Nolosha Finland

Tarvitsetko tulkkia?
theme icon

Turjubaan ma u baahan tahay?

Haddii ay qasab kugu tahay inaad la macaamisho saraakiisha Finnishka islamarkaasna aadan aqoonin Finnish ama Iswidish sidoo kale adiga iyo sarkaalkuna aadan isku luqad wada aqoonin waxaad dhacdooyinka qaarkoodkooda marka lagu jiro xaq u leedahay inaad turjumis. Markaas sarkaalka ayaa turjubaanka dalbaya turjumistana bixinaya.

Sarkaalku wuxuu qabanqaabin karaa turjumaadda islamarkaasna bixinayaa kharashka turjumista marka arrinta laga hadlayo ay tahay fulinta arrin ay bilowgeedi hore lahaayeen saraakiisha dowladu. Mar walba tani ma ahan mid suurtagal ah. Haddii aad turjubaan u baahan tahay sameynta la-qabsashada iyo qiimeynta bilowga dartood waxaa markaas waajibka dalbista turjubaanku wuxuu saaran yahay sarkaalka. Arrimta waxaad horay u sii weydiin kartaa sarkaalka.

Haddii aad Finland ka codsato magangelyo waxaad xaq u leedahay inaad turjumis u hesho arrimaha la xiriira ka baaraandegga codsiga magangelyada. Markaas waxaad xaq u leedahay inaad macluumaadka quseeya go’aankaada ku hesho luqadaada hooyo ama luqada aad fahmi karto. Macluumaadka ku saabsan go’aanka waxaa qofka lagu ogeysiiyay qaab turjumis ah ama qoraal turjuman ah.

Haddii aad dalbaneyso turjumaan islamarkaasna aad adigu iska bixineyso waxaad isticmaali kartaa turjubaan markasta oo aad u baahato.

linkkiKela:
Adeegyada turjumistaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Turjubaanku muxuu qabtaa?

Turjubaanku wuxuu goob joog ka yahay kulanka adiga iyo saraakiisha. Wuxuu turjumayaa hadalka adiga iyo saraakiisha. Turjumidu waxay u dhacdaa in turjumaanku goobta joogo ama uu telefoon ama fiidiyoow ku turjumo.

Shaqada turjubaanku waa in uu turjumaa hadalada adiga iyo saraakiisha. Turjumaad wax aan aheyn turjumida kama qabto. Sidaas darteed arrimo kale adiga kaama caawin karo. Turjubaanku waa dhexdhexaad dhinacaada ama dhinaca saraakiishana ma jiryo.

Turjubaanka waxaa saaran waajib ah in uu xafido sirta, dadka kale arrintaada uma sheegi karyo.

Xagee turjumaan laga dalban karaa?

Finland waxaa ka jira sideed xarumo turjubaaneed heer degmo ah, kuwaas oo ay degmooyinku socodsiiyaan. Adeegyada xarunta turjumaanka ee agagaarka Helsinki waxaa ugu horeyn loogu talagalay saraakiisha la shaqeeysa dadka dalka u soo guuray.

Sidoo kale shirkado badan ayaa waxay bixiyaan adeegyada turjumista. Shirkadahan waxaad ka raadsan kartaa tusaale ahaan mashiinka wax raadinta ee internetka. Bogagga iskaashatada afnaqayaasha iyo turjumaanada ee Finland waxaa laga helaa mashiin wax raadin oo aad ku raadsan karto afnaqayaasha iyo turjumaanada.

linkkiSuomen kääntäjien ja tulkkien liitto:
Raadi turjubaan ama afnaqeFinnish | Iswidish | Ingiriis

Xarumaha turjubaanada ee heer degmo

linkkiHelsingin seudun asioimistulkkikeskus:
TurjumistaFinnish

linkkiKeski-Suomen tulkkikeskus:
TurjumistaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiLahden seudun tulkkikeskus:
TurjumistaFinnish

linkkiPirkanmaan tulkkikeskus:
TurjumistaFinnish | Ingiriis

linkkiPohjanmaan tulkkikeskus:
TurjumistaFinnish

linkkiPohjois-Suomen tulkkipalvelu:
TurjumistaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiTurun seudun tulkkikeskus:
TurjumistaFinnish | Iswidish

linkkiKotkan tulkkikeskus:
TurjumistaFinnish