Nolosha Finland

Tukea yrittäjälle
theme icon

Kaalmaynta ganacsadaha

Hawlaha ganacsiga iyo horumarintooda waxyaabaha la xiriira waxaad weydiin kartaa adeegga la talinta shirkadaha ganacsiga. Macluumaad dheeraad ah ka akhriso bogga InfoFinlandi Talo-siinta ganacsiga.

Ilaalinta danaha (edunvalvonta) ganacsatada iyo adeegyo kale

Ururka dhexe ee nolosha xoogsashada ee magaciisa markii la soo gaabiyo loo yaqaano EK wuxuu wakiil ka yahay dhammaan qaybaha ganacsiga ee aan dowliga ahayn haddii ay ahaan lahaayeen shirkadaha yar yar ama kuwo waaweyn intaba.

Ururada qaybaha ganacsigu waxay ilaaliyaan danaha shirkadaha ka shaqeeya dhammaan qaybaha kala duwan ee ganacsiga. Waxay inta badan shirkadaha xubnaha ka ah siiyaan adeegyo kala duwan sida tusaale ahaan talooyin xagga ganacsiga ah iyo markaas shirkada ay la talinayaan qaybaha gancsiga arimo la xiriira.

Ururka Ganacsata Finland (Suomen Yrittäjät) waa urur ilaaliya danaha ganacsatada, kaasoo sidoo kale xubnihiisa u soo saara adeegyo kala duwan tusaale ahaan la talin lacag la'aan oo xagga telefoonka ah ah lana xiriirta arimaha ganacsiga.

Shabakada taakulaynta ganacsadaha (Yrittäjän tukiverkko) waa adeeg shabakadeed lacag la'aan ah oo ah xagga internetka lana siiyo ganacsatada Finnishka, kaasoo faa’iidooyin badan oo xagga macluumaadka ah u leh ganacsatada. Adeegu wuxuu ku shaqeeyaa luuqadaha Finnishka iyo Swidishka.

Xafiiska shaqada iyo xoogsasha waxaa laga heli karaa adeegyo kaabaya horumarinta hawlaha ganacsiga. Sidoo kale Xafiiska shaqada iyo xoogsashada adoo maraya waxaad ka raadin kartaa qof kaala wareega ganacsigaaga oo siiwada ama kugula shirkooba.

linkkiElinkeinoelämän keskusliitto:
Ilaalinta danaha ganacsatadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiSuomen Yrittäjät:
Ilaalinta danaha ganacsatadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Adeegyada loogu talagalay ganacsadahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

La talinta xagga arimaha dhaqaalaha

Hay'adda Yritys-Suomi ayaa bixisa adeegyo la talineed xagga telefoonka ah oo lacag la'aan ah, kuwaas aad ka heli kartid talooyinka khabiirada oo wax ku ool ah, haddii shirkadaada ay haysato dhibaatooyin xagga dhaqaalaha ah. Talooyinka waxaa lagugu siinayaa luuqadaha Finnishka iyo Swidishka.

La talinta caawimaadda dhaqaalaha

  • af Finnish tel. 029 502 4880
  • af Iswidish tel. 029 502 488

Adeegaan wuxuu furan yahay isniin ilaa jimce saacadaha u dhexeeya 9.00–16.00.

linkkiYritys-Suomi:
Talooyinka xagga dhaqaalaha ee lasiiyo ganacsatadaFinnish | Iswidish

Lacagta badbaadada shaqo la’aanta ee ganacsadaha

Ganacsahu wuxuu xaq u leeyahay inuu helo lacagta shaqo la’aanta. Ganacsaduhu waa shaqo la’aan haddii uu joojiyo hawlaha ganacsiga ama uu iibiyo saamigiisa ganacsi. Ganasigu wuxuu ku dhammaan karaa sii iibinta shirkadda, baa bi’inta shirkada, musalafida shirkadda, xaalad baaaritaan lageliyo ama furiin qoys awgiis. Waxaa kaloo ganacsadaha loo arkaa shaqo la’aan, haddii hawlaha ganacsigu ay istaagnaayeen ugu yaraan afar bilood.

Haddii aad joojiso hawlaha ganacsiga, dhaqso ula xiriir xafiiska shaqada iyo xoogsashada iskaga diiwaangeli inaad tahay shaqalaawe shaqo raadis ah. Waxaad heli kartaa lacagta shaqo la'aanta laga bilaabo maalinta aad ogeysiisay xafiiska shaqada iyo xoogsashada.

linkkiYrittäjät.fi:
Macluumaad la xiriira lacagta badbaadada bulshada ee ganacsadahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiKela:
Macluumaad la xiriira bixinta lacagata badbaada bulshada ee ganacsadahaFinnish | Iswidish

linkkiYritys-Suomi:
Macluumaad la xiriira badbaadada shaqo la'aantaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiKela:
Macluumaad la xiriira badbaadada shaqo la'aantaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Lacagta shaqo la’aanta ee dadka shaqayn jiray la siiyo (ansiopäiväraha)

Haddii aad dooneysid lacagta badbaada shaqo la'aanta oo ku xiran dakhliga shaqada, ku biir oo xubin ka noqo qasnadda shaqa la'aanta ganacsatada (yrittäjien työttömyyskassa). Haddii hawlahaaga ganacsigu ay dhamaadaan, waxaad qasnadda shaqa la'aanta ka codsan kartaa lacag maalmeedka qofka shaqayn jiray ama ganacsadaha ahaa (ansiosidonnainen päiväraha).

Lacag maalmeedka shaqa la'aanta ee shaqada ama ganacsiga ku xiran waxaad ka heli kartaa qasnadda shaqa la'aan ganacsatada, haddii aad ahayd ganacsade oo aad waqti dheer oo ku filan xubin ka ahayd qasnadda ka hor intii aadan shaqo la'aan noqonin. Lacag maalmeedka shaqa la'aanta ee shaqada ama ganacsiga ku xiran, way ka badan tahay lacag maaalmeedka caadiga ah ama tan kaalmada suuqa shaqada. Lacag maalmeedka cadadeedu intay le'egtahay waxay ku xiran tahay, hadba intii uu le'ekaa dakhliga shaqada kaa soo galay oo aad ogeysiisay caymiska shaqala'aanta.

linkkiSuomen yrittäjäin työttömyyskassa:
Qasnadda shaqo la'aanta ee ururka ganacsatada FinnishkaFinnish | Iswidish

linkkiAmmatinharjoittajien ja yrittäjien työttömyyskassa:
Qasnadda shaqo la'aanta ee ururada dadka xirfadahooda ku shaqaysta iyo ganacsatadaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan

Lacagta shaqo la’aanta caadiga ah

Kela ayaa siin karta lacagta shaqo la’aanta caadiga ah (peruspäiväraha) ganacsadaha shaqo la’aanta ah oo aan ka tirsanayn wax qasnad ah. Waad heli kartaa lacag maalmeedka aasaasiga ah haddii aad buuxiso shuruudaha ka shaqeynta shirkadlaha islamarkaasna aad ku jirto xeyndaabka Amaanka bulshada Finland. Bogagga shabakadda Kelada waxaa ku jira xisaabiye, kaas oo aad ku qiimeyn karto in shuruudaha ka shaqeynta shirkadda ay dhinacaaga buuxsan tahay.

Lacagta taageerada shaqa la’aanta

Haddii aadan xaq u laheyn lacag maalmeedka aasaasiga ah ama lacag maalmeedka qofka shaqayn jiray, laakiin aad ku jirto Amaanka bulshada Finland waxaad codsan kartaa kaalmada suuqa shaqada. Kaalmada suuqa shaqadu waa laga baaraandegaa baahidiisa, waxaa loola jeedaa dakhliyada kale iyo xaaladaada guud ayaa saameyn ku leh tirada kaalmada suuqa shaqada.

Daryeelka caafimaadka ee ganacsadaha (työterveyshuolto)

Ganacsadaha iyo qof kale shaqaysanayaaba waxay naftooda u samaysan karaan daryeelka caafimaadka, haddii ay rabaan. Ganacsadaha qasab kuma aha inuu naftiisa daryeel caafimaad shaqo u samaysto. Laakiin ganacsaduhu waa inuu shaqaalihiisa u sameeyo daryeel caafimaad. Daryeelka caafimaadka shaqada waxaa laga samayn karaa xarumaha caafimaadka (terveyskeskus) ee agagaarka ku yaal ama tusaale ahaan xarumaha dhakhaatiirta gaarka ah leeyihiin. Wixii macluumaad dheeraad ah ka akhri bogga InfoFinlandi Daryeelka caafimaadka ganacsadaha.

linkkiKela:
Macluumaad ku socda ganacsatada oo la xiriira daryeelka caafimaadka shaqaalahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Xanuunsiga ganacsadaha

Haddii aad xanuusatid, waxaad Kela ka heli kartaa lacagta jirada (sairauspäiväraha), taasoo mag dhaw u aha lacagta kugu dhaaftay jirada awgeed, haddii awood la’aanta shaqadu ay socoto mudo sannad ka yar. Lacagta shaqo la’aanta waxaa lagu siinayaa markii uu dhamaado waqtiga is-dabarida (omavastuuaika). Waqtiga jirada ee ganacsaduhu isagu is-dabarayo waa maalinta uu xanuusaday iyo sadexda maalin shaqo ee ka dambaysa.

linkkiKela:
Lacagta jirada ee ganacsadahaFinnish | Iswidish | Ingiriis