Nolosha Finland

Asumistuki
theme icon

Kaalmada ijaarka

Kaalmada ijaarka (asumistuki) ee Kelada waxaa loogu talogaley kharashka kaaga baxa guriga. Kaalmada kirada ee Kelada wuxuu daboolayaa uun qeyb kamid ah kharashka kirada.

Kaalmada ijaarka waxaad heli kartaa, haddii dakhligaagu yar yahay isla markaasna aad si rasmi ah u degan tahay dalka Finland. Rasmi u deganaanshada Finland waxaa looga jeedaa, inaad Finland ku leedahay guri rasmi ah aadana inta badan ku nooshahay Finland. Si aad u hesho kaalmada kirada waa inaad sidoo kale ku jirtaa xeyndaabka ammaanka bulshada Finland.

Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Ammaanka bulsho ee Finland.

Kaalmada ijaarka ee Keladu waa:

  • kaalmada guud ee ijaarka
  • kaalamada ijaarka ee dadka qaata lacagta hawlgabka
  • cawinaada ijaarka ee cawinaada askarta ee askarta tababarka ku jira iyo qofka adeegga bulshada ku jira

Haddii lacaguhu aysan ku filnayn kharshaadka degaanka, aadba heshid kaalmada ijaarkee, waxaad Kelada ka dalban karaa lacagta kaalmada nolosha. Wixii macluumaad dheeraad ah ka akhri bogga InfoFinlandi Dhibaatooyinka dhaqaale.

linkkiKela:
Kaalmooyinka degistaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Kaalmada guud ee ijaarka

Kaalmada waxaa la siin karaa hal qof ama qoys ahaan (ruokakunta). Dadka sida joogtada ah wadajir ugu wada nool isku guri waxay iskula jiraan koox isku cunto ah. Dadka si rasmi ah guriga u wada degen waxaa loo xisaaba sida qoys. Caadi ahan qoys wuxuu ka kooban yahay labo qofood oo is qaba, lammaano isla degan ama qoys. Sidoo kale hal qof kaliya waxuu heli karaa kaalmada sida qoyska. Waxaa kaalmada guud ee ijaarka qoys loo siiyaa si wada jir ah, ayadoo la cuskanayo hal codsi.

Ogsoonow, in haddii aad guri la degggan tahay tusaale ahaan saaxiibkaa isla markaasna uu heshiiska kiradu idinka dhexeeyo, waxaa markaas la idiin arkayaa in aad isku –dheri tihiin. Laakiin bedelkeeda haddii uu qof guriga kireystay kan kalena uu ka sii hoos kireystay, islamarkaasna aadan aheyd qaraabo isu dhow, waxaa la idiin arkayaa in aadan isku dheri aheyn.

Kaalmada guud ee ijaarka waxaa heli kara:

  • qoysaska carruurta leh
  • ardayda
  • dadka is-qaba iyo kuwa loo diiwaangeliyey xiriirka wada noolaanshada
  • labada isla degen laakiin aan weli is-qabin
  • qofka kaligi nool ama
  • dadka wada jirka u wadanool sida dhallinyarada saaxiibada ah

Kharash guriyeyn noocee ah ayaa la aqbalayaa?

Taakulaynta ijaarka waxa lagu bixin karaa guri joogto ah oo Finland ku yaalla. Sharciga ayaa qoondaynaya lacagto loo aqbali karo in ay ku baxayso kirada marka taakulaynta la xisaabinayo. Gurigu wuxuu ahaan karaa:

  • guri ijaar ah
  • guri si gaar ah loo leeyahay
  • guri xuquuqada daganaanshaha la leeyahay
  • guri qayb ahaan la leeyahay

Kaalmada la baxsho waa kharashaadka ijaarka, magdhawga iyo daryeelka guriga. Kharashaadka daryeelka waxaa ah tusaale ahaan caddadka kululeynta iyo biyaha ee guriga. Waxaa sidoo kale xisaabta lagu daranayaa dulsaaryada deynta guriga.

Kaalmada ijaarka waxaa lagu bixiyaa kharashaadka degaanka ee macquulka ah. Magaalooyinka waa weyn waxaa la ogol yahay in kharashka degaanku uu ka sareeya kan magaalooyinka yar-yar.

Keladu bixin mayso dhammaan kharashaadka degaanka

Qayb ka mida kharashka degaanka waa inaad adiguu bixisaa. Sidaa darteed ayaa la cadaddayaa qeybta aad bixineyso. Inta aad adigu bixineysana waxay ku xiran tahay:

  • tirada inta khaangaarkaiyo carruurta ku nool guriga
  • wadarta guud ee dakhliga dadka guriga ku nool (dakhliga ka hor inta aadan canshuuraha la bixin)

Haddii dakhligu uu aad u yar yahay, markaas ma jirto qayb qofku ay tahay inuu bixiyo.

Marka la xisaabinayo kaalmada ijaarka, waxaan laguu xisaabineyn 300 euro mushaarka bishii, cadaddaasna ma aha mid saameyn ku yeelaneysa inta aad kaalmo ijaar ku heli laheyd Taas ayaana loo yaqaan ka dhimista mushaarka (ansiotulovähennys). Ka dhimista mushaarka waxaa loo sameynayaa ruux walba oo ku nool gurigaa.

Waxaa loo ogolaadaa oo kaliya kaalmada ijaarka kharashaadka ku baxa guriga ee macqullka ah. Markii la qiyaaso kharashaadka macquulka ah ee guriyeynta, waxaa tixgelin la siiyaa

  • magaalada uu gurigu ku yaal
  • cadadda inta ku nool carruur iyo qaangaarba

Haddii gurigu uu ka qaalisan yahay sida waa faqsan sharciga guud ahaan kaalmada ijaarka, qeybtaa siyaadeysa ee kharashka ku baxaya guriga, taasoo loo baahan yahay inaad adigu iska bixiso.

Ugu danbeynta waxaa loo xisaabiyaa kaalmada ijaarka sidatan: Kharashka guriga ayaa waxaa laga jaraa marka hore inta aad iska bixineyso. Kaalamada ijaarku waa 80 % qiimaha ijaarka, taasoo ah inta soo hareysa.

Wixii is-bedel ah la socodsii xafiiska Kelada

Haddii dakhligaaga, xaalada degaankaaga, xaalada qoyskaaga ama xaaladaada wax iska bedelaan, si dhaqso ah u la socodsii isbedelka dhacay xafiiska Kelada. Go’aanka Kelada waxaa si cad loogu sheegay, arrimaha ay tahay inaad is-bedelkooda la socodsiiso Kelada.

linkkiKela:
Kaalmada degista ee guudFinnish | Iswidish | Ingiriis

Dalbashda kaalmada ijaarka

Kaalmada ijaarka guud waxaa laga codsadaa Kelada ayadoo la isticmaalayo foomka dalabka kaalmada ijaarka (AT1). Waxaad kirada kaalmada ku codsan kartaa xitaa shabakadda.

Foomka dalabka waa in lagu lifaaqaa:

  • koobiga heshiiska ijaarka, iyo cadayn inta uu la'eg yahay ijaarku (guriga kirada ah)
  • cadeyn caddadka lacagta daryeelka guriga iyo lacagta deynta guriga (guriga la leeyahay)
  • cadeynta mushaarka ama shaxda xisaabta mushaarka ee uu bixiyey shaqo-bixiyuhu
  • haddii aad dad kale wada nooshihiin, waxaa damaanada dadka kale oo qoraal ah, laguna cadaynayo inaad wakiil uga tahay dalabka kaalmada ijaarka

Codsiga u dir xafiiska Kelada ama adigu ka sameyso codsiga shabakadda. Keladu waxay macaamiisheeda ugu adeegtaa, xafiisyada, telefoonada iyo boostada iyo weliba ayadoo la adeegsanayo bogga adeega Internetka. Markii aad xaafiiska Kelada ka fushanaysid arimaha adiga kuu khaaska ah, waxaad u baahan tahay inaad soo qaadato warqadahaaga aqoonsiga, ama tusaale ahaan baasaboor.

linkkiKela:
Dalbashda kaalmada ijaarkaFinnish | Iswidish | Ingiriis