Nolosha Finland

Yrittäjän velvollisuudet
theme icon

Waajibaadka ganacsadaha

Markii aad hawlo ganacsi bilowdid, waxaa ku saaran waajibaadyo faro-badan, sida diiwaangelinta shirkadaada ganacsi, canshuurta iyo abaabulida habka xisaabaadka.

Ruqsad ama ogeysiin

Finland waxaa laga samaysan karaa xoogsasho ku salaysan sharciga iyo caadooyinka wanaagsan, ayadoo aan hay'adaha dawlada looga baahan wax ruqsad ah.

Tusaale ahaan shirkadaha iibiya cuntada ama ganacsiyada waxyaabaha aysku qurxiyo goobaha ay ku shaqeeyaan waa in lagu sameeyo kormeer waana in shaqaalaha dawlada laga codsado ruqsad inta aan goobta loo isticmaalin ganacsi.

Ka hor intaadan bilaabin hawlaha ganacsiga, hubi, inaad ganacsiga awgiis u baahantahay ruqsad ama inay tahay inaad u baahantahay inaad ogeysiiyo hay'adaha dawladda. Waxaad ka hubin kartaa hay'adda maamulka degaanka (aluehallintovirasto) ama bogagga shabakadda Yritys-Suomi in ganacsigaaga looga baahan yahay ruqsad iyo in kale.

linkkiYritys-Suomi:
Ruqsooyinka iyo ogeysiisyada la xiriira gancsiga nooca qofka oo kaligi samaystoFinnish | Iswidish | Ingiriis

Wargelinta aasaasiga ah

Hawlaha bilowga ganacsiga waa in la ogeysiiyaa xafiiska diiwaangelinta gancsiga iyo shayga la alifo (Patentti- ja rekisterihallitus). Aasaasidda shirkadda waxaad hal foom ku ogeysiin kartaa maamulka Diiwaangelinta ganacsiga iyo shatiga iyo Maamulka canshuuraha.

linkkiPatentti- ja rekisterihallitus:
Ogeysiinta samaynta shirkad cusubFinnish | Iswidish | Ingiriis

Caymisyada

Ceymiska halwgabka ee ganacsadaha (YEL-vakuutus) y waa qasab haddii ganacsaduhu uu u dhexeeyo 18- 68 sano islamarkaasna uu waxbqadkiisa ganacsi ka helo ugu yaraan dakhli shaqo oo gaaraya sanad gudihiis 7 645,25 yuuro (xaaladda sanadka 2018). Caymiska hawlgabka ganacsaduhu wuxuu badbaado u yahay lacagta nolosha ee ganacsadaha, haddii hawsha ganacsigu ay u dhamaato sababo la xiriira shaqo awoodid la’aan ama gabow dartood waxayna qayska ganacsadahu helayaan badbaada hawlgabka goyska markii uu dhinto ganacsaduhu kadib. Caymiska hawlgabka waxaa laga qaadan karaa shirkadaha caymiska ama qasnadda hawlgabka (eläkekassa). Gal caymiska hawlgabka ugu dambayn lix bilood marka hawlaha ganacsiga bilowdid. Ganacsadaha cusub wuxuu helayaa 22 % qiimo dhimis ah afarta sano oo ugu horaysa bixinta lacagta hawlgabka.

Cadadda lacagaha caymiska iyo hawlgabku waxay ku xiran yihiin hadba inta uu le’eg yahay dakhliga ganacsadaha ka soo gala shaqada (työtulo). Qolada caymiska bixinaysa iyo ganacsadaha ayaa isla meel dhigaya inta uu le’eg yahay dakhliga shaqada ee ganacsaduhu, markii ganacsaduhu uu galayo caymiska hawlgabka ganacsadaha. Dakhlliga shaqadu waa inuu noqdo isku celcelis la’aan inta uu noqon lahaa mushaarka ganacsaduhu, haddii uu shaqo tan la mid ah meel kale ka qaban lahaa. Dakhliga cadadiisu waxay sidoo kale saameyn ku yeelanaysaa lacagaha kale oo shaqo la’aanta (ansiosidonnainen etuus) sida lacagta jirada, weynaanta.

Haddii shirkadaadu leedahay shaqaale, waa inaad ka taxadartaa bixinta lacagta hawlgabka iyo badbaadada shaqo la’aanta (eläke- ja työttömyysturvamaksu) ee shaqaalahaaga iyo weliba lacagta badbaada bulshada (sosiaaliturvamaksu). Shaqaalaha waa in la geliyaa caymiska hawlgabka (eläkevakuutus (TyEL-vakuutus)) iyo kan shilalka, kaasoo ay ku jiraan, caymis wadareedka nafta iyo caymiska shaqo la’aanta. Shaqobixiyahu wuxuu xafiiska canshuuraha siinayaa lacagta badbaadada bulshada ee shaqaalaha ee uu jaro marka uu mushaarka shaqaalaha ka jarayo canshuurta.

Qaybaha ganacsiga qaarkood caymiskaan ka sokow waxaa qasab ku ah inay qaataan caymisyo kale oo qasab ah. Sidoo kale waa inaad ka fakartid qaadashada caymisyo kale oo iskaa ah, sida tusaale ahaan caymiska shilalka ee ganacsadaha.

linkkiEläketurvakeskus:
Macluumaad la xiriira caymiska hawlgabka ee ganacsadahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEläketurvakeskus:
Macluumaad la xiriira caymis gelinta shaqaalahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiYritys-Suomi:
Macluumaad la xiriira caymis gelinta shaqaalahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Xisaabin

Dalka Finland gudihiisa qof walba oo ganacsade ah waxaa saaran waajibaadka xisaab samaynta. Haddii aadan adigu dooneyn inaad xisaabta samaysato, waxaad adeega xisaabaadka ka iibsan kartaa xafiisyada xisaabaadka sameeya (tilitoimisto) ayagaana shirkadaada u samaynaya xisaabaadka. Finland shirkadaha badankoodu waxay isticmaalaan adeegyada xafiisyada xisaabaadka.

Canshuurid

Noocaha shirkada ganacsigu tahay waxay saameyn ku yeelanaysaa, habka shirkadda loo canshuurayo. Tan waa inaad xasuusnaataa markii aad dooranaysid nooca shirkadda aad samaynaysid.

Ganacsadaha bilowga ah wuxuu samayn karaa ogeysiiska horay isu-diiwaangelinta (ennakkoperintärekisteri) maamulka canshuuraha. Ogeysiiska horay isu diiwaangelinta waxaa lala sameeyaa ogeysiiska aasaasida shirkadda (yrityksen perustamisilmoitus). Haddii Shirkadaadu ku jirto habka horay isu diiwaangelinta canshuuraha, waxaad biil u diri kartaa macaamiishaada adoon lagaa jarayn canshuurta shaqsiga.

Canshuurta waxaa laga bixinayaa wixii ka soo baxa ganacsiga oo u hara ganacsadaha iyo shirkadda, markii waxa la iibiyey laga jaro dhammaan kharashaadka hawlaha ganacsiga. Canshuuraha ganacsiga waxaa lagu bixiyaa ayadoo laga shidaal qaadanayo qiyaas horay loogu sameeyey natiijada la canshuuri karo inta ay tahay. Qiyaastu waxay salka ku haysaa cadadda la canshuuray shirkadda sannadkii la soo dhaafay. Shirkadda bilowga ah ganacsadaha ayaa isagu qiyaasaya inta ay dhantahay lacagta la canshuuraayo, wuxuuna qiyaasta ogaysiinayaa xafiiska canshuuraha.

linkkiVerohallinto:
Macluumaad la xiriira habka canshuuraha ee shirkadaha iyo ganacsatadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiYritys-Suomi:
Macluumaad la xiriira habka canshuuraha ee shirkadaha iyo ganacsatadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Canshuurta qiinmaha lagu daro

Canshuurta qiinmaha lagu daro (arvonlisävero) waa canshuur la isticmaalo, waxaana laga qaadaa inta badan dhammaan badeecooyinka iyo adeegyada dalka Finland. Shirkadaha iibiya badeecooyinka iyo adeegyada ee dalka Finland waxaa xil ka saaran yahay inay bixiyaan canshuurta qiimaha lagu daro (arvonlisävero). Haddii waxa ka soo baxa iibinta badeecooyinka iyo adeegayada ay noqdaan wax ka yar 10 000 euro sannadkii, taas lagama rabo in laga bixiyo wax canshuurta qiimaha lagu daro ah. Nooca shirkadu wax saamayn ah kuma leh cadadda canshuurta qiimaha lagu daro. Si kastaba ha ahaatee canshuurta qiimaha lagu daro waxay isku bedeshaa hadba noocyada kala duwan ee badeecadaha.

Canshuurida shirkadda shakhsiga magaciisa ku furan

Shirkadda shakhsiga magaciisa ku furan waa nooca ugu badan noocyada ganacsiga, taasoo la sameeyo ganacsiga ayadoo aanay jirin shirkad kale oo la sameeyey. Qofka ganacsigu maciisa ku furan yahay ayaa la canshuuraa, ayadoo la canshuurayo wixii ka soo baxa dakhliga ganacsiga soo galay iyo kharashka ganacsiga ku baxay. Ganacsaduhu maleh mushaar bixin gooni ah. Waxaa la canshuurayaa dakhliga soo baxada ayadoo hantida shirkadda loo eegayo inay tahay wax ka soo baxay maalgelinta (pääomatulo) ama dakhli shaqo (ansiotulo). Waxa ka sooo baxa maalgelinta waxaa mar walba lagu canshuuraa boqoley isku mid ah. Canshuurta dakhliga shaqadu waa mid sii korhdaayo ama mid boqolleydiisu kororto markii dakhligu kordho.

Wax barida shaqaalaha mas’uuliya iyo nabadgelyada

Ganacsade ahaan waxaa xil kaa saaran yahay inaad shaqaalahaaga bartid hawlaha ay qabanayaan iyo siday u qabanayaan. Shaqobixiyuhu waa inuu shaqaalihiisa la socodsiiyaa xaaladaha ka jira goobta shaqada iyo habka shaqada oo saxda ah. Shaqobixiyaha waxaa kaloo waajib ka saaranyahay inuu ka taxadaro nabadgelyada iyo caacimaadka shaqaalihiisa goobta shaqada dhexdeeda. Shaqobixiyuhu waa inuu qorshe u dejiyaa barnaamijka badbaadada shaqaalaha (työsuojelun toimintaohjelma), kaasoo ay ka muuqanayaa khataraha nabadgelyada iyo caafimaadka ee la xiriira goobta shaqada iyo sida looga baaqsanayo khatarahaas.

linkkiTyöturvallisuuskeskus:
Macluumaad la xiriira badbaadada shaqaalahaFinnish | Iswidish | Ingiriis