Nolosha Finland

Jätehuolto ja kierrätys
theme icon

Daryeelka qashinka iyo dib-u-isticmaalida

Caadiyen waa inaad qashinka ku soo kala soocdaa guriga inta anad keenin bannaanka qashinqubka. Marka si hagaagsan loo kala sooco alaabta qashinka la keenayo dib ayaa looga samayn karaa alaab cusub.

Dadka siyaabo kala duwan ayaa loogu hagaa qaabka ay u kala soocayaan qashinka yada oo ay ku xidhantahay qofku meesha uu ka daganyahay Finland. Caadiyaan macluumaadka ku saabsan qaabka ad u kala soocayso waxa ad ka heli kartaa xaafadaada meesha loogu talo galay in qashinka lagu tuuro. Waxad sidoo kale waydiin kartaa macluumaad dheeraad ah shirkadda ad guriga ka kiraysatay ama degmadaada. Haka tuurin qashinka daaqada hana ku tuurin qashin kaymaha ama dariiqyada.

Alaabta anan jabnayn ma aha qashin. Alaabta waxad gaysan kartaa suuqyada alaabta la soo isticmaalay oo ad ku gadan kartaa, waxad galin kartaa internetka si lagaaga gato ama waxad gayn kartaa xarumaha alaabta lagu wareejiyo. Finland waa caadi in uu qofku iibsado alaab la soo isticmaalay, si fudud baana loo helaa alaab fiican oo la soo isticmaalo.

Sidee qashinka loo kala soocaa

Alaabta waxa lagu kala soocaa waxa ay ka samaysanyihiin.

Haku ridin bullaacadaha ama musqusha qashin, cunto ama kemikaalo dheeraad ah. Qashinka halista ah mar kasta gee meelaha qashinka lagu kala sooco ee loogu talo galay.

Dhismayaasha oo dhan markasta lama dhigin alaabta lagu tuuro qashinka la kala soocay. Bogga kierratys.info waxad ka heli kartaa meelo qashinka lagu tuuri karo oo dadka oo dhan ka dhexeeya. Qashinka meelaha lagu tuuro ee dhismayaasha ama guryaha kale ha gaynin qashinkaaga. Sidoo kale ha keenin qashinqubka gurigaaga qashin ad meel kale ka keentay sida ganacsigaaga.

Weelka alaabta lagu sooco ee badanaa laga helo guryaha

Qashinka cuntada iyo waxyaaba ka yimaada (Biojäte)

HAA: qashinka cuntada, xataa cuntada qudhuntay ama xumaatay, kafeega budada laga kariyay, istaraashayaasha, diirka khudradaha kala duwan iwm.

MAYA: kemikaalada kala duwan, dhalada, birta, carada bisadda lagu kaadisiiyo.

Qashinka cuntada iyo waxyaabaha ka yimaada marka la kaydiyo waxay isku badashaa dhiiqo. Degmooyinka qaarkood waxay ka saaraan marka hore gaas laga heli karo koronto iyo diirimaad.

Warqad (Paperi)

HAA: jaraa’idada, xayaysiiska, baqshadaha iwm.

MAYA: warqad qoyan ama aad u wasakhaysan.

Waxa dib looga sameeyaa warqadahaas jaraa’ido ama warqada musqusha.

Kartoon (Kartonki)

HAA: kartoomada caanaha, kartoonka, bacaha ka samaysan warqad, baakeetaha kartoonka laga sameeyay

MAYA: kartoonka qoyan ama aad u wasakhaysan

Kartoonka waxa laga sameeyaa tusaale ahaan kartoonka giraanta ah ee lagu wareejiyo istiraashooyinka la googoosto. Kartoomada alumiiniyumta ku samaysan waa la soocaa yadana.

Dhalo (Lasi)

HAA: dhalooyinka cabitaanada iyo kuwa cuntooyinka

MAYA: maacuunta ama alaabta dhalada laga sameeyay, muraayadaha, alaabta dhalada ah

Dhalooyinka waxa laga sameeyaa alaab dhalo ka samaysan oo wax lagu kaydiyo.

Birta (Metalli)

HAA: alaabta birta ah ama alaabta bir ka samaysan ee wax lagu kaydiyo ee u badan bir.

MAYA: mishiinada korontada ku shaqeeya, baytariyada

Biraha kala duwan waxa loo kala soocaa mishiino waxana laga sameeyaa alaab cusub.

Qashinka isku jirjira (Sekajäte) ee wax waxyaabaha intaa ka soo hadha oo dhan

HAA: Qashinka gabi ahaan anad rabin ama anad karayn inaad kala soocdo

MAYA: qashinka khatarta ah

Qashinka isku jirjira caadiyen waxa lagu gubaa qashinqubyada waaweeyn, waxana laga sameeyaa diirimaad iyo koronto.

Meelaha kale ee alaabta lagu sooco

Qashinka khatarta ah (Vaarallinen jäte)

HAA: Nalalka dhaadheer, guluubada nalalka, keemikooyinka ay baakeedkooda ku taalo calaamadda lagaaga digayo.

HALKEE: Meelaha lagu sooco qashinka khatarta ah, waxad ka eegtaa kierratys.info.

Baytariyada (Paristot)

HAA: Baytariyada yaryar iyo kuwa waaweyn ee guryaha, baytariyada tilifoonada.

HALKEE: caagadaha lagu kaydiyo qashinka ee gaduudka ah ama cas ee yaala tukaamada iyo kioskooyinka.

Birta baytariyada iyo waxyaabaha khatarta ah waxa la cusboonaysiiyaa si aamin ah ayaana loola macaamiilaa.

Qalabka korontada iyo elegtrooniga (Sähkölaitteet ja elektroniikka)

HAA:Alaabta ama qalabka gabi ahaan ku shaqeeya koronto ama baytari.

HALKEE: qalabka yaryar waxad gayn kartaa tukaamada iibiya qalabka elektrooniga ah alaabta waawaynna waxad gayn kartaa meelaha lagu ururiyo qashinka alaabta elegtrooniga ah, ka eeg kierratys.info.

Macdanta ama birta alaabta korontada ku shaqeeya (sida dahabka) waa la soocaa.

Baakeetada caaga ah (Muovipakkaukset)

HAA: bacaha, bacaha raashinka lagu xidho ama lagu rido, caagadaha iyo alaabta kale ee caag ka samaysan.

MAYA: caagga PVC (calaamaddiisa 03), alaabta lagu ciyaaro, maacuunta caagga ah, alaabta caagga ka samaysayn

Baakeedada caagga ah waxa dib looga sameeyaa qalab caag ah.

Sideen u yarayn karaa qashinka

  • Talaagadda qaybta barafka ah ku kaydi cuntada dheeraadka ah. Si sax ah cuntada u kaydi.
  • Waxad cabtaa biyaha qasabadda. Finland biyaha qasabaddu waa biyo badbaado ah oo fiican.
  • Waxad iibsataa oo kaliya alaab ad u baahantahay.
  • Waxad iibsataa alaab adag. Haddii ad hadhoow damacdo inaad iibiso, waxad ka heli kartaa lacag.
  • Iibso oo iibi alaabta la soo isticmaalo.
  • Alaabtaada si hagaagsan u kaydso adiga oo tixraacaya qoraalka kaydintooda lagaga hadlayo ee ad ku soo iibsatay.

linkkiKierrätys.info:
Goobta lagu uruuriyo qashinkaFinnish

linkki4V:
Talooyin ku saabsan dagganaanshaha(pdf, 1,5 Mt)Finnish | Ingiriis | Ruush | Soomaali | Carabi | Kurdish