Nolosha Finland

Suomen kansalaisen oikeudet ja velvollisuudet
theme icon

Xuquuqyada iyo waajibaadka muwaadinka Finnishka ah

Muwaadinnimada Finlnad waxaa la xiriira waajibaadyo iyo xuuqyo aysan ajaaniibta degan Finland laheyn.

Xuquuqyada

  • xaq u lahaanshaha helitaanka baasaboorka Finland
  • xaq u lahaanshaha imaanshaha Finland iyo diidista in dal kale laguu dhiibo
  • xaq u lahaanshaha codeynta doorashada madaxweynaha, doorashada baarlamaanka iyo aftida shacabka, haddii uu buuxiyay 18 sano
  • xaq u lahaanshaha isu soo taagista doorashada baarlamaanka, haddii uu buuxiyay 18 sano
  • suurtagalnimada in laguu doorto xilalka dowladda ee dhalashada Finland ku xiran
  • Xuquuqyada muwaadiniinta Midowga Yurub, sida dhaqdhaqaaqa xornimada leh iyo xornimada shaqada ee deegaanka Midowga Yurub iyo xaq u lahaanshaha codeynta iyo isu soo taagista doorashooyinka Midowga Yurub

Waajibaadyada

  • waajibka ka qeybqaadashada difaaca dalka ama gacan siintiisa. Ugu yaraan raga 18 sano jiryada ah waxaa saaran waajib ciidan (asevelvollisuus).
  • waajibka u hogaansanaanta sharciga Finland haddii meel kale oo aan Finland aheyn xitaa la joogo. Muwaadinka Finnishka ah waxaa lagu xukumi karaa dembi uu dibadda ku galay.

Ogsoonoow, in kuwaani ay yihiin xuquuqyo iyo waajibaadyo la xiriira muwaadinnimada Finland. Xuquuqyada iyo waajibaadya dadka Finland degan oo dhan quseeya waxaad warar ku saabsan ka heleysaa bogga InfoFinland Xuquuqdaada iyo waajibaadyadaada Finland.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Xuquuqyada iyo waajibaadka muwaadinka Finnishka ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiPuolustusvoimat:
Waajibaadka ciidanFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiPoliisi:
Codsashada baasaboorkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiUlkoministeriö:
Ka codsashada baasaboorka Finland dibaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis