Nolosha Finland

Avoliitto
theme icon

Wada deganaansho

Wada deganaanshadu waa xiriir dhexmara lammaane, kaasoo ay meel iskula deganyihiin laakiin aysan is-qabin. Dalka Finland bilaabida xiriirka wada degida, xeerarka wada degida iyo joojinta xiriirka wada degida waa arin labada qof ee wada degen ka dhexaysa. Wada degida meelna lagama diiwaan geliyo.

Si ka duwan guurka,

  • labada wada degen midna midka kale xil kama saarna mas’uuliyada masruuf-siinta
  • Labada wada degan isma dhaxlayaan
  • Haddii uu mid ka mid ah geeriyoodo, kan kale ma qaadanayo lacagta hawlgabka ee kan geeriyooday

Waad qaadan kartaa magac qoys oo wadajir ah, haddii

  • aad leedihiin carruurta aad wada leedihiin ama
  • aad wada nooleydeen ugu yaraan shan sanadood.

Haddii aad dooneysaan magac qoys oo wadajir ah, u dira codsiga beddelista magaca xafiiska diiwaangelinta dadka.

Haddii aad si joogto ah wadajir u deggan tihiin hal guri waxaad tihiin iskudheri. Arrintan waxey macno leedahay haddii aad tusaale ahaan Kelada ka codsaneysaan kaalmada ijaarka.

Wixii warar dheeraad ah oo ku saabsan lacagta kaalmada degaanka ee dadka isla degan laakin aan is-qabin ka akhriso bogga internetka InfoFinlandi ee: Kaalmada ijaarka.

Xiriirka wada deganaanshada lamaanaha ee dalka dibadiisa lagu soo galay

Xiriirka wada degenaanshadu qodob la cuskado u noqon karaa helitaanka sharciga degenaanshada dalka. Shaqaalaha xafiiska dawlada ayaa go’aan ka gaaraya bixinta sharciga degenaanshada ayagoo arin walba goonidiisa u fiirinaya.