Arimaha ogolaanshaha
Barta adeegga ee Xaafiiska dal u soo guuridda ee Helsinki ayaad ka samayn kartaa codsiga joogitaanka dalka, waxaad kaloo ka samayn kartaa is diiwaangelinta xuquuda joogitaan muwaadinka midowga yurub.
Barta adeegga ee xafiiska dal u soo guuridda Helsinki:
Käenkuja 3A
00500 Helsinki
Sidoo kale waxaad adeegga internetka ee Enter Finland ka samayn kartaa codsiyada ruqsooyinka joogitaanka oo badan iyo sidoo kale isdiiwaangelinta muwaadinka midowga yurub. Haddii aadan aqoonin isticmaalka kombuyuterka, markaas codsiga waraaq ahaan u samee una gee barta adeegga ee Xaafiiska dal u soo guuridda.
Waxaa habboon inaad mar walba waqti horay uga sii qabsatid barta adeegga. Waxaad waqtiga ka qabsan kartaa adeegga waqti qabsashada ee Xaafiiska dal u soo guuridda. La soco, in barta adeegga aan laga bixin karin wax la talin ah oo la xiiriira arimaha ruqsooyinka.
Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: U soo guurista Finland.
linkkiMaahanmuuttovirasto:
Waqti qabsashada xagga internetka ahFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEnterfinland.fi:
Dalabka internetkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Welcome GuideIngiriis
Isu diiwaangelinta sidii deganne oo kale
Haddii aad si joogto ah ugu soo guurto Helsinki si aad u deganaato waa inaad degmada isaga diwaangelisaa sidii qof degane ah. Si aad degmada isaga diiwaangeliso waa in aad s shakhsi ah u tagto Goobta adeegga Helsinki ee Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka:
Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka, Helsinki
Lintulahdenkuja 2 D
Dabaqa 2aad
Tel. 0295 536 320 ama 0295 536 000
Marka aad aadeyso Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka, horay u sii qaado
-
aqoonsiga qofeed (tusaale ahaan baasaboor)
-
ogolaanshaha joogista iyo kaarka joogitaanka (haddii aad u baahan ogolaanshaha joogitaanka Finland)
-
cadeynta diiwaangelinta xaq u lahaanshaha joogitaanka (oleskeluoikeuden rekisteröintitodistus) (haddii aad tahay muwaadin u dhashay Midowga Yurub)
-
shahaadada guurka
-
shahaadada dhalashada cunugaada
Ogsoonoow, in warqadaha dibadda laga keenay ay ahaadaan kuwa loo turjumay af finnish, iswiidhish ama ingiriis islamarkaasna la sharciyeeyay. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sharciyeeynta dukumentiyada iyo diiwaangelinta ajaaniibta ka aqri bogga InfoFinland Isu diiwaangelin degane. Waxaa kale oo aad arrintan wax ka weydiisaa wakiilka dalkaada ee Helsinki jooga.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ka diiwaangelinta ajaaniibka nidaamka macluumaadka dadka iyo ku qorista degmada waxaad ka heleysaa bogga Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka.
linkkiDigi- ja väestötietovirasto:
Diiwaangelinta ajaanibtaFinnish | Iswidish | Ingiriis
International House Helsinki
Haddii aad dhowaan u soo guurtay soonaha caasimadda, waxaad International House Helsinki hal booqasho uga heli kartaa talo-bixin iyo adeegyada dowladeed. Waxaad ka cadsan kartaa:
-
talo-bixin lacag la’aan ah iyo arrimo la xiriira soo guurista oo ku qoran luqado kala duduwan
-
diiwaangelinta xaqa joogitaanka dalka, haddii aad tahay muwaadin Midowga Yurub ah
-
lambarka aqoonsiga Finnishka, isu-diiwaangelinta sidii degane iyo ogeysiiska macluumaadka cinwaanka
-
kaarka canshuurta iyo lambarka canshuurta, talo-bixin ku saabsan canshuurista
-
macluumaadka macnfacyada ammaanka bulshada
-
talo-bixinta adeegyada Xafiiska Shaqada iyo billaabista shaqo-raadinta
-
talo-bixinta hawlgabka shaqada iyo macluumaadka shahaada A1
-
a talo-bixinta xiriirka shaqada
-
talo-bixin loogu talagalay ganacsatada iyo shaqaalaha
-
talabixinta ku saabsan su’aalaha la xiriira helitaana guriga iyo deegaanka
IHH Service Advisor App ee shabakadda ku habboon wuxuu kaa caawinayaa helitaanka hay’adaha dowladda ee saxda ah wuxuuna sidoo kale kaala talinayaa dokumentiyada aad u baahan tahay in aad u soo qaadato booqashada.
Adeegga waxaa qeyb ka ah Helsinki-info, Magaalada Espoo, Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka, Hoggaanka socdaalka, Maamulka canshuuraha, Kelada, Xafiiska shaqada ee Uusimaa, Xarunta ammaanka hawlgabka, Rugta Ganacisga soonaha Helsinki iyo Ururka Midowga Iskaashatooyinka xirfadleyda Finland SAK.
Cinwaanka
International House Helsinki
Lintulahdenkuja 2 D
Dabaqa 2aad
linkkiInternational House Helsinki:
Goobta adeegga IHH ee dadka u soo guuraya Finland Ingiriis
linkkiInternational House Helsinki:
IHH Service Advisor App ee shabakadda ku habboonIngiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Adeegyada loogu talagalay soo-galootiga Finnish | Iswidish | Ingiriis