U gudub macluumaadka ku jira
Kulttuurit ja uskonnot Suomessa

Dhaqamada iyo diimaha ka jira Finland

Waa la daabacay13.07.2022

Finland waxaa deggan qiyaastii 5,5 malyan oo qofood, Luqadaha qarameed waa Finnish iyo Iswiidhan, Finland waxaa ka jirta xorriyad diimeed, taas oo ka dhigan in dadka oo dhan ay dooran karaan doontooda islamarkaasna ku cibaadaysan karaan. Boggan waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan dadweynaha Finland, diimaha, xorriyadda diinta iyo diinta cunugga.

Dadka Finland

Tirada dadka Finland waa qiyaas ahaan 5,5 malyan oo qofood. Finland waa dal bannaan. Dadku waxey si gaar ah ugu soo aruureen magaalooyinka waa weyn iyo deegaamada. Soonaha caasimadda waxaa deggan dad ka badan malyan.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTilastokeskus

Dadka Finland

Finnishka iyo Iswidhishku waa luqadaha qaranka. Finnishka waxaa sidii afkooda hooyo ugu hadla wax in yar ka yar 4,9 malyan oo qofood, Iswidhishkana wax yara ka yar 300,000 oo qofood. Marka laga reebo Finnishka iyo Iswidhiska waxaa ugu badan ee lagu hadlaa Ruushka, Istooniya, Ingiriis, Soomaali iyo Carabi.

Dadka Finland waxaa ku jira bulshooyin kala duwan oo ah dadka laga tirada badan yahay, kuwaas oo leh luqad, dhaqan ama diin ka duwan kan Finnishka intiisa badan haystaan. Dadka laga tirada badan yahay ee soo jireenka ah waa tusaale ahaan Finnish-Iswiidhishka, Saamiyiinta, Roomaaniyiinta, Yuhuudda iyo Tataariyiinta. Waxaa kale oo Finland deggan dad halkan u soo guuray oo ka yimid Ruushka, Istooniya, wadamada Balkaanka, Soomaaliya iyo Ciraaq.

Diimaha Finland

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaOpetus- ja kulttuuriministeriö

Jimciyado diimeedyada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaUskonnot.fi

Jimciyado diimeedyada

Xornimada diinta iyo ku cibaadeysashada diintaada gudaha Finland

Finland waxaa ka jira xorriyadda diimeed. Dhammaan dadka ku nool Finland waxey xaq u leeyihiin in ay diinta ay rabaan doortaan islamarkaasna ku cibaadeystaan. Haddii aadan la dooneyn, ma ahan qasab in wax diin ah la doorto. Cidna qasab kuma ahan in uu ka qeybqaato cibaadeysi diimeed.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaOpetus- ja kulttuuriministeriö

Xornimada diinta

Ugu yaraan 20 qofood oo qaangaar ah waxey sameysan karaan urur diimeed. Qasab kuma ahan koox diimeedka in ay isu diiwaangeliyaan urur diimeed ee kooxdu waxey shaqeyn kartaa xittaa diiwaangelis la’aan.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaPatentti- ja rekisterihallitus

Diiwaangelinta jimciyad diimeed

Diinta cunugga

Waalidka ayaa go’aaminaya diinta cunugga qaadanayo. Haddii ay waalidku ku aragti duwan yihiin arrinta, wax diin ah cunugga laguma darayo. Haddii ay maxkamadu labada waalid midkood u xukuntay in uu kaligiis mas’uul ka ahaado cunugga, isaga ayaa kaligiis go’aan ka gaaraya diinta cunugga.

Cunuggu xaq ayuu u leeyahay in uu dugsiga ku barto afkiisa hooyo. Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri bogga InfoFinlandi Waxbarashada aasaasiga ah.

Qofka qaangaarka ah, yacni qofka buuxiyay 18 sano wuxuu iskiis u go’aansan karaa diintiisa.