Nolosha Finland

Asuminen Helsingissä

Deganaanshaha Helsinki

Guryaha la kireysto

Guryaha kirada ah ee magaalada Helsinki waa qaali. Waa in aad sidoo kale u diyaar garowdaa oo xisaabta ku darsataa in codsiga gurigu uu qaadan karo muddo dheer. Guryaha kirada ama ijaarka ah ee Helsinki waxaa iska leh degmada Helsinki iyo shirkado kale oo guri kireeyayaal ah oo gaar loo leeyahay.

Adigaa ayaa nafsad ahaantaada ka mas’uul ah raadsashada guriga. Degmada iyo shirkadaha kaleba waajib kuma ahan in ay guri ku siiyaan.

Guri markaad dalbaneyso waa inaad ka dalbataa goobo badan oo aadan soo xadidin meelaha aad ka dalbaneyso guriga. Taasi waxaa ay keeneysaa fursado wanaagsan oo ah suuragalnimada inaad guri hesho. Kirada guryaha ee magaalooyinka dersika la ah Helsinki (tusaale ahaan Vantaa, Espoo ama Kerava) waa ay ka guryo raqiisan yihiin kuwa Helsinki.

Guryaha kirada ee gaarka loo leeyahay

Helsinki waxaa ku yaalla shirkado gaar loo leeyahay oo guri kireeyayaal ah, kuwaasoo aad codsiga gurigaaga u dirsan karto. Tusaale ahaan Sato, Vvo ja Avara waxaa ay guryo kiro ah ku leeyihiin Helsinki. Waxaa sidoo kale guryaha kireeya shirkadaha ceysmiska, bankiyada iyo dad badan oo shaqsiyaad gaar ah. Shakhsiyaadka gaarka ah iyaga si dhakhso ama deg-deg ah baa looga heli karaa guryaha kirada ah.

Haddii aad arday tahay, Waxaad guri kiro ah ka dalban kartaa shirkadda HOAS (waqafka guryaha ardeyda ee Helsinki iyo nawaaxigeeda). Haddii da’daadu ay ka yar tahay 30 jir, waxaad guryaha ka dalban kartaa shirkadaha kala ah Ururka guryaha dhalainyarada (Nuorisoasuntoliitto) iyo Waqafka dhalinyarada (Nuorisosäätiö).

linkkiOikotie.fi:
Kiro codsiga gurigaFinnish

linkkiVuokraovi.com:
Kiro codsiga gurigaFinnish | Ingiriis

linkkiHOAS:
Guryaha la kireysto ee ardaydaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Guryaha kirada ama ijaarka ah ee degmada

Guryaha kirada ee degmadu waa ay ka qiime hooseeyaan kuwa shirkadaha kale ee guryaha kireeya. Si kastaba ha ahaatee guryaha degmada waxaa soo dalbada dad aad u fara badan, tiro yar oo codsayaashaas ka mid ah ayaana guryo hela.

Si aad u codsato guryaha degmada, waa in aad heysataa ugu yaraan ciqaamad ama sharciga deganaanshaha dalkaan (oleskelulupa), kaasoo ugu yaraan sannad ah.

Guryaha kirada ah ee degmada Helsinki waxaad ka dalban kartaa internetka , adeega cinwaankiisu yahay stadinasunnot.fi, waa haddii aad leedahay aqoonsiga Finland ee afarta lambar (henkilötunnus). Waxaad kaloo codsiga dalabka ka sameyn kartaa xafiiska adeega. Waxaana goobtaasi adeega marka aad foomka buuxneyso ku caawinaya howl-wadeenada xafiiska. Waxaana adeegaas caawinta ah laguugu qabanayaa luqadaha finishka iyo ingiriiska.

Halka aad kala soo xirireyso xafiiska adeega:
Stadin asunnot
Cinwaanka: Itämerenkatu 3
Tel. (09) 310 13030

Codsiga gurigu waxaa uu shaqeynayaa 3 bilood oo kaliya. Intaa dabadeed waa in la cusbooneysiiyaa.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii akhriso qeybta: Guri kiro iyo Heshiiska kirada.

linkkiHelsingin kaupunki:
Guryaha magaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Guri si gaar ah loo leeyahay

Inta badan ama sida qaalibka ah guryaha Helsinki waa qaali, laakiin qiimaha guryuhu si aad ah ayay u kala duwan yihiin marka loo eego goobaha kala duwan ee ay ku yaallan. Guryaha iibka ah waxaa ka heli kartaa qeybta internetka ee bogga codsiga guryaha.

Warbixinta la xiriirta guryaha sida gaarka ah loo leeyahay waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee InfoFinlandi qeybtiisa Guri si gaar ah loo leeyahay.

Guriga xaq u yeelashada degista

Waad codsankartaa guriga xuquuqda deganaansha la leeyahay (asumisoikeusasunto), Haddii aanad laheyn guri si gaar ah loo leeyahay, awood dhaqaale oo aad ku dalbatana aanad laheyn.

Haddii aad dooneyso in aad guriga xuquuqda deganaanshaha la leeyahay ka dalbato Helsinki, Espoo iyo Vantaa, waxaa marka hore lagaa rabaa in aad raadsato lambarka safka (järjestysnumero). Waxaad lambarkaas ka dalban kartaa netka. Sidoo kale foomka lagu codsado intaad soo daabacato ayaad gacanta ku buuxin kartaa.

Marka aad hesho lambarka safka, weydii oo ka raadi guryaha bannaan, dadka iska leh guryaha iyo shirkadaha dhisayba. Meelaha aad kala xiriireyso waxaad ka heli kartaa bogaga internetka ee degmada Helsinki. Iskumar ayaad meelo kala duwan oo badan ka codsan kartaa guriga.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Guriga xuquuqada daganaanshaha la leeyahay.

linkkiHelsingin kaupunki:
Guryaha xaq u lahaanshaha degistaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiAsumisoikeushakemus.net:
Codsiga nambarada isku xigaFinnish

linkkiHelsingin kaupunki:
Macluumaadyada xiriirka guri dhisayaashaFinnish

Degsta marka uu dhib jiro

Haddii gurigaagii ay dhibaato soo gaartey, tusaale ahaan gubasho ama biyo ku furmey awgeed, Xaaladaha qaarkood shirkadda ceymiska guriga ayaa magdhabi karta wixii kharashaad dheeraad ah ee guriga ku baxay. Sida ugu dhakhsaha badan ula xiriir shirkadaada ceymiska guriga, islamarkaa uu khasaaruhu soo gaaray gurigaba.

Haddii qof ka mid ah reerkiina uu gacan qaad kugu sameeyo ama hanjabaad aad kala kulanto, waxaad la xiriiri kartaa guriga ammaanka (turvakoti).

Guriga ammaanka Mona waa guri ammaan oo loogu talagalay dumarka ajnabiga ah iyo caruurtooda.

Turvakoti Mona
Tel. 045 639 6274 (24ka saac)

Waxaad sidoo kale aadi kartaa guryaha ammaanka ee caasimadda (Pääkaupungin Turvakoti).

Cinwaanka: Steniuksentie 20
Tel. (09) 4777 180 (24ka saac)

Dhalinyarada da’oodu u dhaxeyso 12–19 jir, waxaa ay la xiriiri karaan ururka laanqeyrta case ee guryaha ammaanka dhalinyarada- (Nuorten turvatalo).

Cinwaanka: Uudenmaankatu 32 A, 00120 Helsinki.
Waxaa ay furan yihiin maalin walba inta u dhexeysa saacadaha 17–10.
Tel. (09) 622 4322. Waxaad wici kartaa guryaha ammaanka xilli walba oo habeenka iyo maalinka ah.
Iimeylka: turvatalo.helsinki(at)redcross.fi

linkkiHelsingin kaupunki:
Macluumaad loogu talagalay dadka guri la'aanta ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Rugta adeegga hagista iyo shaqada sooshaalkaFinnish

linkkiPääkaupungin Turvakoti ry:
Caawimaad loogu talagalay dhibanayaasha qoyska rabshaddaFinnish

linkkiSuomen Punainen Risti:
Guriga ammaanka dhalinyarada ee HelsinkiFinnish | Iswidish

Guri la’aanta

Haddii guri la’aan kugu dhacdo, waxaad la xiriirtaa xafiiska adeegga sooshaalka ee xaafadaada. Shaqaalaha sooshaalka ayaa kaa caawin karaya sidii aad guri ku heli laheyd.

Xarunta adeegga ee dadka guryo la’aanta ah oo ku taalla wadada Hietaniemenkatu waxaa ay furan tahay maalin walba afar iyo labaatanka saacadood. Haddii aad uga baahato halkaas habeen joog waad ku tagi kartaa. Xaruntaas degaanku waxaa ay habeenkii boos siisaa, dadka dhibaatada maandooriyaha ama mukhaadaraadku heysato ee reer Helsinki, waa haddii aanay heysan meel kale oo ay habeenkaa aadaan.

Hietaniemen palvelukeskus
Hietaniemenkatu 5 B
Tel. (09) 310 466 28

Ururka guryaha joogtada ah ee (Vailla vakinaista asuntoa ry). Waa urur caawiya dadka guryo la’aanta ah.

Ururuka guryaha joogtada ah ee Vailla waxaa uu leeyahay xarun habeenkii la joogo oo la yiraahdo Kalkkers, taasoo ah goob habeenkii siisa degaaan diiran dadka guryo la’aanta ah laga bilaabo deyrta illaa iyo gu’ga. Kalkkers waxaa ay furan tahay inta u dhaxeysa saacadaha 22.6. Kallkkers waad imaan kartaa xitaa haddii aanad laheyn ciqaamad ama sharciga dgenaanshaha dalka (oleskelulupa).

Cinwaanka: Vaasankatu 5
Tel. 050 443 1068.

Emayl: kalkkers(at)vvary.fi

Faahfaahin dheeraad ah ka sii akhriso qeybta: Guri la’aanta.

linkkiHelsingin kaupunki:
Macluumaad loogu talagalay dadka guri la'aanta ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Rugta adeegga hagista iyo shaqada sooshaalkaFinnish

linkkiVailla vakinaista asuntoa ry.:
Ururka guri laawayaashaFinnish

linkkiSininauhasäätiö:
Hagaha adeegga dadka aan guryaha laheyn ee HelsinkiFinnish | Ingiriis | Ruush | Soomaali | Bershan | Carabi | Bulgaariyan

Deganaanshaha kaalmada iyo adeegga leh

Qaar ka mid ah dadka, tusaale ahaan dadka da’da ah iyo kuwa naafada ah, waa ay ku adag tahay in ay dhammeystaan caawimaad la’aan howlaha la xiriira nolol-maalmeedkooda. Degmadu waxaa ay iyaga u diyaarisaa adeegyo ka caawinaya in ay si madax bannaani ah u noolaadaan.

Dadka da’da ah iyo kuwa naafada ah ee aan awoodin in ay si madax bannaani ah u noolaadaan, waxaa ay degaan ahaan ku nolaan karaan guryaha adeegyada ama xeryaha.

Faahfaahin dheerad ah oo la xiriirta adeegyadaan waxaad weydiin kartaa xarunta sooshaalka ama arimaha bulshada ee xaafadda aad degan tahay.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Deganaanshaha kaalmada iyo adeegga leh.

linkkiHelsingin kaupunki:
Cutubyada shaqooyinka sooshaalka iyo xaafaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Degista adeegga lehFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Degista adeegga leh ee naafadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Maareynta qashinka iyo dib u isticmaalidda

Bogga internetka InfoFinlandi ee daryeelka qashinka iyo dib u isticmaalidiidsa ayaad ka heleysaa warbixinta ku saabsan sida qashinka loo kala sooco.

linkkiHelsinginseutu.fi:
Macluumaad ku saabsan maareynta qashinkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin seudun ympäristöpalvelut:
Hagitaano ah xagga kala soocida qashinkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin seudun ympäristöpalvelut :
Goobaha dib u isticmaaliddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiKierrätys.info:
Goobta lagu uruuriyo qashinkaFinnish