Nolosha Finland

Tilapäinen asuminen
theme icon

Dagaan ku meel-gaar ah

Guryaha ijaarka ah oo qalabaysan iyo qolalka hoteel ahaan loo ijaaro

Xafiisyada guryaha dilaala iyo shakhsiyaadka gaarka ah ayaa ijaara guryaha xitaa waqtiyo gaaban. Waqtiga daganaanshadu wuxuu ahaan karaa inta u dhaxaysa hal maalin ilaa dhawr bilood. Inta badan guryaha waqtiyada gaa-gaaban la ijaartaa waa guryo qalabaysan. Guryaha ijaarkooda inta uu le'eg yahay waxaa u dhexeeya farqi, kaas oo ku xiran meesha uu gurigu ku yaal. Qiimayaasha magaalada bartamaheedu aad ayey u sareeyaan.

Waxaa kaloo jira hoteelo sida guryaha oo kale ah, kuwaas oo tusaale ahaan leh jikadooda. Qolalka qiimahoodu dhexe caadi ahaan waa 100 euro afar iyo labaatankii saac. Haddii aad qolka daganaaneysid waqti dheer, tusaale ahaan dhawr usbuuc, qiimuhu wuxuu ahaan karaa mid intaas ka hooseeya.

linkkiForenom:
Guryo qalabaysanFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush

linkkiKotimaailma:
Guryo qalabaysanFinnish | Ingiriis

Hoteelada iyo hosteelada

Daganaanshada hoteelada dalka Finland xoogaa way ka qaali santahay wadamada Yurub intooda badan. Sidoo kale qiimaha hoteeladu in badan ayey ku kala duwan yihiin xilliyada iyo meesha ay ku yaalaan marka loo eego. Qiimaha qol hal ama laba qof ahi qiyaastii waa inta u dhaxaysa 60-100 euro afar iyo labaatankii saac.

Hosteelku caadi ahaan waa dariiq ka jaban hoteelka, lakiin heerka tayada adeega hosteeladu wuu ka hooseeyaa kan hoteelada, mar kastana suurtogal kuuma noqon doono inaad hesho qol kuu gaar ah. Qiimaha jiifka hal habeen qiyaastii waa inta u dhaxaysa 20-50 euro. Tan ugu jaban waa inaad seexato qol wadaag ah oo dad kale kula dagan yihiin.

linkkiRestel:
Hoteelada Finland ku yaalFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Shiino

Guri dejin

Sidoo kale waxaad marti ahaan u degi kartaa guri caadi ah oo ka mid ah guryaha Finnishka. Macluumaadka la xiriira guri dejinka waxaad ka helaysaa Internetka. Inta badan waqtiga daganaanshadu waa dhawr maalmood ama dhawr usbuuc. Qiimaha waxaa go’aan ka gaara qofka guriga iska leh. Si kastaba ha ahaatee daganaanshadu xoogaa way ka jaban tahay daganaanshada guriga hoteelka oo kale ah.

linkkiHomestay.com:
Guri dejinIngiriis | Faraansiis | Isbanish | Shiino | Jarmal | Burtuqiis | Talyaani

linkkiHomestay Web:
Guri dejinIngiriis | Jabanees

Guryaha ardayda

Haddii aad Finland u timaado arday ahaan, waxaad heli kartaa guri arday, kaas oo aad ku noolaan kartid ilaa inta ay waxbarashada dalka Finland kuu socoto. Haddii aad tahay arday waxaa kula gudboon inaad codsato guri arday, sababtoo ah sida caadiga ah way ka jaban yihiin guryaha kale oo ijaarka ah. Wixii macluumaad dheeraad ah ka akhriso bogga InfoFinlandi Degista ardayda.

linkkiSuomen opiskelija-asunnot:
Guriyaha ardayadaFinnish | Ingiriis