Tietoa Helsingistä

Warar ku saabsan Helsinki

Helsinki waa caasimadda Finland. Waxay ku taalaa koonfurta Finland dhinaca xeebta Gacanka Finland. Helsinki waa xarunta maamulka Finland: halkaas waxaa isugu yimaadaa baarlamaanka Finland, waxaana halkaas sidoo kale ku yaala wasaaradaha. Helsinki waa sidoo kale xarun muhiim u ah dhaqanka iyo ganacsiga. Helsinki waxaa deggan qiyaastii 650 000 oo qofood. 78 % waxay sidii afkooda hooyo oo kale ugu hadlaan luqada Finnishka halka 6 % ay sidii afkooda hooyo oo kale ugu hadlaan luqada Iswidishka. 16 % waxay sidii af hooyo oo kale ugu hadlaan luqado kale.

Gaadiidka gudaha Helsinki

Tikitka HSL waxaad Helsinki kula safri kartaa dhammaan basaska, tareennada masaafooyinka dhow, taraamyada, metrooyada iyo doonta Suomenlinna. Waxaad si fudud lacagta tikitka ugu bixin kartaa ablikeeshinka HSL ee telefoonkaada ama kaarka HSL, kaas oo aad ku shuban karto xilli ama lacag. Hubi, illaa iyo saacadda uu tikitku shaqaynayo. Haddii uu wakhtiga uu shaqeynayo ay wax ka harsan yihiin, waxaad gaadiidka aad saaran tahay ku beddelan kartaa mid kale. Wax dhibaato ah ma lahan haddii uu tikitku dhaco inta aad ku jirto safarka kuugu dambeeyay.

Adeegga Hagaha wadooyinka (Reittiopas) waxaad ka raadsan kartaa wadooyinka mara agagaarka caasimadda. Adeeggu wuxuu kaala talinayaa sida aad u raaceyso gaadiidka dadaweynaha.

linkkiHelsingin seudun liikenne HSL:
Hagaha wadooyinkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Korona fayraska COVID-19

Isticmaal af-shareerka, haddii aadan dadka u jirsan karin masaafo ammaan ah. Arrinta ugu muhiimsan waa in aad dadka kale u jirsato 2 mitir oo masaafada ammaanka ah gacmahana aad inta badan dhaqdo. Haddii aad qabto calamaadaha cudurka, joog gurigaaga.

linkkiHelsingin seudun liikenne (HSL):
Isticmaal af-shareerkaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Soomaali | Carabi

Kaarka HSL (HSL-kortti)

Ku safridda kaarka HSL waa ka qiimo jaban tahay ku safridda lacagta caddaanka ah. Kaarka HSL waxaa lagu raaci karaa gaadiidka deegaanka ka shaqeeya sida basaska, masaafooyinka dhow, taraamyada, metrooyada iyo doonta Suomenlinna.

Kaararka HSL waa labo nuuc. Kaarka shaqsiga waxaa loola jeedaa, kaar uu qofka iska leh oo kaliya isticmaali karo. Waa habka ugu raqiisisan ee lagu safro. Kaarka gacan ku hayaha waxaa loola jeedaa, kaar ay dad badan isticmaali karaan.

Ka hor inta aadan soo gadan kaarka shaqsiga ah, waa in aad degane rasmi ah isaga diiwaangelisaa magaalo ka mid ah soonaha tikitka HSL. Magaalooyinku waa Helsinki, Espoo, Vantaa, Kauniainen, Kirkkonummi, Kerava iyo Sipoo.

Kaarka HSL waxaad ka iibsan kartaa goobta iibka ee HSL ama goobta adeegga. Waxay agagaarka caasimadda uga yaalaan meelo kala duwan. Kaarka HSL ee shaqsiga ah waxaad ka iibsan kartaa goobta adeegga. Haddii aad iibsanayso kaarka HSL ee shaqsiga ah, horay u sii qaado aqoonsi. Waxaa kale oo aad kaarka HSL ka iibsan kartaa bogagga shabakadda HSL, haddii aad leedahay aqoonsiyada bangiyada Finnishka.

Kaarka HSL waxaad ku safri kartaa, marka aad ku shubato xilli ama lacag. Xilli waxaa loola jeedaa wakhti: tusaale ahaan hal bil. Qiimo waxaa loola jeeda lacag, Haddii aad inta badan isticmaasho gaadiidka dadweynaha, waxaa kuu wanaagsan in aad xilli kaarka ku shubato.

Kaarka HSL waxaad lacag uga shuban kartaa goob kasta oo kaarka safarka laga cabbaysto ama internetka. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga shabakadda HSL.

linkkiHelsingin seudun liikenne (HSL):
Raadinta goobta iibkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin seudun liikenne (HSL):
Macluumaad iyo talooyin loogu talagalay dadka safarka ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

Baakiil wadashada iyo socodka

Helsinki waxaa ku yaal wadooyin baaskiil oo badan. Hagaha wadada gaadiidka fudud waxaad ka raadsan kartaa wado kugu haboon haddii aad dooneyso inaad socoto ama ku safarto baaskiil.

linkkiHSL:
Baaskiilada magaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Gaadiidka baabuurka iyo diyaaradda

Maxadooyin badan oo metrooga iyo tareenka laga raaco waxaa suurtagal ah in laga helo boosas baabuurta la dhigto oo lacag la’aan ah kadibna lagu sii safro gaadiidka dadweynaha.

Helsinki waxay xiriir wacan oo wadooyinka dhinaca dhulka ah la leedahay dhinacyo badan oo Finland ku yaal. Garoonka diyaaradaha ee ugu dhow waa garoonka diyaaradaha ee Helsinki- Vantaa.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Gaadiidka.

linkkiHelsingin seudun liikenne HSL:
Hagaha wadooyinka socodka iyo baaskiilkaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush

linkkiVR:
Jadwalka tareenadaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush

linkkiHelsingin seudun liikenne:
Boosteejooyinka isku xirkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsinki-Vantaa:
Garoonka diyaaraddaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Shiino

Go’aan sameynta iyo saameyn ku yeelashada

Arrimaha Helsinki waxaa go’aan ka gaara golaha deegaanka. Xubnaheedu waxey metelaan kooxo siyaasadeed kala duduwan. Golaha waxaa afartii sanadba mar lagu doortaa doorashooyinka degmada. Shirarka golaha waxaad kala socon kartaa islamarkaasna macluumaad dheeraadka ah oo ku saabsan go’aan gaarista ka heli kartaa kanaalka Helsinki ama bogagga shabakadda magaalada.

Duqa magaalada iyo dadka magaalada ka shaqeeya waxey dadka magaalada deggan ee jooga dhinacyo badan oo magaalada Helsinki dhexdeeda ah ugu qabanqaabiyaan fiidadka deganayaasha, kuwaas lagu sheego loogana sheekeysto arrimaha magaalada.

Adigu xittaa waxaad saameyn ku yeelan kartaa go’aan gaarista. Doorashooyinka degmada oo laga codeeyaa waa hab muhiim ah oo saameyn lagula yeesho. Waxaad sidoo kale ka qeybqaadan kartaa horumarinta magaalada adigoo isticmaalaya kanaalo elekterikaal ah oo kala duduwan. Tusaale ahaan bogagga magaalada Helsinki waxaa ku jira foom diyaar nidaam aragti- celineed (palautejärjestelmä). Waxaad magaalada ugu soo diri kartaa su’aalo iyo soo jeedinno ama waxaad ku dhiiban kartaa aragti-celin.

Waxaa intaas dheer oo agagaarka aad deggan tahay ka shaqeeya qofka magaalada lagala xiriiro oo ah hagaha magaalada (stadiluotsi), oo kaa caawin kara horay u sii gudbinta talo soo jeedinnadaada. Hagaha magaaladu wuxuu heegan ku yimaadaa maktabadda agagaarkaada maalmo iyo saacado cayiman. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hagayaasha magaalada iyo macluumaadka xiriirkooda waxaad ka heleysaa bogagga shabakadda ee magaalada Helsinki.

linkkiHelsingin kaupunki:
Golaha deegaanka magaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsinki-kanava (Helsingin kaupunki):
Shirarka shabakadda ee golaha deegaankaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Dir su'aal ama bixi aragticelinFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Ka qeybqaado oo saameyn ku yeeloFinnish | Iswidish | Ingiriis

Diinta

Helsinki iyo soonaha Helsinki waxaa ka shaqeeya jimciyado diimeedyo kala duduwan. Helsinki waxaa ku yaal meelo lagu cibaadeysto oo ay kala leeyihiin kooxo diimeedyo kala duduwan, waxaa kale oo intaas dheer xarumo waxqabad. Adeegga Diimaha Finland waxaad ka raadsan kartaa macluumaadyo ku saabsan jimciyadaha diimaha oo waafaqsan deegaanada.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Dhaqamada iyo diimaha Finland.

linkkiUskonnot.fi:
Jimciyado diimeedyadaFinnish | Ingiriis

Taariikhda Helsinki

Boqorkii Iswidishka Kustaa Vaasa ayaa wuxuu Helsinkida hadda jirta ka aasaasay xeebta magaalada duqda (Vanhankaupunginkoski) isagoo amray 12.6.1550 in dadka kale ee deggan magaalooyinka kale ay u soo guuraan Helsinki. Finland markaas waxay qeyb ka aheyd Sweden.

Kustaa Vaasa wuxuu rabay in Helsinki uu ka dhigo magaalo madax la tartanta Tallinna, waxaa halkaas sidoo kale u guuray ganacsato Jarmal iyo Holland u dhashay. Waqti yar kadibna Iswidishku waxay qabsadeen Tallinna Helsinkina waxay noqotay magaalo dagaal oo dekadeeda ciidamo loo sii marsiin jiray markii hore Baltika iyo 1630 soonaha Jarmalka dagaalkii 30ka sano qaatay dartiis.

Sanadkii 1640kii waxaa Helsinki loo wareejiyay meesha ay hadda ku taal ee bayga Estonia. 200 sano ee ugu horeysay waxay aheyd magaalo aad u yar.

Dagaalkii Salka ballaarnaa intii lagu jiray sanadkii 1710 cudur saf mar ah ayaa dilay saddex marka loo qeybiyo labo qeybood dadkii deganaa Helsinki. Ruushka ayaa laba jeer qabsaday Helsinki sanadkii 1700, markii ay Ruushka iyo Iswidishku ay dhexdooda ka dagaalameen.

Sanadkii 1748dii jasiiradda saaran Helsinki ayaa la bilaabay in laga dhiso Viapori (Iswidishka Sveaborg, "Qalcadda Sweden") qalcado badeed, meesha hadda loo yaqaan Qalcadda Finland. Dhisidi qalcadda ayaa waxay magaaladi yareyd keentay dadka dheeraad ah oo dega, sidoo kale imaanshaha magaaladu ayaa batay.

Dagaalkii dhacay sanadihii 1808−1809 waxay Ruushku Iswidishka ka qabsadeen dalkii qeybtiisa Bari. Ruushku waxay Viapori iyo Helsinki qabsadeen sanadkii 1808, waqtigii dagaalkana magaaladu waa gubatay.

Ruushku dhulkii ay qabsadeen waxay ka sameeyeen Duukigii Weynaa ee ismaamulka Finland. Sanadkii 1812 Boqor Aleksanteri I ayaa wuxuu Helsinki u dalacsiiyay caasimadda Finland. Sidoo kale waxaa la bilaabay in la dhiso bartamaha Helsinki ee qaabka boqortooyada oo kale ah, dhismayaashaas oo hay’addihii muhiimka ah Duuka cusub ay ku yaaleen. Sidoo kale Jaamacadda waxaa sanadkii 1828dii laga soo wareejiyay Turku loona soo wareejiyay Helsinki.

Markii ay Finland xorowday sanadkii 1917kii, Helsinki waxay noqotay Caasimadda Jamhuuriyadda Finland. Janaanyo 1918 Helsinki waxaa qabsaday ilaaladii casaanka ee meteleysay dabaqada shaqaalaha. isla waqtigaas ciidamadi burjuwaasiyiinta ama dabaqada dhexe iyo beeraleydi waxay isku qabanqaabinayeen Pohjanmaa, waxaana bilowday dagaal sokeeye. Abriil ciidamadii Jarmalki ee Finland yimid waxay Helsinki u qabteen cadaanki.

Dagaalkii labaad ee adduunka intii lagu jiray, sanadihii u dhexeeyay 1939–1944 Midowgi Soofiyeeti ayaa wuxuu duqeeyay Helsinki, laakiin difaacii cirka ee wanaagsanaan dartiis magaalada waxaa soo gaaray burbur fudud.

Sanadkii 1946 Helsinki waxaa lagu biiriyay deegaano cusub, dhulki ay magaaladu ku fadhisayna wuxuu kordhay ku dhowaad sideed jibaar. Dadka magaaladu waxay u bateen si degdeg ah soonayaashii magaalada lagu darayna waxaa la bilaabay in sanadihii 1950−1980 laga dhiso magaalo-horaadyo cusub.

Maalinta Helsinki waxaa loo xusaa sanad kasta sidii maalintii la aasaasay magaalada 12.6. dhinacyo kala duduwan oo Helsinki ku yaal ayaa waxaa markaas lagu qabtaa dhacdooyin kala duduwan.

linkkiHelsingin kaupunki:
Warar ku saabsan Helsinki(pdf, 5,9 MB)Finnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Faraansiis | Shiino | Jarmal

linkkiHelsingin kaupunki:
Warar ku saabsan HelsinkiFinnish | Iswidish | Ingiriis