Nolosha Finland

Kotoutuminen Suomeen
theme icon

La-qabsashada Finland

La qabsashada (kotoutuminen) macnaheedu waa inaad nagaato kana barato aqoon iyo xirfad, taasood ugu baahanaan doontid ku dhex noolaanshaha bulshadda finnishka. Taana waxaa kaa caawin kara tusaale, in

  • Inaad barato luuqadda,
  • Inaad hesho shaqo ama waxbarasho,
  • Waxaad helaysaa xiriiro aad la yeelato bulshadda finnishka

Finland waxaa ka jira adeegyo kala duwan, kuwaasoo kaa caawinaya la qabsashadda wadanka, shaqaaloobista iyo barashada luqada. Adeegyada noocaas ayaa ah tusaale ahaan qiimeynta hore (alkukartoitus), qorsheyntala qabasashada (kotoutumissuunnitelma) iyo waxbarashada la qabsiga (kotoutumiskoulutus). Waxaa macquul ah in ay xaq u leeyihiin xubnaha qoyskaaga adeegyadaas, haddii aad wada timaadeen mar Finland. Waa muhiim in aad adigu naf ahaantaada si firfircooni leh u horumarisaa laqabsashadaada.

Adeegyada, kuwaasoo kaa caawinaya la qabsashada wadanka

Xog aasaasiya Finland

Dhammaan dadka u soo guura Finland ayaa xaq u leh in ay helaan warbiximaha aasaasiga ah. Marka aad hesho sharciga ama laguu diwaan galsho inaad joogitaan xaq u leedahay, waxaad isla markaas helaysaa qoraal warbixineed

  • nolasha bulshadda finnishka iyo shaqada,
  • Xaquuqdaada iyo waajibaadka
  • adeegyada, kugu caawinaya la qabsashada.

Talosiinta sooguureyaasha wadanka

Xaafiiska shaqada iyo shaqaaleynta iyo degmooyinka waxay leeyihiin talosiinta ajaanibta. Iyagaa kaa caawin doona la qabshadda Finland. Talosiiiyaha ayaad ka helaysaa warbixin dheeri ah tusaale

  • la qabsashadda iyo adeegyada, kuwa kaa taageeraya la qabsashada
  • nolosha shaqada
  • iskoollada iyo waxbarashada.

Qeymeynta hore

Qeymeynta hore waxaa lagu qeymeeyaa, adeegyadda kaa caawin kara la qabsahsda wadanka. Qeymenta hore waxaa lagu ogaadaa tusaale waxaad soo baratay, waxaad ka soo shaqaysay, iyo aqoontaada luuqadeed. Waxaa qeymenta hore lagu sameeya xaafiiska shaqadda iyo shaqaaleynta ama degmada. Waana lagu qaban karaa meelo kale, sida iskoollada. Taas waxay ku xiran tahay hadba degmada aad degan tahay.

Waxaad ka codsan kartaa xaafiiska shaqadda iyo shaqaaleynta ama xaafiiska arrimaha bulshadda ee degmada, in laguu sameeyo qeymeynta hore. Waxaad ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah talosiiyaasha ajaaniibta, sidii laguugu qabanqaabin lahaa degmadaada.

Qorsheynta la qabsashada

Hadii aad u baahantahay taageero la qabsashada, qeymeynta hore ka dib ayaa laguu sameynayaa qorshaha la qabsashada. Markaas ayaa laguu sameynayaa qorsheynta la qabsashada, haddii

  • aad tahay shaqo la’aan shaqo doon ah’ama
  • ama qaato kaalmada shaqo la'aanta ama
  • aad ka yartahay 18 jir Finland uusan kuu joogin waalid.

Qorsheynta la qabsashada waxaa lagu qorayaa arrimaha kaa caawinaya laqabshada. Qorshaha waxaa ka mid ahaan kara, tusaale, barashadda luuqada, ama waxbarasho kale ama tababar shaqo. Waxaa kula sameyn kara qorshaha la qabsashada talobixiyaha xaafiiska shaqada iyo xoogsashada, yacni Xafiiska shaqada iyo xoogsashada (TE-toimisto) ama shaqaalaha arrimaha bulshadda xaafiiskoodda.

Qorsheynta la qabsashada waa in lagu sameeyaa 3 sano guddahood laga bilaabo maalinttii aad sharciga qaadatay, ama xuquuqdaada joogitaanka la diiwaangeliya, mudadda uu qorshuhu soconayo waxay ku xiran tahay mudadda uu soconayo qorshahala qabsashada. Qorsheynta la qabsashada waxaa u sida caadiga ah socdaa muddo ugu badnaan saddex sano ah. Xaaladaha aan caadiga ahyn wuxuu socon karaa shan sano.

Marka laguu sameeyo qorshaha laqabsashada, waa muhiim in aad u hoggaansantaa.

Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ama degmada ayaa haddii loo baahdo kugu hagaya waxbarashada laqabsashada. Waxbarashada waxaa qeyb ka ah barashada afka finnishka ama iswidhishka iyo barashada bulshada Finnishka, dhaqanka iyo nolosha shaqada. Waxaa intaas dheer oo ku jiri kara waxbarashooyin kale ama tababaro shaqo.

Xafiiska shaqada iyo xoogsashada, Kela ama degmada ayaa soo caddeynaya xaqa aad u leedahay in aad hesho mudada qorshaha laqabsashada manfacyada shaqo la’aanta ama lacagta kaalmada nolosha.

Haddii aad shaqo haysato, waxaa marmarka qaar macquul ah in in uu kugu caawiyo shaqo siiyahaagu la qabsashada. Shaqo bixiyuhu wuxuu bixin karaa tusaale qarashka koorsada luuqada. Shaqo bixiyuhu wuxuu kale oo kaa caawin karaa, waxaayaalaha u baahan wax qabashada, tusaale in uu kula raadiyo guri. Warbixin dheeraad ah weydii shaqo bixiyahaaga.

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Sahan-horaadka iyo qorshaha la-qabsashadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiKela:
Laalmada ajaaniibta shaqo la'aantaFinnish | Iswidish | Ingiriis

La qabsashadda iyo iskoolka

Markii la sameeyo qorshaha la qabsashadda, waxaad heli kartaa, iskool si aad uula qabsato waxaana qabaqaabiya, xaafiisyadda shaqada iyo qaab nololeedka ee degmooyinka, iyo xarumaha waxbarashadda. Waxaa kugu hagi kara iskoolada baxnaaninta shaqaalaha xaafiiska shaqo la'aanta. iskooleynta baxnaaninta waxay bixiyaan waxaa ka mid ah, barashada luuqadaha finishka iyo swedishka. waxaana lagugu barayaa sidoo kale, bulshadda finishka, dhaqanka, shaqa.

Barashadda luuqadaha finnishka iyo iswiidishka

Boga InfoFinlandi Luqada Finnishka iyo Iswidishka ayaad uga heli kartaa warbixin ku saabsan barashadda luuqadahaha finnishka iyo iswiidishka

Dhaqanka usoo guurayaasha Finland

Finland waxaad ku dhowran kartaa dhaqankaaga, luuqadaada iyo diinta ee muhiimka kuu ah.

Jaaliyado soo guurayaasha ayaa waxay kaa caawin karaan sidii aad ku xafidan lahayd ama u hormarin lahayd dhaqankaaga. Finlaand waxaa ka shaq gala Jaaliyado baddan. Faahfaahin dheeriya jaaliyadaha waxaad ka heleysaa boga InfoFinlandi Ururada.

Carruuraha isoo guurayaasha wadanka waxay heli karaan barashada afkooda hooyo. Faahfaahin dheeriya boga InfoFinlandi Waxbarashada aasaasiga ah.

Finland waxaa ka jira madaxbanaani diinta. Qof kastaa diintuu watuu ku cibaadeysan. Qof walbana waa u madax banaan yahay inuu qato diintuu rabo. Faahfaahin dheeriya cibaadeysiga diinta Finland waxaad ka heleysaa boga InfoFinlandi Dhaqamada iyo diimaha ka jira Finland.

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Buugga Ku soo dhowow Finland(pdf, 3,40 MB)Finnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Isbanish | Turki | Shiino | Bershan | Carabi

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Macluumaadka la-qabsashadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Buugyare wax kasheegaya u soo shaqataga dalka Finland(pdf, 5,51 MB)Finnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Boolish