Nolosha Finland

Suomen kansalaisuus
theme icon

Dhalashada Finland

Dhalashada Finland waxaa lagu heli karaa

  • waalid heysta dhalashada Finland
  • codsiga dhalashada Finland ama ogeysiin

Intaas waxaa dheer xaalado dhif ah oo lagu heli karo dhalashada sababo ku dhalasho awgood.

Codsiga dhalashada Finland

Waxaad dhalashada Finnishka codsan kartaa, markii aad buuxiso 18 sano, aad Finland si rasmi ah u deganayd muddo dheer oo ku filan, aad luuqadda Finnishka ama tan Iswidishka ugu hadli karto ama u qori karto si lagu qanci karo ama si la mid ah uu yahay heerka aqoontaada luuqadda dhagooleyaasha Finnishka ama tan Iswidhish, iyo in qofka aad tahay loo xaqiijiyey si la aamini karo. Intaas waxaa dheer shuruudo kale; Tusaale ahaan waa inaad cadeysaa meesha ay lacagta noloshu kaa soo gasho. Dhalashada waxaad sidoo kale u codsan kartaa carruurta aan qaangaarka ahayn oo aad adigu mas’uul ka tahay.

Haddii aad wax dembi ah gashay ama tusaale ahaan aadan bixin canshuurahaaga, tani waxay caqabad ku noqon kartaa helitaanka dhalashda Finland.

Wixii macluumaad dheeri ah ka akhri bogga InfoFinland Sidee loo codsan karaa dhalashada Finland?

Dhalashada Finland waa wax ka duwan sharciga deganaanshada. Haddii aad hadda qorsheyneysin inaad Finland u guurto, wixii macluumaad dheeri ah ka akhri bogga InfoFinland U soo guurista Finland.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Dhalashada FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

Dhalasha ilmaha

Isla marka aad adigu codsaneysid dhalashada Finland, waxaad dhalashada u codsan kartaa ilmaha aan weli qaan gaarin, oo aad adigu mas’uul ka tahay. Wixii macluumaad dheeri ah ka akhri bogga InfoFinland Sidee loo codsan karaa dhalashada Finland?

Dhalashada ilmaha dhalanaya

Ilmuhu markii uu dhasho wuxuu si toos ah u qaadanayaa dhalashada Finland, haddii:

  • hooyada ilmaha dhashay ay leedahay dhalashada Finland. Wax macno ah ku fadhiso meesha uu ilmuhu ku dhalanayo.
  • aabaha ilmaha dhalay uu laakiin hooyadu maya, iyo inay waalidku is qabaan.

Haddii waalidiintu aysan is qabin, markaas ilmuhu aabihiis ayuu la qaadanayaa dhalashada Finland:

  • markuu dhasho, haddii uu Finland ku dhasho lana xaqiijiyo aabenimada.
  • ogeysiiska dhalashada, haddii uu ku dhasho wadan kale lana xaqiijiyo aabenimada.

Dhalashada Finland waxaa sidoo kale heli kara ilmaha waalidiintiisu ay yihiin ajaanib, oo ku dhasha Finland, haddii uusan waalidiintiisa ka helin wax dhalasho wadan kale ah.

Bogga InfoFinland ee ah Finland markii uu ilmuhu dhaso waxaa ku qoran macluumaad loogu talo galay waalidiinta uu ilmahoodu ku dhasho Finland.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Jinsiyada caruurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Ogeysiinta dhalashada Finland

Dhalashada Finland waxaa ogeysiiska dhalashada (kansalaisuusilmoitus) ku heli kara

  • muwaadinka horay u ahaa Finnish
  • ajnabi uu aabihiis Finish u dhashay
  • 18–22 sano qofka jira oo sanado badan deganaa Finland
  • cunug 12–17 sano jir ah oo uu soo qaatay muwaadin Finnish ah
  • muwaadin Nordik ah oo deganaa Finland shanti sano ee la soo dhaafay

Ogeysiiska dhalashada waxaad ka sameyn kartaa internetka. Foomka codsiga ka buuxi adeegga Enter Finland. Lifaaqyada ku dar codsiga. Sidoo kale bixi lacagta ka baaraan degista codsiga. Markii aad buuxiso ogeysiiska, xusuuso inaad koontadaada kala socoto adeegga Enter Finland.

Markii aad foomka codsiga ka buuxiso adeegga Enter Finland waxaad haystaa mudo sadex bilood ah oo aad ku tagto barta adeegga si waraaqahaaga aqoonsiga loo xaqiijiyo. Waxaad iska xaqiijin kartaa barta adeegga ee Xaafiiska dal u soo guurista ama safaarada Finland ee dibada. Wasaaradda arima dibadda ka hubso safaaradda aad iska xaqiijineysid meesha ay ku taalo. Waqti horay u sii qabso. Horay u sii qaado waraaqahaaga aqoonsiga iyo nuqulka lifaaqyada codsiga oo asal ah.

Haddii aadan awoodin ama aadan aqoon u lahayn inaad ogeysiiska dhalashada ka buuxiso internetka, waxaad sidoo kale foomka ogeysiiska ku buuxin kartaa waraaq ahaan.

Bogagga internetka ee Xafiiska dal u soo guurida waxaad ka heleysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo sameeyo ogeysiiska dhalashada.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Ogeysiinta jinsiyadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Jinsiyado badan

Finland waxay ogoshahay jinsiyadaha badan, waxaa loola jeedaa inaad heysato dhalashada Finland iyo dhalashada dal labaad.

Dowladaha oo dhan ma wada ogola jinsiyadaha badan. Ka hor inta aadan codsan dhalashada Finland waxaa wannaagsan inaad hubsato in jinsiyado badan laga ogol yahay dalka aad u dhalatay. Haddii dowladaadu aysan ogoleyn jinsiyadaha badan waxaad weyn kartaa dhalashada aad hadda heysato marka aad hesho dhalashada Finland.

Jinsiyadaha badan waxay noqon karaan faa’iido laakiin sidoo kale dhibaato. Tusaale ahaan waxaan wannaagsan inaad iska hubiso inaad dhowr dowladood ee aad dhalashada ka heysato inaad ka sameyso waajibka ciidamada iyo inay kugu filan tahay shahaadada uu hal dal kaa siiyay fulinta waajibaadka ciidanka. Jinsiyadaha badan waxay faa’iido ku yihiin tusaale ahaan ka guurista dal iyo u guurista dalka kale ama shaqo raadinta.

Xafiiska dal u soo guurista ayaa ka talo bixiya la xiriira jinsiyadda:

  • Telefoon 0295 419 626 Talaado, Arbaco iyo Khamiis saacadda 10.00–11.00

Jinsiyadda badan ee cunugga

Cunuggu wuxuu heysan karaa dhalashada Finland iyo mid dal kale. Tani waxay ku xiran tahay in dalka uu aqbalo jinsiyadaha badan ee ilmaha. Arrinta wax ka weydii wakiilka dalkaada.

Ma la lumin karaa dhalashada Finland?

Dhalashada Finland waxaa lumin kara

  • qof 22 jir ah oo heysta dhalashada dalka kale, xiriir fiicanna aan la laheyn Finland
  • qofka macluumaad qalad ah ku qoray codsiga dhalashada ama ogeysiiska dhalashada
  • qofka dhalashada Finland ku helay jinsiyada aabe dartiis, aabanimadiina laga laabtay

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Luminta muwaadinnimada FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis