Veroilmoitus ja verotuspäätös
theme icon

Ogaysiinta cashuurta iyo go’aanka cashuurta

Waxaad marka aad Finland joogto maamulka cashuuraha ka heleysaa ogeysiinta cashuurta oo la buuxiyay iyadoo laguugu soo dirayo boostada ama adeegga elegtroonigga ah. Iyadoo lagu saleynayo ogeysiiska cashuurta ayaad Maajo- Oktoobar heleysaa go’aanka cashuurta. Go’aanka cashuurta waxaa laga helaa macluumaad ku saabsan, in aad bixiso cashuur haraa ah ama in cashuur aad bixisay laguu soo celinayo, haddii aad sannadkii hore bixisay cashuur badan.

Ogeysiinta cashuurta

Ogeysiiska cashuurta waxaa ku jira macluumaad ku saabsan dakhligii sannadkii hore, cashuurta iyo waxyaabaha la dhimay. Haddii macluumaadkaaga oo dhan ay sax yihiin, waxbana aynan ka maqnayn, kuma khasbanid inaad wax samayso.

Haddii ay macluumaadku khaldan yihiin ama ay wax ka maqan yihiin, adeegga shabakadda OmaVero ku sax ama buuxi waxa ka maqan ogaysiinta cashuurta. Waxaad isticmaali kartaa adeegga internetka haddii macluumaadka adeegyada bangiga ee internetka ee Finnishka ama xaqiijinta mobaylka aad haysato. Haddii aadan sixitaanka ka sameynin adeegga shabakadda OmaVero, ka soo qaado foomamka sixitaanka ee gaarka ah bogagga shabakadda Maamulka cashuuraha ama xafiiska cashuurta. Ku dir foomamka boostada.

Xasuuso inaad hubiso ogaysiinta cashuurta islamarkaasna aad samayso waxyaabaha loo baahan yahay in laga beddelo ugu dambayn maalinta ugu dambayso ee la celinayo. Maalinta la celinayo waxay ku caddahay bogga hore ee ogeysiiska cashuurta. Iyadoo lagu salaynayo macluumaadka ogeysiiska cashuurta ayaa waxaa samaysmaaya go’aanka cashuurta ee kama dambeysta ah.

linkkiVerohallinto:
Ogaysiinta cashuurta iyo xisaabxidhka cashuurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Hubi waxyaabaha canshuurta yareeya

Waxaad samayn kartaa marka aad Finland joogto yareynta cashuurta, kuwaas oo cashuurta yareeya. Maamulka cashuuraha ayaa cashuur dhimista qaar si otomaatig u sameysa, laakiin cashuur dhimista qaarkood waa in aad adigu codsataa.

Waxyaabaha yaraynaya cashuurta waxay noqon karaan:

  • yaraynta kharashaadka gurigaaga ku baxaya
  • yaraynta ka imanaysa gurigaaga iyo shaqadaada safarada u dhaxeeya kharashaadkooda
  • yaraynta dulsaarka daynta guriga cashuurta lagaaga yaraynayo

Waxaa kuu suuro gal ah in aad dulsaarka dayntaada guriga kaga yaraysato cashuurta, haddii aad daynta u qaadatay guriga aad si joogto ah ugu nooshahay. Waxaa kuu suuro gal ah inaad cashuurtaada ku yaraysato guri aad ku leedahay dibadda aad si joogto ah ugu nooshahay. Haddii ad daynta gurigaaga ka qaadatay bangi Finnish ah toos ayaa loo helayaa lagaagana yaraynayaa cashuurta. Haddii aad cashuurta ka qaadatay bangi ajinabi ah soo ogaysii macluumaadka daynta xafiiska cashuurta.

Haddii aad mushaar qaadato, maamulka cashuuraha ayaa si otomaatig ah cashuurta ka dhimayaa 750 yuuro oo lacagta ku soo gashay ku shaqeysatay. Haddii uu ku galo kharash intan ka badan, waxaad ku soo gudbin kartaa isagoo ah kharashka dakhi ku helidda ogeysiinta cashuurta. Tusaale ahaan haddii shaqo ku qabato meel aan ahayn goobta shaqada, waxaad dakhliga ka dhimi kartaa kharashka qolka shaqada, qalabka iyo internetka. Shaqada bannaanka lagu qabto waa qaban-qaabo aad shaqo-bixiyahaada kula heshiisay, taas oo ah in aad wakhtiga shaqadaada qayb kamid ah aad ku qabato guriga ama goobta, taas oo aad adigu keensatay.

Waxyaabaha cashuurta lagaaga yaraynaayo waxaad ogaysiin kartaa marka aad dalbanayso kaarka cashuurta ee cusub. Markaas waxyaabaha cashuurta lagaaga yaraynayo waxaa lagu darayaa besenteejka cashuurtaada. Waxaa sidoo kale kuu suuro gal ah in cashuurta waxyaabaha yaraynaya aad dib u dalbato. Waxyaabahaas aad ogaysiisay cashuurta kaaga soo noqonaysa waxaad markaas ka helaysaa iyada oo laguu soo raacinayo cashuurta la soo celinayo.

Bogga Vero.fi ayaad ka heleysaa macluumaadka rasmiga ah ee ku saabsan, sida aad u sameysan karto yaraynta cashuurta islamarkaasna aad u buuxin karto ogeysiiska cashuurta.

linkkiVerohallinto:
Waxyaabaha cashuurta yareeyaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Go’aanka cashuurta

Go’aanka cashuurta waa xisaab ay ku caddahay qiimaha cashuurta ee ugu dambaysa. Waxaa adiga mushaarkaaga ama dakhligaaga kale lagaaga goostay cashuur lambarka cashuurta ee ku yaalla kaarkaaga cashuurta. Tan waxaa la yiraahdaa cashuurta hore loo goosto. Cashuurta hore loo goosto qiimaheedu waxay ku salaysan tahay cabirka dakhligaaga. Qiimaha cashuurta dib ayaa laga jeegaraynayaa, iyada oo lagu salaynayo dakhligaaga iyo lacagaha lagaa goostay.

Waxaad ku heli kartaa ogaysiinta cashuurta ee hore loo sii buuxiyay go’aanka cashuurta isaga oo kuula socda. Haddii aad sixi waydo ogaysiintaas, go’aankaas ayaa la fulinayaa. Haddii aad saxdo ogaysiinta cashuurta waxaad helaysaa go’aanka cashuurta oo cusub wakhti dambe. Xasuuso inaad hubiso go’aanka cashuurta ee cusub.

Kaydso go’aanka cashuurta iyo qaybtiisa lagu qeexayo, ee aad helayso xagaaga isaga oo la socdo ogaysiintaada cashuurta. Haddii ad dalbato qaybta lagu qeexayo oo cusub waa in aad lacag ka bixisaa.

Canshuur soo celinta iyo canshuurta kugu baaqatay

Go’aanka cashuurta waxaad ka arkaysaa, in aad cashuurta in sax ah bixisay iyo in kale. Haddii aad cashuur badan bixisay waxad helaysaa cashuurta la soo celiyo. Haddii aad cashuur yar bixisay oo lagugu yeesho cashuur waxaa lagugu soo dallacayaa cashuurta kugu hartay.

Cashuurta soo noqonaysa waxa toos loogu soo celinayaa bangigaaga. Lambaka akoonkaaga u sheeg Maamulka cashuurta adiga oo ugu gudbinaya adeegga internetka ama warqadda gaar loogu ogaysiiyo ku qoraya. Cashuurtaada waxaa kuu suuro gal ah in laguugu soo celiyo ama akoonkaaga Finnishka ah ama akoonkaaga dibadda ah.

Haddii cashuur lagugu yeesho, waxaa go’aanka laguu soo raacinayaa biilka aad ku bixin karto. Biilkaas waxad ka arkaysaa inta lagugu leeyahay cashuur, akoonka aad ku bixinayso iyo lambarka aad ku bixinayso. Cashuurtaada lagugu yeesho waxay kugu noqonaysaa in aad ka bixiso dulsaar muddo cayiman kadib.

linkkiVerohallinto:
Soo celinta cashuurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiVerohallinto:
Ogaysii akawn lambarkaagaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiVerohallinto:
Cashuurta soo hadhaFinnish | Iswidish | Ingiriis