Nolosha Finland

Verotus
theme icon

Canshuurid

Cashuurta Finland waxaa laga qaadaa dadka shaqeeya cashuurta dakhliga (tulovero). Sidoo kale cashuurta waxaa laga qaadaa dadka hela noocyadan dakhliga ah, tusaale ahaan:

  • Lacagta shaqo la’aanta
  • Lacagta waalidka caruurta haya
  • Lacagta talax gabka
  • Lacagta caawinta ardayda

Cashuurta waxay dawlada iyo dawladaha hoose ku bixiyaan:

  • Daryeelka caafimaadkaterveydenhoitoa
  • Iskuulada
  • Xadaanadaha caruuta
  • Difaaca dalka

Cashuurta Finland waxay korodhaa. Taasi waxaa looga jeedaa, in dadka qaata lacagta badan bixiyaan xaddi badan oo cashuura marka loo eego kuwa qaata lacagta yar. Beersantaydhka cashuurta (veroprosentti) boqolkiiba inta qofkasta laga qaadayaa waa mid gooni u ah isaga/iyada. Xaaskaagu saamayn kuma laha cashuurta boqolkiiba inta lagaa qaadayo. Waad qiimayn kartaa cashuurta boqolkiiba inta aad bixinayso adiga oo isticmaalaya qaab xisaabeedka xafiiska cashuuraha.

Shaqo bixiyuhu isaga ayaa cashuurta toos u bixiya. Sidaasi darteed shaqo bixiyuhu wuxuu kaaga baahan yahay kaadhka cashuurta Kaadhka cashuurta. Cashuurta toos looga bixiyo mushaarka waxa weeyi, cashuurta mushaarka (ennakonpidätys). Xafiiska cashuurtu wuxuu xisaabiyaa sanad ka dib, ma bixiyey cashuur u dhiganta dakhliga soo gala.Hadii aad cashuur badan bixisay,waxaa kuu noqonaysa cashuurtii dheerka ahayd (veronpalautus). hadii aad cashuur yar aad bixisay, Waxaa ku khasban inaad bixiso cashuurtii kugu hadhay (jäännösvero).

Ka akhri macluumad dheeriya halkan: Ogaysiinta cashuurta iyo go’aanka cashuurta.

Ka hubi tusmada mushaarka iyo ogaysiinta xafiiska cashuurta (veroilmoitus), in uu shaqo bixiyuhu ka bixiyey mushaarkaaga cashuurtii. Kaydso juwanka ama tusmada mushaarkaaga. Hadii aanan la bixinin cashuurta, waxaa khasab noqonaysa in la bixiyo wakhti ka dib.

Shaqo bixiyuhu ka sokow cashuurta, waxa kale ee uu bixinayaa caymiska shaqo la’aanta iyo xanuunsashada.

linkkiVerohallinto:
Macluumaad la xiriira canshuurahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiVerohallinto:
Kaarka canshuurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiVerohallinto:
Xisaabiyaha brosentijka cashuurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Cashuurista, marka aad shaqo u timaadid Finland

Hadii aad u timaadid Finland shaqo, cashuurtaadu waxay ku xidhnaanaysaa, intee in leeg baad ogolaansho u haysataa joogista Finland.Sidoo kale waxaa cashuurta saamaynaya shaqo bixiyahaagu ma shirkad finish ah baa mise waa mid dibada laga leeyahay.

Hadii aad Finland joogayso mudo ka badan lix bilood, waxaa waajib kugu ah inaad ku bixisid cashuurta Finland. Sidoo kale waxaa waajib ah inaad ku bixiso Finland caymisyada khasabka ah. Waxaad u baahan tahay afarta lamber ee finishka ah iyo kaadhka cashuurta. Cashuurta boqolkiiba inta lagaa qaadayo waxaa lagu salaynayaa dakhligaaga sanadka oo dhan.Waxaad sidoo kale helaysaa cashuur dhimis la mid ah kuwa kale, ee Finland u degan sida joogtada ah.

Hadii aad joogaysid Finland ugu badnaan lix bilood shaqo bixiyahaaguna yahay shirkad dibad laga leeyahay, cashuur inaad bixiso kuguma waajib aha. Hadii uu yahay shaqo bixiyahaagu shirkad finish ah ama shirkad ajaanib ah laakiin goobta shirkadu ka shaqayso ay tahay Finland, cashuurta waxaad ku bixinaysaa Finland. Waxaad dalban kartaa cashuurta mishaarka la korodha, hadii aad dagan tahay wadamada yurub iyo kuwa kale ee heshiis cashuureed ka dhaxeeyo Finland. Xaaladaha kale waxaa lagaa jarayaa mushaarkaaga cashuur dhan 35 % oo ah (lähdevero) waxanad u baahanaysaa kaadhka cashuurta ee loogu talo galay takhliga ilaha (lähdeverokortin). Kaarka canshuurta mushaarka laga jaro waa in lagu codsadaa foom warqad ah. Cashuurta mishaarka la korodha si aad u hesho waxaad u baahan tahay kaadhka cashuurta ee qofka ay si xadaysan xashuurtu waajib ugu tahay (rajoitetusti verovelvollisen verokortti). Kaas waxad ka heli kartaa xafiiska cashuurta. Waxa sidoo kale kuu banaan in dib ka dalbato dalbato cashuurta mishaarka la kordhaysa.

Waxad sidoo kale ku khasbantahay inaad bixiso lacago caymis ah, haddii anad ku haysanin caymis waddanka ad sida joogtada ah ugu nooshahay. Haddii ad caymis ku haysato waddanka ad sida joogtada ah ugu nooshahay waxad u baahantahay caddaynta caymiska ee A1/E101.

Marka ad ka guurayso Finland xasuuso inaad samayso ogaysiinta guuritaanka. Taas waxay kuu sahlaysaa in ogaysiinta cashuurta ad ku hesho ciwaanka saxda ah.

Markaad Finland soo dagayso waxad ka heli kartaa macluumaad faahfaahfan, qeybta Usoo guurista Finland.

linkkiVerohallinto:
Ka shaqo gal FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiVerohallinto:
Dalabka cashuurta progresifka ah ee dakhliga la siyaadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiVerohallinto:
Ajaanibta shaqaale ahaan loo soo kireysto iyo habka canshuuraha ee FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiMuuttoilmoitus.fi:
Ogeysiinta guuristaFinnish | Iswidish | Ingiriis