Nolosha Finland

Avioliiton solmiminen Suomessa, muistilista
theme icon

Liiska xasuusta, ee guurka dalka Finland

Boggan waxaad ka heleysaa macluuaadyada ay tahay inaad sameysaa haddii aad dooneyso in ku guursato Finland.

Baaritaanka xannibka guurka

Kahor inta aan guurka la gelin waa in la sameeyaa baaritaanka xannibka guurka. Waxaa baaritaanka sameeya rajistareeshinka ama kaniisadda nikaaxinta sameynaysa.

Faahfaahin dheeraad oo ku saabsan baaritaanka ka sii aqri bogga InfoFinlandi Baaritaanka xannibka guurka.

Go'aansashada magaca qoyska

Marka aad guursato waxaad lamaanaha la qaadan kartaa magac qoys oo wadajir ah. Waxaad sidoo kale heysan kartaa magacaada qoyska ama waxaad qaadan karaa magaca isku xiran. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Go'aansashada magaca qoyska.

Nikaax shacab ah mise nikaax diini ah

Finland heshiiska guurka waxaa lagu geli karaa

  • rajistareeshinka
  • jimciyadda diimeed ee xaqa u leh nikaaxinta

Nikaaxinta shacabka ah waxaa lagu sameeyaa rajistareeshinka, nikaaxa diiniga ahna kaniisadda ama jimciyad diimeedyada kale. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Nikaaxinta guurka.