Nolosha Finland

Oma asunto
theme icon

Guri si gaar ah loo leeyahay

Guriga milkida ah waaka raqiisan yahay waqti dheer kadib midka kirada ah. Badi finnishku waxay degan yihiin guri milki u ah.

Waxaa jira fursado kale oon aheyn guri kiro ama milki ah.

Ka aqriso xog dheeriya bogga InfoFinland Guri xuquuqada daganaanshaha la leeyahay iyo Guri qayb ahaan la leeyahay.

Sheer guri iyo shirkad guri

Markaad guri gadaneyso waxaad ka iibsan labo midood shirkad sheer guri (asunto-osake) ama shirkad guryo (kiinteistö).

Guryaha dabaqa iyo guryaha gaagaaban waa guryaha sheerka ah. Waxay sheer ku yihiin shirkada sheer guriyeedka.

Markaad iibsaneyso guri filo ah, waxaad ka iibsaneysaa shirkad guriyo. Shir guryaha waxay gadaan waa guryaha filoda iyo sakkada.

Sideen ku helaa guri milki ah?

Markaa raadsaneyso guri, ku talogal waqti ka badan mudo bilo ah.

Guryaha waxaa iibiya shaqsiyaad, shirkad dalaaleyda guryaha iyo shirkadaha dhisa Inta badana waxay guryaha iibka ah ogeysiiskooda soo geliyaan internetka iyo wargeys-yada. Markaad hesho guri, kaasood xiiseyneyso, waxaad kula heshiin kartaa gadaha guriga xiliga aad soo arki karto guriga. Mararka qaar wargelinta gadida guriga ayaa lagu qoraa xiliga lasoo arki karo. Markaa uma baahna inaad balan gooni u qabsato.

linkkiEtuovi.com:
Codsiga guriga milkidaFinnish | Ingiriis

linkkiOikotie.fi:
Codsiga guriga milkidaFinnish

linkkiKilpailu- ja kuluttajavirasto:
Macluumaad la xiriira iibsiga gurigaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Iska hubi guriga iyo waxyaabaha ka haleysan

Markii aad hesho guri, kaasood jecleysatey si ka xaqiiji wax ala wixii la xiriira guriga. Qaasatan dayactirka inaad si wanaagsan isaga hubiso.

Haddaad iibsaneyso guri sheyr ah, iska xaqiiji dib u habeynta kusoo socota ama dayactirkii lagu sameeyey iyo khiimaha ku baxaya. Tusaale dib habeynta tubooyinka milkiilaha guriga waxay ku noqon kartaa toboneeyo kun euro. Wixii laga qabtey oo dibu habeyn ah guriga waxaad ka ogaan kartaa shirkada masuulka guriga.

Masuuliyada gadista guriga ee gadaha iyo laga gadaha

Intii waqti ah gadista kadib wixii khaladaad xaga guriga waxaa ka masuul ah gadaha guriga. Guriga laga gato shirkada sheer guriga waxay wixii khalad ee ka yimaada guriga leeyihiin intii mudo labo sano ah. Shirkada guryaha midka ay gadaana waxay masuuliyadeeda leeyihiin wixii khalad ah mudo shan sano ah.

Sida sharciga waafaqsan gadaha guriga waa inuu sheegaa hadey jiraan wax ka khaldan guriga, hadey tahay mid uu ku og yahay. Haddii la ogaado, in gaduhu xogogaal u ahaa cilada guriga balse uusan u sheegin gataha, wuxuu magayaa gataihii guriga kharashka cilada guriga.

Inta aadan iibsan guriga iska xaqiiji inuu leeyahay wax cilado ah. Hadhow dib ugama dacwoon kartid magdhow kharashka ciladaha, haddii

  • Ay tahay mid la arki karey markaad iska xaqiijineysey ama guriga.
  • Aad ku ogeyd cilada markaad guriga gadaneysey.

Guriga waa jiri karaan cilado qarsoon. Waxay ahaan karaan cilado aan cidna ogeyn inta badan ciladaha qarsoon waxay ahaan karaan dhibaatooyinka qoyaanka gala guriga. Haddii cilada guriga tahay mid weyn taasoo saameyn ku yeelan laheyd gadista guriga, haddii la ogan lahaa, gadaha gurigu markaa waa inuu magaa cilada guriga.

Deyn guri

Badi dadku guriga waxay ku qaataan deyn guri (asuntolaina). Deynta guriga qof walba wuxuu ka codsan karaa bankiga, si aad u heysho deynta guriga waa iney jirto mushaar kuu soo dhaca ood ka gudi kartid deynta guriga dhib la’aan. Bogga internetka bankiga ayaad ka heli kartaa shaxda xisaabinta deynta. Waxaad ku sii qiimeyn kartaa, inaad awoodeyso inaad gudo deynta.

Haddii aadan hubin, in bankigu kuu ogolaanayo deyn, waxaa habboon inaad takto bankiga kalana tashato deynta waqti hore intaadan iibsan guriga.

Deynta waxaa loo gudaa adigoo bishiiba qeyb bixinaya. Waxaa intaa dheer ood bankiga u shubeysa dulsaar (korko).

Waxaad weydiisaa dhowr banki deynta kadibna is barbardhig midii kuu raqiisan. Deyn waliba sharuud ayey leedahay. Markaad ka fikireyso wey wanaagsan tahay inaad isweydiiso deynta aad qaadaneyso

  • Cadadda dulsaarka intey tahay.
  • Cadadda aad bixineyso bishiiba intey tahay.
  • Inta sano eed gudeyso deynta.

Ogsoonow, in haddii dulsaarku kaco iney deyntuna kordeyso, qiimihii aad bixineysey bishuna kordhaayo intii sano eed ku bixineysana ay kordhayo.

Waxaad dulsaarka deynta guriga ka dhimi kartaa canshuurta.

linkkiKilpailu- ja kuluttajavirasto:
Macluumaad la xiriira deynta guryahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Damiinta iyo debaajiga deynta guriga

Deynta guriga inta badan waxaa layska rabaa debaaji (vakuus). Guriga, aad iibsato ayaa qeyb ka ah debaaji ilaa boqolkiiba 70. Inta dhimman deynta ayaad u baahan tahay debaaji. Waad yeeli kartaa debaajiga tusaale, in

  • Inaad bankiga ka hesho damiin dowlada (valtiontakaus). Damiinta dowlada waxay noqon kartaa ugu badnaan boqolkiiba 20 ama ugu badnaan 50 000 euro.
  • Inaad ehelkaaga, qaraabadaada iyo saaxiibada damiin kaa noqdaan deynta haddii aad adigu awoodi weyso qofka kaa damiinta ah ayaa bixinaya, intuu balan qaadey.

Uma baahnid damiin haddii aad horey dhaqaalo meel ugu dhigtey gadashada guriga qiimahiisa, ama aad haysatey milki kale, taasoo debaaji ahaan u noqon karta deynta guriga.

linkkiYmpäristöministeriö:
Macluummad la xiriira damaadqaadka dawlada ee deynta gurigaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Kaalmada iibsashada guriga

Dowlada ayaa kuu ogolaan karta kaalmo dulsaarka (korkotuki) deynta guriga. Kaalmada dulsaarka waxaa loo ogolaado dhalinyarada, kuwaasoo gurigii ugu horeeyey yahay waxa ay qaadanayaan. Sidoo kale waxaa loo ogolaadaa, kuwa iibsanaya guri filo ama dhisanaya guri. Ka aqriso xog dheeri ah bogga wasaaradda deegaanka.

linkkiYmpäristöministeriö:
Macluumaad la xiriira taageerada dulsaarakaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Canshuurta wareejinta milkida

Markaad iibsato guri, waa inaad bixisaa canshuurta wareejinta milkida (varainsiirtovero). Haddii aad ka iibsato shirkada sheerka guriga canshuurta wareejinta milkidu waa boqolkiiba 2 qiimaha guriga inta aan deynta aheyn. Haddii aad guriga ka iibsato shirkada guryaha, canshuurta waxay noqoneysaa boqolkiiba 4 qiimaha guriga inta aan deynta aheyn.

Lagaagama baahna inaad bixiso canshuurta wareejinta milkida, haddaad buuxiso dhammaan sharuudaha hoose.

  • Inaad tahay inta u dhexeysa 18–39-jir.
  • Inaadan horey ugu yeelan hanti guri Finland ama wadamo kale.
  • Aad leedahay hantida guriga ugu yaraan 50 %.
  • Aad si rasmi ah u degan tahay guriga.

linkkiVerohallinto:
Saamaxaada canshuurta kala wareejinta hantida ee qofka gurigii ugu horeeyey iibsanayaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Gorgortanka gadashada

Markaad hubsato, in aad rabto ood gadan karto gurigii, ayaad kula gorgortami kartaa gurigii, gorgortankana wixii lagu heshiiyana in aad ku hesho qoraal. Gorgortankuna wuu ahaan karaa in lagaa dhimo qiimihii guriga 5-10 boqolkiiba. Waa laga yaabaa in gaduhu uusan rabin inuu ku gado gurigii qiimo jaban.

Heshiiska gorgortunka waa ballan. Ujeedaduna waa inaadan ka bixin heshiiska gorgortan. Haddii aad ka baxdo, waxaa suurogal inaad gadihii aad siiso ganaax ama lacag horumaris ah. Qiimahaasna wuxuu ahaan karaa boqolkiiba xooga qiimaha guriga.

linkkiAsuntojen.hintatiedot.fi:
Macaluumaad la xiriira qiimayaasha gurya iibka ahFinnish | Iswidish

Iibka guriga

Haddii gadaha guriga aqbalo gorgortankaaga, iibsigu wuxuu ka dhacayaa bankiga gataha guriga. Inta badan halkaa waxaa yimaada gataha guriga, gadaha iyo dalaalka, haddii markaa dalaal loo isticmaaley.

Heshiiska iibsiga, taasooy ku qoran yihiin tusaale qiimaha guriga, cabirka guriga, wanaaga guriga iyo maalinta gataha lagu wareejinayo gurigii. Inta badan heshiiska iibsiga guriga waxaa sameeya bankiga ama shirkada dalaalka. Gataha guriga wuxuu xaq u leeyahay intaan heshiiska lakala gelin in iska aqriyo heshiiska.

Bankiga wuxuu lacagta deeminayo waa gataha guriga lacagtana waxaa lagu wareejinayaa akoonka gadaha.

Lacagta horumariska

Lacagta horumariska (käsiraha) waa lacagta horumarinta laga bixinayo guriga. Gataha wuxuu siin karaa lacagta horumariska iibiyaha guriga markaa heshiiska lakala galayo. Lacagta horumariskana waa caadiyan boqolkiiba saddex qiimaha guriga. Haddii aadan awoodin lacagta aad dhigaalsatey inaad ka bixiso lacagta horumariska, waxaad kaga qaadan kartaa deyn bankiga deyn guri.

Kharashka guriga milkida

Waxaa kamida kharashka guriga milkida

  • Dulsaarka deynta guriga
  • Cabirka guriga
  • Wanaaga guriga
  • Halka gurigu ku yaala.

Guri sheereedka

Haddii gurigu yahay guri sheer, waxaad bixineysaa

  • Bixinta deynta iyo dulsaarkeeda
  • Kharashka daryeelka (hoitovastike)
  • Kharashka deynta shirkada (rahoitusvastike), haddii shirkadu qabto deyn
  • Biyaha iyo korontada
  • Suurogal howlaha hagaajinta

Shirkada guryaha

Haddii aad leedahay guri, waxaad bixineysaa

  • Deynta guriga iyo dulsaarkeeda
  • Canshuurta guriga (kiinteistövero)
  • Biyaha iyo korontada
  • Hiidka
  • Qaadista qashinka
  • Suurogal howlaha hagaajinta

Qashinka guriga

Dalka Finland dhexdiisa, qashinka guriga waa in la kala sooco oo lagu shubo mid walba weelka qashinka ee u gaarka ah. Wixii macluumaad dheeraad ah ka akhri bogga InfoFinland Daryeelka qashinka iyo dib-u-isticmaalida.