Nolosha Finland

Oikeutesi ja velvollisuutesi Suomessa
theme icon

Xuquuqdaada iyo waajibaadka Finland

Dadka ajaaniibta ee deggan Finland waxay leeyihiin xuquuq iyo waajibaad ku dhowaad lamid ah kuwa Finnishka. Xuquuqyada iyo waajibaadyada soo socda waxay saameeyaan xitaa ajaaniibta deggan Finland.

Xuquuqyada

  • Dadkoo dhan waxay xaq u leeyihiin in si isku mid ah loola macaamilo. Qofna si gaar ah loolama macaamilo karo, tusaale ahaan jinsi, da’, diin ama dhaawac darteed.
  • Qof kasta wuxuu xornimo ku sheegi karaa islamarkaasna qori karaa fikirkiisa.
  • Dadku waxay qabanqaabin karaan shirar iyo mudaaharaadyo waana ka qeybgeli karaan. Mudaaharaadyada waa in horay loo sii ogeysiiyaa booliska.
  • Qofna dil toogasho ah laguma xukumi karo lamana jirdili karo.
  • Qof kasta wuxuu dooran karaa meesha uu degayo, wuxuuna gudaha Finland ugu dhaqdhaqaaqi karaa si xornimo ah.
  • Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay xafidaada gaarka ah. Warqad qof kale leeyahay lama aqrin karo sidoo kale lama dhegeysan karo telefoon qof kale.
  • Qof kasta wuxuu dooran karaa diintii uu doono. Haddii uusan rabin, uma baahna in uu wax diin ah doorto.
  • Ajaaniibta 18ka sano buuxisay ee Finland sida joogtada ah u deggan waxay xaq u leeyihiin inay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka degmooyinka.
  • Ajaaniibta xaqa u leh in ay ka codeeyaan doorashooyinka degmooyinka waxay sidoo kale xaq u leeyihiin in ay doorashooyinka isu soo sharraxaan.
  • Muwaadiniinta Midowga Yurub ee deegaan ku leh Finland waxay codkooda ka dhiiban karaan doorashooyinka baarlamaanka Yurub ee Finland, haddii ay iska diiwaangeliyaan diiwaanka xuquuqda codka (äänioikeusrekisteri).
  • Muwaadiniinta Midowga Yurub ee ka diiwaangashay diiwaanka xuquuqda codka waxay sidoo kale isu soo sharrixi karaan doorashooyinka baarlamaanka Yurub ee Finland.

Ka aqri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqda codeynta ee ajaaniibta bogga InfoFinlandi Doorashooyinka Finland.

Waajibaadka

  • Dhamaan dadka deggan ama jooga Finland waa in ay u hogaansamaan sharciyada Finland.
  • Qiyaas ahaan 7- 17 sano inta u dhexeysa waxaa saaran waajib waxbarasho (oppivelvollisuus), waa waajib in uu waxbarashada aasaasiga ah (peruskoulu) soo dhameeyo.
  • Sida badan dadka ka shaqeeya Finland waa inay canshuur ka bixiyaa mushaarkooda.
  • Dadka oo dhan waxaa ku waajib ah in ay marqaati furaan haddii maxkamadda looga yeero.
  • Waalidiinta waxaa waajib ku ah inay daryeelaan carruurtooda.
  • Dadka oo dhan waxaa ku waajib ah inay caawiyaan haddii shil dhaco.

Ka aqri faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan canshuurista Finland bogga InfoFinlandi Canshuuris.

Xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinka Finnishka ah

Muwaadinka Finnishka ah kuwaan waxaa dheer oo uu leeyahay xuquuqyo iyo waajibaadyo kale oo uusan laheyn qofka ajnabiga ah ee deggan Finland.

Ka aqri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinka Finnishka ah bogga InfoFinlandi Muwaadinka Finland.

linkkiOikeusministeriö:
Dastuurka FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiOikeusministeriö:
Macluumaad ku saabsan dimuquraadiyadda FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiVaalit.fi:
Doorashooyinka FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis