Nolosha Finland

Suurlähetystöt Suomessa
theme icon

Safaaradaha Finland jooga

Wadamo badan waxay wakiilo ku leeyihiin Finland. Wakiilku wuxuu noqon karaa safaarad ama qunsuliyad. Safaaraduhu waxay ku yaalaan Helsinki. Wadamada qaar waxay ku qunsuliyado ku leeyihiin magaalooyin kale. La xiriir wakiilkaada haddii aad dooneyso inaad arrimo ka dhameysato saraakiisha dalkaada.

Safaaradda waxaad ka dhameysan kartaa arrimaha soo socda:

  • helitaanka baasaboor cusub
  • helitaanka shahaadada dhalashada
  • codsashada dhalashada dalkaada haddii aad lumisay ama aad iska dhiibtay
  • ogeysiinta dhalashada carruurtaada saraakiisha dalkaada, haddii cunug kuugu dhasho Finland
  • dhalasho u codsashada cunugaada haddii uu ku dhashay Finland
  • ka diiwaangelinta dalkaada guurkaada, haddii aad ku guursatay Finland
  • codeynta doorashada dalkaada

Ogsoonoow in wakiilada oo dhan aysan bixin adeegyo isku mid ah. Dhammaan arrimaha kor lagu xusay suurtagal ma ahan in laga helo wakiilada oo dhan. Adeegyada uu wakiilka dalkaadu sameeyo waxay ku xiran yihiin sharciyada dalkaada. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa wakiilka dalkaada.

Dalalka oo dhan wakiilo kuma lahan Finland. Xaaladahan marka lagu jiro waxaa kuu adeegaya wakiilka ku yaal dowladaha Finland deriska la ah. Bogga internetka ee wasaaradda arrimaha dibadda waxaa ku taxan wakiilada wadamada kale ee Finland. Waxaad bogaas sidoo kale ka heleysaa meesha lagala xiriiro wakiilada.

linkkiUlkoministeriö:
Wakiilada wadamada kale ee FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis