Nolosha Finland

Työ ja yrittäjyys Helsingissä

Shaqada iyo ganacsiga Helsinki

Shaqo xagee ah ?

Adeega xafiiska shaqaalaha

Xafiiska shaqadu wuxuu kaa caawinayaa adiga shaqo raadinta. Hadii aad tahay shaqo la’aan oo aad raadinayso shaqo, ogaysii xafiiska shaqada inaad shaqo raadiye tahay. Waxaad ogaysiinta ka samayn kartaa internetka dhexdiisa ama se waad booqan kartaa xafiiska shaqada.

Dadka u dhashay wadamada yurubta, Norway, Island, Liechtenstein iyo Swiss waxay ka ogaysiin karaan xafiiska shaqada internetka shaqo raadiye ahaan. Wadamada kale ee intaasi kasoo hadhay waa inay xafiiska shaqada iska soo diwaangeliyaan oo ay soo booqdaan xafiiska. Waa inuu soo qaataa taysaro ama aqoonsi iyo sharciga daganaanshaha.

Xogaha ku sahabsan xafiiska shaqada waxaad ka heli kartaa bogga InfoFinland Haddii aad shaqo la'aan noqotid. Macluumaadka ku sahabsan shaqo raadinta waxaad ka heli kartaa bogga InfoFinland Halkee laga heli karaa shaqo?

Helsinki waxaa ku yaala saddex xafiis shaqo.

Xafiiska Itäkeskuksen
Cinwaanka: Asiakkaankatu 3 A dabaqa 4aad
Teleefanka: 0295 025 500
Wakhtiyada shaqada: ma–pe klo 9.00–16.00

Xafiiska sentarka ku yaala
Cinwaanka: Antinkatu 1, dabaqa 2aad
Teleefanka: 0295 025 500
Wakhtiyada shaqada: ma–pe klo 9.00–16.00

Xafiiska Pasila
Cinwaanka: Ratapihantie 7 (sisäänkäynti Veturitorin puolelta)
Teleefanka: 0295 025 500
Wakhtiyada shaqada: ma–pe klo 9.00–16.00

Kabka shaqo la’aanta

Xogaha ku sahabsan kabka shaqo la’aanta waxaad ka helaysaa bogga InfoFinland Gargaarka shaqo la’aanta.

linkkiTyö- ja elinkeinohallinto:
Isku-xiryada bogagga boosaska shaqadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Boosaska shaqo ee bannaanFinnish | Iswidish

linkkiTE-palvelut :
Bandhigyo iyo fiidyoowyaal loogu talagalay dadka dalka u soo guurayFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Isbanish | Turki | Shiino | Carabi

Caawinta shaqo raadinta

Monika-Naiset liitto

Xarunta laqabsashada Monika waxey dumarka dalka u soo guuray ee shaqo la’aanta ah ka caawisaa sidii ay ku heli lahaayeen boos shaqo. Waxaad caawimaad u heli kartaa sameynta qoraalka qof ka waranka ama CV iyo codsiga shaqada, waxaad baran kartaa finnishka nololmaalmeedka loo isticmaalo iyo xirfadaha dhijitaalka.

linkkiMonika-Naiset liitto:
Xarunta laqabsashada MonikaFinnish

Luckan integration

Luckan Integration waa adeeg la talineed kaasi oo bixiya adeeg la talineed oo ku waajahan shakhsiyaadka soogalootiga ah, iyo wuxuu qaban qaabiyaa iskumaatino la xidhiidha shaqo dalbashada. Sidoo kale wuxuu u qaban qaabayaa kooxo. Luuqada lagu caawiyaa dadku waa ingiriisi.

linkkiLuckan integration:
Talo bixin la xiriirta shaqo dalbashadaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Isbanish

Väestöliitto

Väestöliiton waa shaqo ku tabobarida iyo la talinta dadka soogalootiga ah ee xirfado hore u soo lahaa ama bartay. Arinkani dhexdiisa waxaad ka helaysaa shaqo, boos waxbarasho ama inaad aas aasto ganacsi. Afka lagu shaqeeyaa waa finish.

linkkiVäestöliitto:
Tababar shakhsiyadeed /ka tala bixin ku saabsan xirfada shaqadaFinnish | Ingiriis

Ohjaamo

Hadii aad ka yar yahay 30 jir, waxaad waydiin kartaa la talin ku sahabsan shaqo dalbashada ama raadinta.Ohjaamo waxaa loogu talo galay dhalinyarada qaan gaadhay.

linkkiHelsingin kaupunki:
Ohjaamo ( xafiiska hagista dhalinyarada)Finnish | Iswidish

Stadin osaamiskeskus

Xarunta aqoonta ee Stadi (Stadin osaamiskeskus) waxay suuqa shaqada u tababartaa dadka wadanka u soo guurey, waxayna sidoo kale ka caaawisaa helitaanka goobo shaqo oo ay ku bartaan shaqada. Xarunta aqoontu waxyaabaha ay macaamiisheeda siiso waxaa ka mid ah barashada luuqada Finnishka iyo waxbarasho xirfadeed. Si aad maacaamiil uga noqotid xarunta aqoonta waxaad codsi dhigi kartaa xafiiska shaqada iyo xoogsashada ama adigoo codsiga soo marinaya dhanka xafiiska sooshalka iyo caafimaadka. Adeega waxaa loogu talogalay dhalinyarada dadka wadanka u soo guurey ee reer Helsinki. kuwaas oo ay da'doodu ka weyn tahay 17 sano iyo haystaa ruqsada daganaanshada wadanka.

linkkiHelsingin kaupunki:
Xarunta aqoontaFinnish

Aas aaska ganacsiga

Waxaad ka heli kartaa talo iyo caawin ku sahabsan aas aaska shirkadaha ama ganacsiga qoladani. NewCoYritysHelsingistä.

Waxaad ka heli kartaa adeeg la talineed oo kuu khaas ah adiga oo ku sahabsan aas aaska ganacsiga ama shirkada, afafka laguugu adeegayaa waa finish, iswidhish, ingiriisi, ruush, carabi, estooniyaan, jarmal ama talyaani.

NewCoYritysHelsinki waxay qaban qaabisaa kulamo macluumaadka ku sahabsan aas aaska shirkadaha lagu kala qaadanayo oo loogu talo galay soogalootiga. Kulamadaasi xog waranka ah afafka lagu qabtaayi waa finish, ingiriisi, ruusha, carabi iyo estooniyaan. Kulamadaasi waa bilaash oo lacag la iskama rabo. Macluumaad dheeraada iyo isdiiwaangelintaba waxaad ka samayn kartaa bogta internetka ay ay ku leeyihiin NewCoYritysHelsinki.

NewCoYritysHelsinki waxay qaban qaabisaa tabobaro loogu talo galay ganacsada, afafka lagu bixiyaa tabobaradaasi waa finish, ingiriisi iyo ruush. Qayb ka mida tabobaradaasi waxaa loogu talay kuwa imika aas aasaya shirkada, qaybta kalena waxaa loogu talo kuwa samaystayba shirkadaha. Koorsooyinka waxaa lagu dhigaa finish, ingiriisi iyo ruush. Isdiiwaangelinta iyo macluumaad dheeradaba kala soco boga internetka ay ku leeyihiin NewCoYritysHelsingin.

NewCoYritysHelsinki sidoo kale waxay qaban qaabiyaan kulamo loogu abuuriyo shirkadaha cusub xidhiidho.

NewCoYritysHelsingistä waxaad kaloo ka heli kartaa caawimo ku sahabsan horumarinta koritaanka shirkada.

Hadii aad shirkad ku leedahay Helsinki, waxaad xubin ka noqon kartaa ururka shirkadaha Helsinki. Ururka ay ku midoobeen shirkadaha Helsinki waa mid u adeega kor u qaadista danahooda, kaasi oo xubnihiisa u qaban qaabiya tabobaro, xidhiidho wax ku ool ah iyo waliba la talin. Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeri ah boga internetka.

Ka akhri macluumaad dheeri ah: Samaynta shirkad ganacsi.

linkkiNewCo Helsinki:
Ganacsade ahaan ku imaansho Finland: Ogolaanshahee ayaad u?(pdf, 384 kt)Finnish | Ingiriis

linkkiNewCo Helsinki:
Hagaha shirkadle ku noqoshada FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Turki | Shiino | Carabi | Kurdish

linkkiHelsingin Yrittäjät:
Ururka ilaaliyaha danaha shirkadleydaFinnish

Cashuurta

Xafiiska cashuuruhu wuxuu goob adeed ku leeyahay bartamaha magaalada Helsinki. Adeegyada kale ee xafiiska cashuuraha telefanadooda iyo macluumaadka la xidhiidhkooda waxaad ka heli kartaa bogooda internetka.

Dadka muhaajiriinta ah waxey sidoo kale ka daneysan karaan goobta adeegga ee International House Helsinki. Khuburada Kelada iyo Maamulka canshuuruhu waxey talo ka siiyaan muhaajiriinta Finland shaqo u imaanaya arrimaha la xiriira canshuuraha iyo ammaanka bulshada.

Macluumaadka xafiisyada cashuurta:

Aleksanterinkatu 9, dabaqa 4aad (Xarunta dukaamada ee Kluuvi)
00100 Helsinki

Macluumaadka xiriirka ee goobta adeegga ee International House Helsinki:

Albertinkatu 25
00180 Helsinki

Ka akhri macluumaad dheeri ah: Canshuurid.

linkkiVerohallinto:
Macluumaadyada xiriirka ee xafiisyada canshuurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiIn To:
La-talinta ammaanka bulshada iyo canshuuristaFinnish | Iswidish | Ingiriis