Korona fayraska COVID-19
linkkiHelsingin kaupunki:
Xadaymada iyo soojeedinnada Helsinki ka jiraFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Xadaymaha iyo soojeedinnada Aagga caasimaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Soomaali | Carabi
linkkiHelsingin kaupunki:
Macluumaadka fayruska Korona oo luqado kala duwan ku qoranFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Soomaali | Carabi
Dhacdooyinka
linkkiMy Helsinki:
Dhacdooyinka iyo meelaha loo daawasho tago ee HelsinkiFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Shiino | Jarmal
linkkiHelsingin yliopisto:
Munaasabadaha jaamacadda HelsinkiFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Kalantarka dhacdooyinka ee HelsinkiFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiStadissa.fi:
Munaasabadaha iyo goobaha HelsinkiFinnish
Maktabadaha
Helsinki dhaxdeeda waxaa ku yaalla maktabado faro badan oo kala gedisan. Intaas waxaa dheer labo gawaarida maktabadda ah oo ku wareega magaalada Helsinki. Maktabada maktabadaha-HelMet. Maktabaha-HelMet waxaa sidoo kale ka tirsan maktabadaha Espoo, Vantaa iyo wuwa Kauniainen. Maktabadaha-HelMet waxay leeyihinn adeeg xagga shabaka internetka ah oo ka dhaxaysa. Adeega shabakada internetka wax ayaad ka raadin kartaa ama ka qabsan kartaa. Sidoo kale waxaad internetka ka cusbooneysan kartaa materiaalkii aad horay uga soo amaahatay.
Ugu dhawaan dhamman adeegyada maktbadu waa kuwa lacag la'aan ah. Si aad u isticmaashid adeegyada maktabada, waxaad u baahantahay kaarka maktabada. Kaarka maktabada waxaad ka qaadan kartaa meelkasta oo ka mid ah maktabadaha-HelMet. Soo qaado waraaqahaaga aqoonsiga Kaarka maktabada waxaa la siiyaa qof degan Finland. Haddii aadan lahayn afarta lambar ee aqoonsiga, kaarka maktabadu wuxuu shaqaynayaa sannad markiiba.
Maktabadaha Helsinki buugaagta ugu badan waxay ku qoran yhiin luuqada Finnishka iyo Iswidishka, laakiin waxaad sidoo kale amaahan kartaa buugaagtaas oo ku qoran luuqado kale oo aad u faro badan. Maktabado badan waxaad ka heleysaa buugaag ku qoran Ingiriis, Jarmal, Faransiis, Talyaani, Ispanish, Viro iyo Ruush.
Maktabada luuqadaha badan
Maktabada weyn ee Pasila waxay ku dhex taalla maktabada luuqadaha badan (Monikielinen kirjasto). Halkaas waxaa yaalla buugaag ku qoran in ka badan 60 luuqadood oo kala duwan. Waxaa dalban kartaa in buugaagta laguugu soo wareejiyo maktabadaha kale.
Haddii aad leedahay kaarka maktabada, waxaad sidoo kale akhrisan kartaa buugaagta ama jariidadaha elektronikda ah, waxaadna komputerkaaga, tabletkaaga ama telefoonkaaga smartiga ka daawan kartaa filimaanta.
Sidoo kale Helsinki waxaa ku yaal maktabado kale, tusaale ahaan kuwa jaamacada iyo macaahidda sare.
Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Maktabadaha.
linkkiHelMet:
Adeegga wadaaga ah ee maktabadaha agagaarka caasimaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Soomaali | Bershan | Carabi
linkkiHelMet.fi:
Waqtiyada ay maktabaduhu furan yihiinFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush
linkkiHelsingin kaupunginkirjasto:
Maktabada luuqadaha badanFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush
Isboortiga
Waxaad hiwaayad ka dhigan kartaa noocyo badan oo isboorti ah oo ku yaalla Helsinki dacaladeeda. Helsinki waxaa ku yaalla hoolal badan oo lagu dabaasho, meelo lagu jimicsado, garoomo isborti iyo wadiiqooyin lagu lugeeyo ama lagu ordo.
Magaalada Helsinki waxay koorsooyin isboorti u qabataa dadka waaweyn ee magaalada degan. Xilliga xagaaga xadiiqooyinka magaalada dacaladeeda ku yaal waxaa lagu qabtaa isboorti jimicsi qoob ka ciyaar oo kale ah.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Isboortiga.
linkkiHelsingin kaupunki:
Jimicsiga iyo aadisa bannaanka ee HelsinkiFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Ciyaaraha gudahaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Jimciyadaha jimicsigaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Jimicsiga la hagoFinnish | Iswidish | Ingiriis
Ku dhaqdhaqaaqidda duurka
Helsinki bii'adu waa dhowdahay. Jardiinooyinka, xeebaha badda, keynta iyo soonaha bii'ada ee dhowran waad u socon kartaa, baaskiil u wadan kartaa ama waxaad ugu safri kartaa metrooga, basaska, tareenka, taraamka ama doonta.
Bogagga magaalada Helsinki waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan keynta Helsinki iyo soonaha Helsinki u dhow ku taal.
Helsinki waxaa sidoo kale ku yaal jasiirado loo socod tago, kuwaas oo lagu tegi karo doomo. Suomenlinna iyo jasiiradda Harakka waa meelaha loo daawashada tago ee taariikhiga ah. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan jasiiradaha loo socodka tago iyo gaadiidka biyaha waxaad ka heleysaa bogagga magaalada Helsinki. Bogagga waxaa sidoo kale ku jira macluumaadyada doon ku wadista Helsinki.
Waxaad ku kaloomeysan kartaa maqaalinta, barafka hoostiisana waad ka soo jilaaban kartaa kalluunka adigoo aan heysan ruqsad gaar ah. Waa lacag la'aan. Kalluumeysashada kale waxaad ugu baahan tahay ruqsad lacag ah. Bogagga magaalada Helsinki waxaad ka heleysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan meesha aad ka iibsan karto ruqsadaha kalluumeysiga.
Laymanka kalluumeysiga iyo haraayada kale ee kalluumeysiga bay'ada loogama tegi karo. Waxay dhib badan u geysan karaan shimbiraha iyo xayawaanada kale.
Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Ku dhaqdhaqaaqidda duurka.
linkkiHelsingin kaupunki:
Soonayaasha bannaankaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Bannaanka ku socodka jasiiraddaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Doon wadistaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Goobaha bixiya ogolaanshiyaha kalluumeysigaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Tiyaatarka iyo filimka
Helsinki waxaa ku yaal tiyaataro badan. Bandhigyada badankooda waa kuwa luqada Finnishka lagu sameeyo. Helsinki waxaa sidoo kale ku yaal tiyaataro badan oo luqada Iswidishka ku looga hadlo.
Bandhigyada tiyaatarada waxaad ka raadsan kartaa kalantarka dhacdooyinka, bogagga myhelsinki.fi iyo stadissa.fi.
Helsinki waxaa ku yaal arkistada filimka iyo tiyaataro filimeedyo badan. Kalantarka dhacdooyinka waxaad ka heleysaa macluumaadyada festifaalka filimada ee gudaha Helsinki.
Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Tiyaatarka iyo filimka.
linkkiKansallinen audiovisuaalinen instituutti:
Macluumaadyada filimada iyo bandhigyadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiCINAMON Helsinki Redi:
Tiyaatarka filimadaFinnish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan
linkkiCinema Mondo:
Tiyaatarka filimadaFinnish
linkkiFinnkino:
FilimadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Madxafyada
Helsinki waxaa ku yaalla matxafyo faro badan. Macluumaadka ku saabsan matxafyada waxaad weydiin kartaa la talinta dalxiiska ee Helsinki.
Helsingin matkailuneuvonta (La talinta dalxiiska ee Helsinki)
Cinwaanka: Kaivokatu 1 (Xarunta ugu weyn ee tareenada Helsinki)
Tel:09 31013300
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Matxaf.
linkkiHelsingin kaupunki:
Madxafyada iyo bandhigyadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiAteneum:
AteneumFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiKiasma:
Madxafka farshaxanka casriga ah ee KiasmaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush
linkkiDesignmuseo:
Madxafka DesignFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiSuomenlinna:
SuomenlinnaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiMuseovirasto:
Madxafka bannaanka ee SeurasaariFinnish | Iswidish | Ingiriis | Faraansiis | Jarmal
linkkiMuseovirasto:
Madxafka qaranka FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiLuonnontieteellinen keskusmuseo:
Maxafka dhexe ee cilmiga bii'adaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush
linkkiMy Helsinki:
Madxafyada Helsinki ku yaalFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Shiino | Jarmal
Hiwaayadaha carruurta iyo dhalinyarada
Xarunta farshaxanka ee Annantalo waa aqal farshaxan oo ku yaal bartamaha Helsinki looguna talogalay carruurta iyo dhalinyarada. Cinwaanku waa Annankatu 30. Annantalo waxaa ka dhaca barashada farshaxanka, bandhigyo, bandhig qoob ka ciyaar ah iyo bandhigyo masraxiyadeed. Sidoo kale Helsinki aqaladeeda kale ee dhaqamada waxaa carruurta iyo dhalinyarada loogu qabtaa dhacdooyin xagga dhaqamada ah.
Xarunta dhaqanka caruurta ee Musikantit waa xarun hawleed, lagu qabto dhacooyinka qoysaska, riwaayadaha caruurta, bandhigyo iyo tiyaatar. Xarunta carruurtu waxay ku barankaraan muusikada, jilitaanka, farshaxanka iyo qoob kaciyaadka luuqado ka gedisan ah.
Sidoo kale caruurta waxaa fursad loo siiyaa hiwaaydo badan oo jimicsi ah. Tusaale ahaan magaalada Helsinki waxay caruurta u qabataa jimicsiga jumpada, barashada dabaasha iyo jimicsiyaal badan oo kale. Sidoo kale shirkado badan oo gaar loo leeyahay ayaa carruurta u sameeeya hiwaayadaha jimicsiga.
Xarunta arimaha dhalinyarada (Nuorisoasiainkeskus) waxay carruurta iyo dhalinyarada ay da'doodu u dhaxayso 9-18 sano siisaa fursado hiwaayadeed oo faro badan. Bogga internetka ee munstadi.fi waxay dhalinyadara looga helayaa wax qabadyo faro badan iyo hiwaayado. Sidoo kale adeegga waxaa laga helayaa Ruuti, oo isku soo aruuyiya fikradaha iyo soo jeedinta dhalinyarada. Sidoo kale Helsinki waxaa ku yaalla aqalo faro badan oo dhalinyarada, kuwaas oo dhalinyaradu ay ku qaadan karaan waqtiyada firaaqada.
Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Hiwaayadaha carruurta iyo dhalinyarada.
linkkiHelsingin kaupunki:
Waxqabadka iyo dhacdooyinka dhalinyarada loogu talagalayFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Macluumaad ku saabsan kaarka xubinnimadaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Carabi
linkkiHelsingin kaupunki:
Jimciyadaha jimicsigaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Goobaha shaqada ee xarumaha dhaqankaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiMusikantit.fi :
Xarunta dhaqanka ee carruurta MusikantitFinnish | Ruush
linkkiHelsingin kaupunki:
Carruurta iyo dhalinyarada ayaa loogu talagalayFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Hiwaayad raadinFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiTyttöjen talo Helsinki:
Kaalmada iyo waxqabadka gabdhaha loogu talagalayFinnish
linkkiPoikien Talo:
Guriga wiilashaFinnish
Ururada
Helsinki waxaa ka hawlga ururo kala duwan oo aycadaddoodu ay aad u badan tahay, tusaale ahaan ururo dhaqamo iyo ururo jimicsi. Sidoo kale Helsinki waxa ku yaalla ururo badan oo ay leeyihiin dadka waddanka u soo guurey.
Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Ururada.
linkkiHelsingin kaupunki:
Waxqabadka ururkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Fiidiyowga fursadaha kala duwan ee jimicsiga