Nolosha Finland

Yrityksen perustaminen
theme icon

Samaynta shirkad ganacsi

Sideen shirkad ganacsi u samaynayaa? Bogagga InfoFinlandi waxaad ka helaysaa macluumaad aasaasi ah oo la xiriira ka samaynta shirkad gancsi dalka Finland.

Heererka bilaabidda shirkad ganacsi oo la soo koobay:

U diyaargarow ganacsadenimo

Ganacsadenimadu waxay u baahan tahay aqoon xirfadeed iyo waxbarasho. Waxaa muhiim ah inaad aad u taqaanid qaybta ganacsigaagu yahay (toimiala) iyo shuruucda la xiriirta ganacsiga. Sidoo kale waxaa muhiim ah aqoonta macaamiishaada iyo habka aad wax u iibinaysid. Xasuuso sidoo kale in ganacsiga ay la xiriiraan khataro farabadan. Waxaa lagama maarmaan ah in la helo maalgelin ku filan ganacsiga iyo qorshe si taxadar leh loo dejiyey.

Ganacsiga si fiican ugu diyaargarow adigoo si wanaagsan u adeegsanaya aqoontaada iyo xirfadaada, sababtoo ah ganacsiga bilaabidiisa adigoon lahayn aqoon kugu filan iyo luuqad midna waa khatar.

Markii aad doonaysid inaad shirkad ganacsi samaysatid, si wanaagsan uga fakar, ma haysataa fikrad wanaagsan oo ganacsi, Sidoo kale ka fakar ma leedahay xirfad iyo waayo-aragnimo kugu filan sidoo kale qorshee sidaad maalgalin u heli lahayd. Waxaad cawinaad la xiriirta samaynta shirkada cusub waydiisan kartaa xarunta ganacsiga cusub (uusyrityskeskus).

Ka akhriso maclumaad dheeraad ah bogga internetka ee InfoFinlandi Talo-siinta ganacsiga.

Sidoo kale xasuusnow, in sixiixu yahay heshiis ku qabanaya ama dhaqangal ah. Si taxadar leh u akhri dhammaan dukumintiyada inta aanad waxba sixiixin.

linkkiNewCo Helsinki:
Hagaha aasaasida shirkadaha cusubFinnish | Ingiriis | Shiino

linkkiNewCo Helsinki:
Ganacsade ahaan ku imaansho Finland: Ogolaanshahee ayaad u?(pdf, 384 kt)Finnish | Ingiriis

linkkiYritys-Suomi:
Samaynta shirkad cusubFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiNewCo Helsinki:
Ganacsiga maqaayadaha ABC: Tilmaamaha loogu talagalay qofka sameysanaya kafeteeri ama maqaayadFinnish | Ingiriis