taakuleynta bilaabida ganacsigaFinnish | Iswidish | Ingiriis