Hintataso Suomessa
theme icon

Heerka sicirka Finland

Finland, mushaaraadka, kharashka nolosha iyo canshuuurtuba waa kuwa celcelis ahaan ka sarreeya wadamada kale ee Midowga Yurub. Si kastaba ha ahaatee waxaa adeegyo badan lagu maalgeliyaa lacagta canshuurta, sidaas darteed ayeeyna qiimo ahaan u jaban yihiin dadka dalka deggan marka la barbardhigo wadamo badan oo kale.

Adeegyada dadweynaha ee uu qiimahoodu jaban yahay iyo kuwa lacag la’aanta ah

Waxbarashada

Waxbarasho-horaadka, waxbarashada aasaasiga ah iyo waxbarashada dugsiga sare waa kuwa Finland lacag la’aan ka ah. Waxbarashada dugsiyada tacliinta sare ee Finnishku intooda badan waa lacag la’aan. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad Finland ugu soo guurayso waxbarasho darteed adigoo ka soo guuraya wadan ka baxsan Midowga Yurub islamarkaasna aad afka ingiriiska wax ku baranayso, waa in aad bixiaa lacagta xilli-dugsiyeedka.

Lacagta barbaarin-horaadka yacni xannaano-maalmeedku waxay ku xiran tahay dakhliga qoyska. Lacagta barbaarin-horaadyada degmada ee cunugga ugu horreeya waa ugu badnaan 300 € bishi. Haddii barbaarin-horaadka ay kuugu jiraan hal cunug wax ka badan, lacag intaas kayar ayaad ka bixinaysaa ilmaha yaryar.

linkkiOpetus- ja kulttuuriministeriö:
Lacagaha barbaarin-horaadkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Adeegyada caafimaadka ee dawladda

Haddii aad guri degmo ku leedahay Finland, waxaad isticmaali kartaa adeegyada caafimadka dawladda. Qiimuhu waa kuwa kala duwan degmooyinka. Tusaale ahaan qiimaha qaabilaadda dhakhtarka xarunta caafimaadku inta badan waa qiyaastii 20 € halka qiimaha bolikiliinikadu ay tahay qiyaastii 40 €. Daryeelka isbitaalka waa qiyaastii 50 € afar iyo labaatanka saac. Lacagtu isugeyn waa qiyaastii 700 € sannadki. Adeegyada rugta daryeelka hooyada iyo carruurtu waa u lacag la’aanta macaamiilka.

Daawada inteeda badan waa in uu qofku iska bixiyaa, laakiin daawooyin badan ayaa laga heli karaa magdhow. Magdhowga waxaa laga bixiyaa lacagta canshuuraha. Marka aad hal sano oo buuxa aad daawooyinka ka bixiso qiyaastii 600 €, waxaad isla sannadkaas dhexdiisa ka bixinaysaa daawooyinka kale qiimo aad u hooseeya. Si kastaba ha ahaatee waxay tani quseysaa daawooyinka magdhowga laga heli karo.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaqa isticmaalidda adeegyada caafimaadka dawladda ka aqri bogga Adeega caafimaadka ee Finland.

linkkiSosiaali- ja terveysministeriö:
Lacagaha daryeelka caafimaadkaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush

linkkiSosiaali- ja terveysministeriö:
Kharashaadka daawada daryeelkaFinnish | Iswidish

Maktabadaha

Adeegyada maktabaduhu macaamiisha waa u lacag la’aan. Maktabadda luqadaha badan waxaa la hela macluumaad ku qoran in ka badan 80 luqadood. Buugaagta maktabadda luqadaha badan waxaa laga amaahan karaa meel kasta oo Finland ku taal.

Faahfaahin dhgeeraad ah ka sii aqri bogga Maktabadaha.

Manfacyada loogu talagalay qoysaska carruurta leh

Haddii aad Finland si rasmi ah u deggan tahay, waxaad Kelada ka codsan kartaa manfacyo badan oo qoyska carruurta leh loogu talagalay.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri bogga Kaalmada dhaqaale ee qoyska.

Qiimaha quutayaasha ee Finland

Waa maxay qiimaha cuntada ee Finland?

Cuntada iyo cabitaanka aan aalkolada laheyn waxay joogaan qiimo qiyaastii ka badan 20 % wadamada kale ee Midowga Yurub, alaabaha iyo adeegyaduna waxay joogaa qiyaastii 23 % wax ka badan qiimaha wadamada Midowga Yurub. Heerka qiimuhu xittaa waa mid gudaha Finland iksu bedbeddela.

Cabitaanka aalkoladu wuxuu joogaa in ka badan 40 % qiimaha wadamada Midowga Yurub.

linkkiTilastokeskus:
Qaar kamid ah sicirka ee gudaha FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEurostat:
Qiimaha macmiilka ee wadamada Midowga YurubIngiriis

linkkiTilastokeskus:
Qiimaha quurteyaasha ee wadamada YurubFinnish | Iswidish

linkkiTilastokeskus:
Buug-sannadeedka istaatiistikada ee FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

Dharka, alaabaha iyo adeegyada

Qiimaha dharku wuxuu Finland ka joogaa qiimo waxooggaa ka badan celcelisa ahaan wadamada kale ee Midowga Yurub. Silsilado badan oo iibiya dharka raqiista ah ayaan Finland ku laheyn xarumo ganacsi. Waxaa kale oo aad ku xisaabtantaa, in aad u baahantahay dhar iyo kabo kala duwan xilliga xagaaga, jiilaalka iyo xilliyada dhextaalka ah.

Waxaa kale oo alaabo la gadan karaa iyagoo ah kuwa la soo isticmaalay. Markaasna waa kuwa ka qiimo jaban. Tusaale ahaan qalabka guryaha iyo dharka waxaa laga soo iibasan karaa dukaamadaka ganacsiga alaabaha la soo isticmaalay iyo suuqyada hoodhayda. Waxaa kale oo internetka laga helaa bogag badan, kuwaas oo lagu iibiyo alaabaha la soo isticmaalay. Waxaa kale oo la helaa alaabo badan oo xaaladdoodu ay wanaagsan tahay.

Kharashka deegaanka ee Finland

Qiimaha deegaanku waa mid wax badan ku kala duwan Finland. Celcelis ahaan waxay Finnishku deegaanka ka bixiyaan qiyaastoo shan qaybood hal qaybood dakhliga soo gala. Kirada guryuhu waxay u dhexeeyaan 10-30 yuuro/m². Guryaha la leeyahay waxay qiimahoodu Finland u dhexeeyaan celcelis ahaan 2 100 euroa/m², laakiin qiimaha magaalooyinka waaweyn waa kuwa intaas aad uga badan. Kharashka kaliga ah ee ugu badan guryaha gaarka ah loo leeyahay waa diirinta.

Waa in aad sidoo kale gashaa caymiska guriga. Laga kireystayaal badan ayaa caymiska dalbada. Weydii qiimaha caymiska shirkadaha caykiska ee kala duduwan.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan deegaanka ka aqri bogga Deganaanshaha Finland.

linkkiTilastokeskus:
Guryaha kirada ee maalgelinta xorta ah qiimahoodaIngiriis

linkkiTilastokeskus:
Guryaha kirada ee dowladu taakuleyso qiimahoodaIngiriis

linkkiAsuntojen.hintatiedot.fi:
Macaluumaad la xiriira qiimayaasha gurya iibka ahFinnish | Iswidish

linkkiVakuutusfakta.com:
Shirkadaha caymiska ee FinlandFinnish

Gaadiidka

Gaadiidka dadweynuhu wuxuu mid inta badan si fiican uga shaqeeyaa magaalooyinka waaweyn. Degmooyinka yaryar dadka deggan waxaa laga yabaa in ay u baahdaan baaabuur ay leeyihiinn. Haddii aad baabuur leedahay waa in aad caymiska gaadiidka gelisaa. Xilliga jiilaalka waa in aad isticmaashaa lugaha baabuurta ee xilliga jiilaalka. Waxaa kale oo intaas dheer in aad baabuurka ka bixiso canshuur.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri bogga Gaadiidka gudaha Finland.

linkkiLiikenteen turvallisuusvirasto:
Macluumaad ku saabsan canshuurista gaadiidkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Tusaalooyinka heerka sicirka ee Finland

Tusaalooyinka qaar ee qiimaha Finland (Xarunta tirakoobka 2018):

  • 1 kg bariis ah: 1-3 €
  • 1 l caano ah: 1 €
  • 1 kg farmaajada kareemka ah: 7,80 €
  • 1 kg baradho: 0,90 €
  • 1 kg yaanyo ah: 2,90 €
  • 1 kg muus ah: 1-1,50 €
  • 1 kg oo waslad hilib lo’ ah: 16 €
  • 500 g baakad kafee ah: 4 €
  • 1 burushka ilkaha: 2 €
  • 1 lacagta hoolka dabaasha: 6 €
  • 1 tikidka shaneemada: 12 €
  • 1 kWh oo koronto ah: 0,15 €
  • internetka: 15-20 € bishi
  • 1 l 95 E10 baasiinka: 1,50 €