Nolosha Finland

Kodin turvallisuus
theme icon

Nabadgelyada guriga

Nabadgelyada dabka

  • Dab ka diiguhu wuxuu badbaadin karaa naftaada. Haddii gurigaaga uu dab qabsado. Dab kadiguhu wuxuu bixinayaa cod aad u dheer, markaas waxaad ka gaari karaysaa inaad guriga dibadda uga baxdo.
  • Ka taxadar in gurigaagu uu leeyahay dab ka digeyaal badan oo ku filan (palovaroitin). Dab ka digeyaasha waxaa lagu gadaa dukaamada caadiga ah iyo kuwa qalabka dhismaha. Hal dab kadige wuxuu marwalba ku filan yahay ilaa 60 mitir oo iskuweer ah. Tusaale ahaan haddii ay baaxadda gurigaagu tahay 65 mitir oo iskuweer ah waxaad u baahanaysaa 2 dab kadige. Haddii uu gurigaagu yahay mid ka badan hal dabaq, markaas dabaq walba baaxaddiisa u xisaabi si gooni ah. Dabaq walba waa inuu leeyahay dab kadige u gooni ah.
  • Si joogto ah u hubi inuu dab kadigu shaqaynayo. Bateriga ka badel haddii loo baahdo, sida wanaagsan sannadkiiba hal mar.
  • Adigaa mas’uul ka ah dab kadigaha, xattaa haddii aad degan tahay guri kiro ah.
  • Guryaha Finnishu waxay inta badan leeyihiin sauna. Xattaa haddii aadan isticmaaleyn saunada dhagxaanta kululeysa dushooda waligaa ha saarin wax alaab ah, haddii kale dab ayaa ka kici kara. Tusaale ahaan dhar ha ku qalajin dhagxaanta saunada dushooda ama agtooda. Isticmaalka kadib mar walba demi ama bakhtii saunada korontada ah.
  • Markii aad guriga ka baxaysid, xasuuso inaad hubisid, in makiinadda cuntada lagu kariyo, dhagxaanta saunada iyo feerada dharkuba ay dansan yihiin.
  • Waxaa wanaagsan in guriga uu yaalo bad damiye. Cimaaradaha dhaareed qaarkood marinkooda jaranjarada wuxuu leeyahay dab damiye (palosammutin). Sii ogow meesha uu yaalo dab damiyaha kuugu dhaw.
  • Ka taxadar, in gurigaaga uu yaalo bustaha dabka lagu demiyo. Bustaha dabka lagu damiyo waxaa wanaagsan in aad ku xafido makiinadda cuntada lagu kariyo agteeda.
  • Cunto ha uga tegin makiinada cuntada lagu kariyo oo kulul dusheeda iyadoo aan la dul joogin. Si gaar ah uga feejignoow haddii aad habeenkii cunto karineysid. Ha karin cunto haddii aad sarqaansantahay.
  • Ha ku xafin wax alaab ah makiinadda cuntada lagu kariyo dusheeda. Carruurta, xayawaanaadka gurijoogta ah ama taabasho aan ula kac ahayn ayaa si aan ula kac ahayn u daari kara makiinadda cuntada. Markaas alaabada sallaxa makiinadda cuntada dusheeda saaran ayaa guban kara.
  • Haddii uu duffanku gubto markii aad cuntada karineysid, ku bakhtii dabka daboolka digsiga ama daboolka birtaawada ama bustaha dabka lagu demiyo. Ha isticmaalin wax biyo ah.
  • Xasuuso inaad demiso aaladaha korontada ah isticmaalka kadib. Sidoo kale makiinadda dharka lagu feereeyo waa inaad bareeska korontada ka saarto isticmaalka kadib.
  • Ha isticmaalin aaladaha korontada ah oo aan sida wanaagsan u shaqeyneyn ama xarigooda korontadu uu cilladeysan yahay.
  • Haddii aaladda korontada ah uu dab ka kaco, daminteeda ha u isticmaalin wax biyo ah. Ku demi tusaale ahaan aaladda dabdemiska ee xoorta leh.
  • Haddii uu gurigaagu leeyahay qalab kul siin koronto ah ama kululeeyeyaal kale, dushoooda ha saarin wax dun, dhar ama wax kaleba ah.
  • U bannee isbeys agagaarka telefishinka, mikrada, qaboojiyaha iyo freezerka. Ha daboolin aaladahaan aan soo sheegnay. Waxaa habboon haddii ay suurtogal tahay in sannadkiiba hal mar boorka tusaale ahaan huufarka la mariyo qaboojiyaha iyo freezer gadaashooda.
  • Gudaha ha ku cabin sigaar.
  • Ha ka tegin shumaca oo shidan ayadoo aan la fiirineyn. Shumaca oo shidan ha saarin daaha agtiisa, xattaa haddii aad adigu joogtid goobta.
  • Haddii ii dab kaco, wac lambarka xaaladaha deg degga ah 112.

linkkiHelsingin kaupungin pelastuslaitos:
Ammaanka dabka ee gudaha guriga dabaqaga ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiSuomen Pelastusalan Keskusjärjestö:
Macluumaadka ammaanka dabkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki, Lähiöprojekti:
Gurigeyga ku yaal daarta dabaqa ah(pdf, 6,56 MB)Finnish | Ingiriis | Ruush | Soomaali | Carabi

linkkiHelsingin kaupungin pelastuslaitos:
Ammaanka dabka ee gudaha guriga yarFinnish | Iswidish | Ingiriis

Sidaan ayaad uga badbaadeysaa waxyeelada biyaha

  • Markii aad guriga ka baxaysid, ha ka tegin qasaaladda dharka iyo mashinka maacunta lagu dhaqo oo shidan.
  • Si joogto ah hubi ama koontarool, in tubooyinka gurigaagu aysan biyo daadeneyn iyo in makiinadaha gurigu aysan biyo dhulka ku daadineyn.
  • Haddii aadan isticmaaleyn, mar walba ha xirnaadeen qasabadaha qasaaladda dharka iyo mashinka maacunta lagu dhaqo.
  • Waa in qaboojiyaha, freezerka iyo mashinka maacunta hoostooda la dhigo bac godan oo weel ah oo biyaha ka celisa dhulka. Waxaa loo xiraa sida aaladahan loo xiro oo kale.
  • Lama ogola inaad adigu xirtid mashinka maacuunta lagu dhaqo, balse waxaa sameeya qof xirfad u leh.
  • Haddii gurigaaga ay waxyeelo biyo ka dhacdo, isku day inaad meesha biyuhu ka daadanayaan aad ka xirto rubuneetada tubada. Haddii aad degentahay guri dabaq ama saf ah, haddiiba ogeysii qubashada biyaha lambarka heeganka ee shirkadda ku shuqulka leh dayactirka guriga. Haddii aad degen tahay gurigaaga kuu goonida ah, ogeysii heeganka shirkadda qasabadaha biyaha.

Shaqada korontada

  • Finland waxay leedahay koronto shabakada quwaddeedu ay tahay 230 volti.
  • Shaqooyinka korontada oo caadiga ah dalka Finland dhexdiisa waxaa sameyn kara dadka korontada xirfadda u leh.
  • Waad sameyn kartaa adigu shaqooyin yar yar oo koronto ah, haddii aad taqaanid. Waxaad adigu tusaale ahaan sameyn kartaa:
    • badelida fuyuusyada
    • badelida nalalka cusub
    • dayactirka doobiyo bareeska halka weji leh (quwadiisu tahay 230V).
    • ku xiri kartaa nal bareeska saqafka
    • ka badeli kartaa aaladda koronta xarigga korontada oo hal weji (guwadiisu tahay 230V), sidoo kale waxaad bedeli kartaa madaxa bareeska, haddii kii hore uu xumaaday.

linkkiTukes:
Hawlaha korontada oo aad adigu sameyn kartidFinnish

Qufulka badbaadadu wuxuu kaa ilaalinayaa tuugada

  • Haddii gurigaagu uu leeyahay qufulka badbaada, mar walba ha xirnaado haddii aad guriga ka maqan tahay.
  • Ha xirin qufulka badbaadada, haddii aad guriga joogtid.
  • Haddii gurigaaga la jabsado, wac lambarka xaaladaha deg degga ah 112.

linkkiTukes:
Hagaha caarruurta ee guri nabad ahFinnish | Ingiriis

Pirkanmaan pelastuslaitos: Maxaan sameynaysaa, haddii guriga uu dab ka kaco

Haddii aad videyowga su’aalo ka qabtid, waxaa kula gudboon inaad arrimaha wax ka weydiiso dadka arrimahaan ku xeel dheer.