Nolosha Finland

Mistä työtä?
theme icon

Halkee laga heli karaa shaqo?

Boosaska shaqooyinka bannaan

Ka raadi boosaska shaqooyinka bannaan bogagga boosaska shaqada, jaraa’idyada iyo adeegyada warbaahinta bulshada (tusaale Facebook iyo Linkedlin). Bogagga boosaska shaqada waxaad heleysaa marka aad mashiinka xog-raadinta khaanaddiisa qoraalka ku qorto "avoimet työpaikat" (boosaska shaqooyinka bannaan).

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Boosaska shaqo ee bannaanFinnish | Iswidish

linkkiTyö- ja elinkeinohallinto:
Isku-xiryada bogagga boosaska shaqadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö :
Halbeegga xirfaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEures-portaali:
Macluumaadka shaqooyinka Yurub ka banaanFinnish | Iswidish | Ingiriis | Estoniyan | Faraansiis | Isbanish | Jarmal | Burtuqiis | Boolish | Norwey | Holand | Romaniyan | Hungariyan | Talyaani | Latfian | Lituwanian | Danish | Ayslandik | Bulgaariyan | Slofak | Sloveniya | Maltes | Griig | Czech | Gaelik

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Tilmaamaha raadinta shaqadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Sameyso shabakado aqoontaadana sii wado

Shabakaduhu waxey faa’iido u leeyihiin shaqo raadinta. Aqoonso oo ka faa’iideyso shabakaddaada. Macallimiinta, saaxiibada waxbarashada, dadka aad istaqaanaan, dadki aad horay isula soo shaqeyseenba waxey qeyb ka noqon karaa shabakaddaada.

Weydiiso dadka kale talooyinka shaqo-raadinta ama caawimaadda codsiga shaqada. Ka fikir sidoo kale in aad shabakaddaada ka heli karto qof kuu sheegi kara fursadaha shaqo ama kuu talin kara.

Xajiso xirfaddaada, la soco dhacdooyinka iyo wararka laantaada aqooneed, ka qeybqaado koorasyada afka Finnishka iyo waxbarashooyinka dhameystirka ah horumarina aqoontaadi hore.

Heyso oo ballaari shabakaddaada. Xiriir shaqo ama tababar shaqo oo gaaban waxey kaa caawin karaan ballaarinta shabakaddaada. Aad dhacdooyinka xirfadeed ee laantaada aqooneed, samee shaqooyin mutadawacnimo ah ama ku biir waxqabadka hagitaanka shaqooyinka. Ku daro xisaabta in qabashada shaqooyinka mutadawcnimada ah ay saameyn ku yeelan karto faa’iidoyinka shaqo la’aanta.

Faahfaahinta dheeraadka ah ee shaqada iskaa ah ka sii aqri bogga InfoFinlandi Shaqada iskaa wax u qabsho.

Uga faa’iideyso warbaahinta bulshada shaqo raadinta

Adeeygada dadka ee Internetka sida Facebook iyo Linkedlin waa qalabka ku wanaagsan shaqo raadinta. Shaqo-bixiyayaal badan waxaa kale oo ay warbaahin ahaan u isticmaalaan Twitterka. Adeegyada waxaad ka raadsan kartaa macluumaadyada boosaska shaqooyinka bannaan, waxaad sidoo kale ka sameysan kartaa shabakado xirfadeed. Waxaad heli kartaa macluumaadyo muhiim ah oo ku saabsan waxqabadka ururo kala duduwan iyo arrimaha cusub ee laamo xirfadeedyo kala duduwan ama waxaad ka qeybqaadan kartaa wada-sheekeysiyada.

Toos ula xiriir shaqo-bixiyayaasha

Toos ayaad ula xiriiri kartaa ururada aad xiiseynayso islamarkaasna weydiin kartaa haddii ay haayaan shaqooyin bannaan. Shaqooyinka bannaan intooda badan waa kuwa boosaska shaqooyinka bannaan ee qarsoon. Boosaskan shaqo lama soo geliyo codsiyada furan ee shaqo-bixiyayaashu waxey shaqaalaha ka raadsadaan shabakadahooda dhexdooda. Waxaad toos u wici kartaa shaqo-bixiyaha ama waxaad emayl ugu diri kartaa codsi shaqo oo furan. Waxaad sidoo kale inta badan codsiga furan ugu diri kartaa bogagga shabakadda shirkadda.

Adeegyada shaqaaleynta

Waxaad sidoo kale shaqo ka raadsan kartaa shirkadaha bixiyaha adeegyada shaqaaleynta. Shaqadu waxey ahaan kartaa mid waqti gaaban socota laakiin waxaad ka heli kartaa waayo-aragnimo faa’iido leh adigoo ballaarinaya shabakadaada. Waxaad heshiis la geleysaa shirkad shaqo kuugu direysaa shaqo-bixiye kale. Waxaad sidoo kale shaqo joogto ah ku heli kartaa soo marista shirkaddan oo kale.

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Hagaha shaqada kirada ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHenkilöstöpalveluyritysten liitto:
Shuruuc loo dejiyey shirkadaha shaqaalaha kireeya markii ay soo qaadanayaan shaqaale shisheeyeFinnish | Ingiriis

Isu shaqaalee firiilaanserinimo ama ganacsade

Shaqada firiilaanserka waxaa loola jeedaa shaqo aad xiriir shaqo oo aan joogto aheyn ugu qabaneyso shaqo bixiyaal badan. Firiilaanserku waa in uu iskiis uga taxaddiraa arrimaha canshuuraha iyo lacagta hawlgabka.

Adeegyada sameynta qaansheegga adigoo isticmaalaya ayaad qaansheeg ku dallacan kartaa adigoo aan shirkad sameysan. Waxaa lagu magacaabaa ganacsi fudud.

Waxad sidoo kale aasaasan kartaa shirkad. Macluumaad ku saabsan sameysashada shirkad waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Samaynta shirkad ganacsi.

Xisaabta ku daro in ku shaqeynta firiilaansernimada ama ganacsadenimo in ay saameyn ku yeelan karto faa’iidoyinkaada shaqo la’aanta.

linkkiFreelanceri.info:
Iskuxireyaasha xagga internetka ah ee shaqaalaha madaxa banaanFinnish

Xafiiska shaqada iyo xoogsashada wuxuu kaalmeeyaa shaqo raadinta

Xafiiska shaqada iyo xoogsashadu, ee Xafiiska shaqada iyo xoogsashada (TE-toimisto) waxaad hagitaan uga heleysaa shaqo raadinta iyo macluumaad ku saabsan boosaska bannaan ee shaqooyinka iyo waxbarashada.

Haddii aadan shaqo heysan ama aad shaqo la’aan noqoto, iska diiwaangeli Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ugu dambeyn maalinta shaqo la’aanta ugu horeysa. Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri bogga InfoFinlandi Haddii aad shaqo la'aan noqotid.

Isu diiwaangelinta sidi qof macaamiil ah

Waxaad macaamiilnimadaada xafiiska shaqada ka diiwaangelin kartaa Xafiiska shaqada ee deegaanka ama bogagga shabakadda ee Xafiiska shaqada. Haddii aad tahay shaqo laawe shaqo raadis ah waxaa lagula sameynayaa qorshaha la qabsashada ama qorshaha shaqaaloobista. Haddii aad sameyso shaqo saacado yar ah ama shaqo yar, Xafiiska shaqada ayaa qiimeynaya in aad sidoo kale heli karto manfaca shaqo la’aanta.

Xafiiska shaqada iyo xoogsashadu wuxuu qabanqaabiyaa

  • waxbarasho xirfadeed
  • waxbarashada la qabsashada
  • tijaabo waxbarasho
  • tijaabo shaqo
  • shaqo mushaarkeeda la kaalmeeyo
  • carbinta shaqo
  • hagitaanka doorashada xirfadda iyo hagitaanka mihnadda

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö :
Iska diinwaagelinta Xafiiska shaqadaFinnish | Iswidish

linkkiTE-palvelut :
Bandhigyo iyo fiidyoowyaal loogu talagalay dadka dalka u soo guurayFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Isbanish | Turki | Shiino | Carabi

Waxbarashada la qabsashada

Haddii mar dhow u soo guurtay Finland aadna kaalmo ugu baahantahay la qabasashada, waxaad Xafiiska shaqada ka soo geli kartaa waxbarashada la qabsashada. Waxbarashada la qabsashada waxaa ku jiri kara barashada afka Finnishka, waxbarashooyin kale ama shaqo tijaabin. Adiga ayaa sidoo kale raadsan kara waxbarasho. Waa inaad kala heshiisaa Xafiiska shaqada ka hor inta aadan billaabin.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri bogga InfoFinlandi La-qabsashada Finland.

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Adeegyada la-qabsashada dadka dalka u soo guurayFinnish | Iswidish | Ingiriis

Kaalmada shaqo raadinta waxey dadka 30 sano ka yar ka helayaan Ohjaamo

Haddii aad 30 sano ka yar tahay waxaad macluumaad ku saabsan shaqada, waxbarashada iyo arrimaha kale ee nolol-maalmeedka la xiriira ka heli kartaa Ohjaamo.

linkkiOhjaamot.fi:
Ohjaamo ( xafiiska hagista dhalinyarada)Finnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiSamalleviivalle.fi:
Hagaha waxbarashada iyo shaqo nololeedka loogu talagalay dhalinyarada(pdf, 26 MB)Finnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Soomaali

linkkiTyöelämään.fi :
Ku soo dhowow nolosha shaqadaFinnish

linkkiSTTK:
ABC'da nolosha shaqadaFinnish

linkkiSAK :
Ka shaqaynta wadanka Finland dhexdiisaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Isbanish | Shiino | Carabi

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö :
Shaqo aad adigoo kaalmeysanaya barnaamijka Kotouttamisen SIB Finnish | Ingiriis