Kielikurssien tasot
theme icon

Heerarka koorasyada luqadda

Koorasyada luqadda waxaa Finland lagu kala saaraa heerar kala duwan oo la mid ah sida kuwa wadamada Midowga Yurub. Ka hor inta aadan codsan kooraska luqadda, hubi kooraska adiga kugu habboon.

Qaabka tixraaca Yurubiyaanka

Heerarka koorasyada luqadda waxaa lagu kala saraa inta badan iyadoo lagu salaynayo halbeegga qiimeynta ee qaabka tixraaca Yurubiyaanka (EVK). Sida ku cad qiimeyntaas heerka ugu hooseeya waa heerka aasaasiga ah ee A1.1 heerka ugu sarreeyana waa C2.2.

Heerka billaabista kooraska waxaa loo jeedaa heer uu koorasku ka billaabanayo, heerka hiigsiga ee kooraskuna waa heerka la doonayo in kooraska lagu gaaro.

Heerarka koorasyada waxaa mararka qaar lagu sharraxaa habab kale. Haddii heerka koorasku uu yahay Heerka billaabista 0, kooraska waxaa loogu talaggalay dadka aan gebi ahaanba aqoonin Finnishka.

Macluumaad ku saabsan heerarka

Heerka billaabista 0

Ma lahan aqoonta afka Finnishka

Heerka aasaasiga ah (A1.1−A2.2)

Heerka aasaasiga ah wuxuu ka billowdaa A1.1 – Billowga aqoonta luqadda

Heerka aasaasiga ah A1.2 - Billowga aqoonta

Heerka aasaasiga ah A1.3 – Waxaad ka bixi kartaa xaaladaha fudud ee aan nolosha shaqada ahayn. Wax yar ayaad qortaa.

Heerka aasaasiga ah A2.1 – Waxaad ka bixi kartaa xaaladaha dan-qabsashada ee caadiga ah.

Heerka aasaasiga ah A2.2 – Waxbadan ayaad ka fahmaysa arrimaha aad taqaan. Waxaad qortaa luqadda fudud.

Heerka dhexe (B1.1−B2.2)

Heerka dhexe B1.1 – Aqoon luqadeed aan xumayn oo la adeegsado marka lagu jiro xaaladaha shaqo iyo wakhtiyada firaaqada ee caadiga ah

Heerka dhexe B1.2 – aqoon luqadeed caadi ah oo la adeegsado marka lagu jiro xaaladaha shaqo iyo wakhtiyada firaaqada ee caadiga ah

Heerka dhexe B2.1 – Aqoon luqadeedka heerka aasaasiga ah ee oo si madaxbanaan loo adeegsado

Heerka dhexe B2.2 - Aqoon luqadeed madaxbanaan oo shaqanaysa

Heerka ugu sarreeya (C)

Heerka ugu sarreeya C – Aqoon luqadeed hagaagsan ama la heer ah aqoonta afka hooyo. Koorasyada heerka C waxay sidoo kale leeyihiin heer lagu kala saaro oo ah C1.1, C1.2, C2.1 ama C2.2.

Bogga Europass ayaa ka heleysaa sharraxaad rasmi ah oo heerarka ku saabsan.

Qiimeynta aqoonta luqadda waxaa loo isticmaalaa heerka kala saaridda shahaadada guud ee luqadda. Bogga InfoFinland Shahaadada rasmiga ah ee aqoonta luqada waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan, sida aad heerarka koorasyada u barbardhigi karto heerarka shahaadooyinka luqadda.

linkkiEuropass.eu:
Qiimeynta heerka aqoonta luuqadaadaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Estoniyan | Faraansiis | Isbanish | Turki | Jarmal | Burtuqiis | Boolish | Norwey | Holand | Kroashan | Romaniyan | Hungariyan | Talyaani | Latfian | Lituwanian | Danish | Ayslandik | Bulgaariyan | Slofak | Sloveniya | Maltes | Griig | Czech

linkkiOpetushallitus:
Sawirka cabirka heerarka aqoonta luqadaFinnish | Iswidish

linkkiFinnishcourses.fi:
Koorasyada luqada Finnishka iyo IswidishkaFinnish | Ingiriis | Ruush