Nolosha Finland

Vuokra-asunto
theme icon

Guri kiro

Finland badi dadku waxay deggan yihiin guryo kiro ah. Guriga kirada waxyaabuhuu ku wanaagsan yahay waa in, markaad rabto guriga inaad ka guurto ood badelato way sahlan tahay, sababtoo ah uma baahnid inaad iibiso gurigii si aad mid kale u iibsato. Waxaa suurotagal ah inuu kaa kireeyaha guriga ku yiraahdo waa inaad iiga baxdaa guriga, haddii uu wato sababeyn la aqbali karo. Waa inaad ka guurtaa gurigii, xitaa haddaadan rabin inaad guurto.

Bogga InfoFinland ee Heshiiska kirada waxaa ku qoran macluumaad muhiim ah oo la xirrira ka bixidda heshiiska kirada, bixinta kirada, dibaajiga kirada iyo kharashaadka kale ee la xiriira guryaha kirada ah.

Magaalooyinka ugu waaweyn wey adag tahay si looga helo guri kiro kugu habboon. Sidoo kalena kirooyinkuna waa qaali.

Waqti dheer kahor u diyaar garow raadsashada guri kiro ah. Meelaha qaar waa meelo dadku wada jecel yihiin adagna sida lagu helo. Meelahaasna dhaqso ayaa lagu kireystaa. Markii aad hesho guri kiro kugu habboon, waxaa wanaagsan inaad dhaqso go'aanka ku gaarto, inaad qaadaneyso gurigaas.

Marka shaqsiga ama shirkada guri kiraynaysaa ay dooranayso cida ay guriga ka kiraynayso uguma kala eexan karto dadka guriga soo dalbaday diin, dhalasho, jinsiyad iyo waxyaabaha la midka ah. Arinkaasi waa qodob sharciga ku yaala.

Ka akhriso warbixin faahfaahsan bogga InfoFinland qaybtiisa Takooridda iyo midab-takoorka.

Sideen ku raadsadaa guri kiro ah?

Markaad raafadsaneyo guri kiro ah waxaad wixii ka heli kartaa tusaale internetka. KU qor netka markaad ka raadineyso "vuokra-asunto". Xitaa xogta wargelinta guryaha waxaad ka heli kartaa wargeysyada magaalada.

linkkiVuokraovi.com:
Kiro codsiga gurigaFinnish | Ingiriis

linkkiOikotie.fi:
Kiro codsiga gurigaFinnish

Guryaha kirada ee shaqsiga

Guryaha kirada ee shaqsiga waxaad inta baddan lagu helaa dhaqso markii loo fiiriyo guryaha kirada ee degmada. Inta baddan guryaha kirada ee shaqsiga waa qaali.

Uma baahnid inaad isticmaasho dallaal marka aad guriga raadineyso. Adiga nafsad ahaantaada ayaa raadsan kara macluumaadka la xiriira guryaha bannaan. Hadaad saas yeesho hadhow lagaama rabo inaad bixiso mushaarka dallaalka (välityspalkkio).

Waad ka raadsan kartaa guryaha kirada ee shaqsiyaadka internetka iyo wargeysyada magaalada. Sidoo kale waad ku baahin kartaa internetka inaad u baahan tahay guri.

Haddii aad rabto inaad guri ka kireysato shaqsi, waxaad toos ula xiriirtaa kireeyaha guriga. Waxaad kala heshiisaa goortaad soo arki karto guriga. Inta baddan soo fiirinta guriga waqti ayaa loo qorsheeyaa ay ku arki karaan dhammaan inta xiiseyneysa gurigaa. Sidoo kale waxaa halkaa lagugu siin foomkaad ku codsan laheyd guriga. Buuxso foomka haddaad rabtid markaa inaad degto gurigaas.

Hadii aad dooneyso in dallaaka guryuhu uu kuu raadiyo guri-kiro ah oo adiga kugu haboon, waxaa kugu waajib ah inaad la gasho dallaaka heshiis qaab qoraal ah oo arinkaas ku saabsan (toimeksiantosopimus). Waxaana markaa lagaa doonayaa inaad bixiso lacagta mushaarka qofka dallaalka ah. Mushaarka aad siineyso hore ugala heeshii isagoo qaab qoraal ah. Tusaale ahaan mushaarkaa dallaalka wuxuu noqon karaa mid le’eg qiimaha kirada guriga ee hal bil. Hore isugu sii bar-bardhig qiimaha ay qaatan xafiisyada kala duwan ee dallaalada.

Markaad ka kireysaneyso shaqsi guri, waxaad la gashaa heshiis kireeyaha. Ka aqriso faahfaahin dheeri ah boga shabakada InfoFinland Heshiiska kirada.

linkkiTilastokeskus:
Guryaha kirada ee maalgelinta xorta ah qiimahoodaIngiriis

Guryaha kirada ee degmada

Degmooyinka badi iyagaa leh guryaha kirada. Inta badana waa ka qiimo jaban yihiin guryaha kale ee kirada.

Waxad dalban kartaa guri kiro ah oo ah kuwa ay dowladu taakulayso haddii ad haysato mid ka mid ah waxyaabahan xiga:

  • Muwaadinnimada Finland;
  • xaq dagganaansho oo la diwaangeliyay;
  • kaadhka sharciga dagganaanshaha;
  • sharciga dagganaanshaha oo shaqaynaya ugu yaraan sanad; ama
  • sharciga dagganaanshaha ee ardayga.

Markii aad rabto inaad degmada guri kiro ah ka dalbato, ka buuxso foomka codsiga guryaha xafiiska guryaha ee degmadaada. Inta baddan waad ka buuxsan kartaa foomka shabakada degmada.

Magaalooyinka qaarkood waxaa suurogal ah iney codsadayaal badan jiraan ooy intaad ka heleyso guri qaadato waqti aad u badan. Tusaale ahaan caasimadda iyo nawaaxigeeda (Helsinki, Espoo ja Vantaa) guryaha safaf aad u dhaadheer ayaa loogu jiraa. Halka degmooyin badan oo ka yaryar kuna yaalla dacalaaa Finland ay guryo uga banaanyihiin.

Markii guri ruux loo ogolaanayo waxaa loo qiimeyaa arimahan.

  • dakhliga
  • hantida
  • baahida guriga

Finland waxaa jira meelo baddan oo bulshada u dan ah, kuwaasoo qiimaha kirada ay tahay raqiis.

linkkiTilastokeskus:
Guryaha kirada ee dowladu taakuleyso qiimahoodaIngiriis

Guryaha ardeyda

Haddaad tahay ardey, waxaad codsan kartaa guryaha gaar ahaan loogu talogaley ardeyda. Guryaha ardeyda inta badan waaka raqiisan yihiin guryaha kale. Ka aqriso faahfaahin dheeri ah boga shabakada InfoFinland Degista ardeyga.

Codsiga guriga iyo lifaaqyada

Markaad codsiga guri geyneyso, waxaa suurogal ah inaad u baahato dikumiintayaal kale oo lagu lifaaqayo codsiga. Waxayna ku xiran tahay, halka aad ka codsaneyso guriga. Lifaaqyadaasna waxay noqon karaan kuwan:

  • caddeynta xogta mushaarkii kuugu danbeeyey
  • koobiga go'aanka canshuurta, taasooy ku muuqato hantidaada
  • caddeynta deynta aad qabto
  • koobiga sharciga degenaanshaha ama baasaboorka, haddaadan heysan jinsiyada MY/EU.

Inta baddana kireystaha waxaa la xaqiijiyaa xogtiisa kalsoonida deynta.

linkkiKilpailu- ja kuluttajavirasto:
Kireysashada guriFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiVuokraturva:
Macluumaad loogu talagalay kireystahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiYmpäristöministeriö:
Macluumaad ku saabsan degista kiradaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiKuluttajaliitto ry:
Hagaha kirada(pdf, 1,11 MB)Finnish | Iswidish | Ruush | Faraansiis | Soomaali | Carabi

Qalabaynta guryaha kirada ah

Sida caadiga ah qalabka guryaha lagu kireeyo waxaa ka mid ah armaajoyinka jikada, qaboojiyaha iyo makiinada cuntada lagu karsado.

Sidoo kale armaajada dharka iyo armaajada daarada waxay kamid yihiin qalabka guriga lagu kireeyey. Qubayska, qasabadaha biyaha iyo suuligu waxay ka mid yihiin mar walba qalabka joogtada ah ee guriga.

Badi agabka guriga kama mid ah qalabka guriga lagu kireeyo. Finland guryaha qaarna waxaa lagu kireeyaa ayagoo qalabaysan. Waxayaabaha lagu qalabeeyey guriga inta badan waxaad ka xaqiiqsan kartaa kaa kireeyaha guriga.

Qashinka guriga

Dalka Finland dhexdiisa, qashinka guriga waa in la kala sooco oo lagu shubo mid walba weelka qashinka ee u gaarka ah. Wixii macluumaad dheeraad ah ka akhri bogga InfoFinland Daryeelka qashinka iyo dib-u-isticmaalida.

Adeegyada talosiinta

Ma rabi laheyd inaad hesho talosiin la xiriirta kireysiga guriga?

Ururka macaamiisha Finland /Kuluttajaliitto waxaad ka heleysaa talosiin iyo tusmooyin ku aadan kireystaha iyo laga kireystaha.

Adeega talosiinta Ururka macaamiisha Finland/Suomen kuluttajaliitto, neuvontapalvelut:

tel. 010802240
Talaado–Jimce saacada 10–12 iyo Talaado saacada 17–19

Waad wici kartaa teleefonka waddanka Finland oo dhan qiimuhiisuna waa midka degmadaada dhexdeeda aad ka wacaneyso oo kale.

Wixii talosiin ah waad ku weydiisan kartaa sidoo kale shabakada internetka, markaad buuxiso foomka. Waxaa jawaabta laguugu soo dirayaa iimaylka.

Talosiinta degaanka ajaaniibta waxaad ka heleysaa sidoo kale Marttaliitto iyo Suomen Pakolaisapu.

linkkiKuluttajaliitto:
La-talinta degistaFinnish

linkkiPakolaisapu:
Xafiisyada gobolka ee Kaalmada qaxootigaFinnish

linkkiMarttaliitto:
Macluumaadka ururka haweenkii soo halgamey (Martta)Finnish | Ingiriis