Nolosha Finland

Opiskelijan asuminen
theme icon

Degista ardayda

Haddii aad tahay arday waxaad codsan kartaa guryaha la kireysto ee loogu talagalay gaar ahaan ardayda. Guryaha la kireysto ee ardaydu sida caadiga ah waa kuwo ka raqiisan guryaha kale. Guryaha ardayda waxaa kireeya mu’asasooyinka guryaha ardayda, gudiyada ardayda sare ee jaamacadaha, naadiyada ardayda iyo mu’asasooyinka qaarkood. Machadyada waxbarashada qaarkood waxay leeyihiin guryo u gaar ah.

Waxaad codsan kartaa guri islamarka aad hesho boos waxbarasho. Magaalooyinka waa weyn guri ka helidoodu waxay qaadan kartaa dhowr todobaad ama bilood.

Haddii aad hesho guri arday, waxaad inta badan deganaan kartaa mudada waxbarashada oo dhan. Si kastoo ay ahaataba waxaa lagaa doonayaa inaad inta badan waxbarato, waxbarashadaaduna horay u socoto. Kireeyuhu wuxuu kaaga bixi karaa kirada haddii aadan sameynin waxbarashooyin kugu filan.

Haddii aad ku jirto xeyndaabka ammaanka bulshada Finland, waxaad Kelada kaalmo uga codsan kartaa kharashka kirada ku baxa. Faah-faahin dheeraad oo ku saabsan kaalmada kirada ka sii aqri bogga InfoFinlandi Kaalmada ijaarka.

Haddii sababta kaliya ee aad Finland u joogto ay tahay waxbarasho, si ku meel-gaar ah u joogto Finland iyo aadan ku jirin xeyndaabka ammaanka bulshada Finland. Haddii aad sababo kale ku joogto Finland, tusaale ahaan sabab shaqo, waxaa laga yaabaa in aad ku jirto xeyndaabka ammaanka bulshada Finland. Warar dheeraad ah ka sii aqri bogga InfoFinlandi Ammaanka bulsho ee Finland.

linkkiSuomen opiskelija-asunnot:
Guriyaha ardayadaFinnish | Ingiriis

linkkiKela:
Macluumaadka badbaadada shacabka ee ee ardaygaFinnish | Iswidish | Ingiriis