Taloudellista tukea vammaisille
theme icon

Kaalmada dhaqaale ee dadka naafada ah

Hawl gabka karid la’aanta shaqada

Hadii aad leedahay laxaad la’aan ama xanuun, kaasi oo aanad ka shaqayn karayn ayaa waxaad heli kartaa hawlgabka karid la’aanta shaqada (työkyvyttömyyseläke). Hadii aad indho laadahay ama aanad dhaqaaqi karayn,ayaa waxaad helaysaa hawlgabka dhaqaaq la’aanta xataa adiga shaqo tagi kara.Lacagta hawlgabka shaqo karid la’aanta waxaa la siiyaa da’da u dhaxaysa 16-64 jir. Helitaanka lacagta hawlgabka waxaa saamaysa inta aad dagan tahay Finland. Si qaalibka ah lacagta hawlgabka shaqo karid la’aanta waxaad heli kartaa markaad dagan Finland mudo 3sano ah.

Waxaad ka dalban kartaa hawlgabka shaqo la’aanta kelada.

linkkiKela:
Lacagta masruufka qofka howlgabka ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

Taageerada lacageed ee qofka laxaadka la’ ee qaangaarka ah

Hadii aad laxaad la’dahay ama xanuunsan tahay, kaasi oo sii xumaynayay awoodaada wax qabad mudo ugu yaraan sanad ah oo kala go’ lahayn, ayaad waxaad helaysaa lacagtaasi taageerada qofka laxaadka la’ (vammaistuki). Waxaad u baahan tahay shahaado ama cadayn dhakhtareed, si aad u heli karto lacagtaasi taageerada ah. Kaalmada dhaqaale ee dadka waaweyn waxaa la siiyaa 16-64 sano jiryada. Helintaanka lacagta taageerada ah waxaa saamayn ku le, inta aad dagan tahay Finland.Sida caadiga ah lacagtani qofku wuxuu heli karaa markuu dagan yahay Finland mudo saddex sano ah. Xadiga lacagtan taageerada ahi waxay ku xidhan tahay hadba inta uu leeg tahay laxaad la’aantaadu.

Waxaad ka dalban kartaa lacagtan taageerada dad laxaadka la’ kelada.

linkkiKela:
Cawinaada naafada ee dadka waaweynFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiKela:
Caafimaadka iyo dib u soo kobcintaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Sami

Taageerada lacageed ee lagu helo daryeelka qof qoyskaaga ka tirsan oo axaad la’

Haddii ad qof laxaad la’ oo qoyskaaga ka tirsan ku daryeesho gurigaaga, degmadaadu waxay ku siin kartaa lacagta taakulaynta ee loogu talo galay qofka qof qoyskiisa ka tirsan oo laxaad la’ ku haya guriga (omaishoidontuki). Si ad taakuulayntaas u heshid waa inaad la samaysaa heshiis degmadaada. Dhaqaalaha lagu helo daryeelka qofka laxaadka la’ ee ka tirsan qoyskaaga waxad ka dalban kartaa xafiiska sooshalka ee dagmadaada.

linkkiOmaishoitajaliitto:
Hagaha adeega ee dadka qaraabadooda xanaaneeyaFinnish

Kaalmada naafada ee dadka 16 sano jirka ka yar

Cunugga 16 sano ka yar wuxuu heli karaa kaalmada naafada, haddii uu naafadiisa ama jiradiisa darteed u baahanyahay daryeel, xannaano iyo baxnaanin joogto ah ugu yaraan muddo lix bilood. Kaalmada dadka 16 sano ka yar waxaa laga codsan karaa Kelada. Kaalmada waxaa inta badan la bixiyaa muddo cayiman. Marka uu dhamaado, sii wadista kaalmada waa la codsan karaa.

linkkiKela:
Cawinaada naafada ee caruurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Lacagta daryeelka gaarka ah

Kelada waad ka heli kartaa lacagta daryeelka gaarka ah, haddii

  • aad ka qayb-qaadato daryeelka isbitaalka ama bolikiliinikada ee cunuggaada 7 sano ka yar
  • aad ka qayb-qaadato daryeelka isbitaalka ama bolikiliinikada ee cunuggaada 7-15 sano jirkan ah ee aad u jirran
  • aad ka qaybqaadato baxnaanada cunuggaada u dhexeey 0-15 sano
  • aad guriga ku xannaanayso cunuggaada 16 sano kayar oo aad u jirran, guri ku hayntiisana ay la xiriirto daryeelka isbitaalka cunugga ama daryeelka bolikiliinikada
  • aad kayd u tahay wakhtiga tijaabada dugsiga ama xannaano-maalmeedka oo la xiriira jirro daran oo cunuggu qabo.

linkkiKela:
Lacagta daryeelka gaar kah ee caruurta ka yar 16- sanoFinnish | Iswidish | Ingiriis

Kabidda dhaqaale ee daryeelka qofka qaata lacagta howlgabka

Haddii ad ku jirto wakhtiga howlgabka jidhkaaguna uu u daciifay laxaad la’aan ama xanuun draadii muddo isdaba joog ah oo ugu yaraan sannad ah, waxad heli kartaa taakulaynta daryeelka qofka howlgabka (eläkettä saavan hoitotuki). Waxad heli kartaa taakulaynta haddii laxaad la’aantaada ama xanuunkaaga daraadii ad ugu baahantahay caawimaad joogt ah. Lacagta taakulayntu inta ay leegtahay waxay ku xidhantahay caawimaada ad u baahantahay inta ay tahay. Waxad Kelada ka dalban kartaa jabida dhaqaale ee daryeelka qofka qaata lacagta howlgabka.

linkkiKela:
Cawinaada daryeelka ee qofka qaata lacagta hawlgabkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Kabidda dhaqaale ee raashinka iyo dharka

Haddii laxaad la’aantaadu ama xanuunkaagu uu kugu keeno kharashaad dheeri ah oo raashinkaaga iyo dharkaaga gala, waxad dalban kartaa kabidda dhaqaale ee raashinka iyo dharka (vaatetus- ja ravitsemustuki). Kabidda dhaqaale waxad ka dalban kartaa xafiiska sooshalka ee degmadaada.

linkkiTerveyden ja hyvinvoinnin laitos:
Dhar dheeraad ah iyo kharashka cuntadaFinnish | Iswidish