Nolosha Finland

Lasten kasvatus Suomessa
theme icon

Barbaarinta carruurta ee dalka Finland

Bulshada ayaa xuquda ilmaha ku xaqiijinaysa sharci iyo qawaaniin loogu talogalay ilaalinta ilmaha. Sida uu sharcigu qabo waalidiinta ama qofka ilmaha gacanta ku haya ayaa mas’uul ka ah barwaaqo ku noolaanshada iyo helitaanka horumar dheelis tiran inuu ilmuhu helo.

Dalka Finland sharci ayaa lagu mamnuucay in ilamaha lagu anshaxiyo ciqaab xagga jirka (anshaxayn waxyeelo leh). Tusaale ahaan ilmaha lama garaaci karo sidoo kale timaha lagama jiidi karo.

Bulashada Finnishka dhexdeeda waxaa aad muhiimad loo siiyaa sinnaanta. Tusaale ahaan hooyada ilmaha yar leh waxay aadi kartaa shaqo, isla markaas waalidka kale ayaa ilmaha guriga ku xanaaneynaya. Dalka Finland dumarka iyo raguba ilmaha ayey xanaaneeyaan oo barbaariyaan.

Ilmaha waxaa lagu dhiiri geliyaa inay si xor ah u fikaraan. Tusaale ahaan ilmuhu wuxuu qabi karaa fikrad ka duwan tan waalidka. Dalka Finland inta badan dhalinyaradu waxay guriga waalidka ka guuraan markii ay qaan-gaaraan, haddii ay waxbarasho aadaan ama shaqo aadaan. Waa wax iska caadi ah, inay kali noolaadaan ama ay la noolaadaan arday kale ka hor inta aysan xaas noqon.

Dalka Finland waxaa laga qiimeeyaa waxbarashada, dhiirigelinta waalidka ee xagga waxbarashaduna waa muhiim. Noqo mid xiiseeya waxbarashda caruurta kana qayb-gal tusaale ahaan galbaha waalidiinta ee iskuuladu qaban-qaabiyaan.

Waxaa aad muhiim u ah in carruurta iyo dhallinyarada loo yeelo xad iyo qawaaniin qabta. Qawaaniinta wada jirka ah waxaa tusaale ahaan lagula heshiin karaa waalidinta kale. Waxaa habboon in la xasuusto in ilmaha da'doodu ka yar tahay 18-sano aan la siin karin sigaar ama khamri midna.

Markii qofka dhalinyarada aahi uu buuxiyo 18-sano ayuu sharci ahaan noqonayaa qaan gaar. Markaas qofka dhalinyarada ahi wuxuu si buuxda xubin uga noqonayaa bulshada wuxuuna gaari karaa go’aamada la xiriira noloshiisa. Sidoo kale qofka dhalinyarada ah ee da'diisu ka yartahay 18-sano wuxuu xaq u leeyahay inuu go’aan ka gaaro arimaha asaga khuseeya qaarkood.

Bogga internetka InfoFinlandi: Caruurta waxaa lagu sheegaa xuquuqda caruurta ayadoo hadba da'dooda loo eegaayo.

Waxaa jira oo la heli karaa cawinaado iyo kaalmooyin farabadan oo la xiriira korinta iyo barbaarinta caruurta. Haddii aad u baahan tihiin cawinaad ama aad ka walwalsan tihiin caruurtiina, waxaa haboon inaad goor hore la talin waydiisaataan tusaale ahaan adeegyada uu bixiyo xafiiska arimaha bulshada ee magaalada aad degen tihiin. Wixii warar dheeraad ah ka akhriso bogga internetka InfoFinlandi: Dhibaatooyinka qoyska dhexdiisa ah.

linkkiVäestöliitto:
Barbaarinta caruurta Dalka Finland dhexdiisa(pdf, 8,08 Mt)Finnish | Ingiriis | Ruush | Soomaali | Kurdish | Albaniyan | Burmese

linkkiUnicef:
Heshiiska xuquuqda caruurtaFinnish | Ingiriis | Faraansiis | Isbanish | Shiino

linkkiLapsiasiavaltuutettu:
Xuquuqda caruurta- boog yareFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush

linkkiSosiaali- ja terveysministeriö:
Sharci dejinta khuuseysa caruurta, dhalinyarada iyo qoysaskaFinnish | Iswidish | Ingiriis