Nolosha Finland

Terveys Helsingissä

Caafimaadka Helsinki

Hadddi ay dhacdo ama ay taagan tahay xaalad deg-deg ah, waxaad wacdaa lambarka 112. Lambarkaas deg-dega ama emerjensiga ah waxaa wici kartaa tusaale ahaan, haddii uu dhaco shil aad u khatar ah ama qof uu xanuun ku soo boodo. Haddii xaaladdu aanay ahayn mid deg-deg ah, ha wicin lambarka deg-dega am emerjensiga.

Haddii aad Guri degmo ku leedahay Helsinki waxaad isticmaali kartaa adeegyada caafimaadka shacabka. Adeegyada caafimaadka shacabka waxaa bixiya rugaha caafimaadka, goobaha daryeelka ilkaha, rugaha latalinta hooyada iyo dhallaanka iyo cusbitaalaadka.

Haddii aadan xaq u laheyn isticmaalka adeegyada daryeelka caafimaadka ee dadweynaha, waxaad caawimaad ka raadsan kartaa rugaha dhaqaatiirta ee gaarka ah. Rugaha dhaqaatiirta ee gaarka loo leeyahay kharashka kaaga baxa waa inaad adigu kaligaa iska bixiso.

Haddii aad u baahan macluumaadka adeegyada caafimaadka waxaad wici kartaa la-talinta caafimaadka: (09) 310 100 23.

Waxaad sidoo kale weydiin kartaa adeegga hagista daryeelka jirada. Waxaad ku hadli kartaa Finnish, Iswidish ama Ingiriis.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Adeega caafimaadka ee Finland.

Adeegyada caafimaadka ee Helsinki

Markaad la xiriirto rugta caafimaadka (terveysasema), kalkaalisada caafimaadka ayaa marka ugu horeysa qiimeyn ku sameyn doonta xaaladdaada. Lyadoo lagu saleynaayo qiimeyntaas ayaa ballan lagaaga qaban doonaa dhakhtarka ama kalkaalisada caafimaadka iyo daryeelaha caafimaadka.

Rugaha caafimaadka waxaa ay furan yihiin isniinta-Jimcaha inta u dhaxeysa saacadaha 8.00-16:00. Haddii aad u baahan tahay daryeel islamaalinkaas ah, waa in aad wacdaa rugta caafimaadka subaxnimada hore, islamarkaa la furo rugta caafimaadka.

Macluumaadka la xiriira rugaha caafimaadka waxaad ka heli kartaa bogaga internetka ee degmada Helsinki.

linkkiTerveysneuvonta:
Macluumaadka la-talinta caafimaadkaFinnish

linkkiHelsingin kaupunki:
Rugaha caafimaadka ee xaafadaha magaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Biilasha bukaansocodkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Adeegyada caafimaadka ee gaarka ah

Rugaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay waad aadi kartaa, xitaa haddii aadan xaq u laheyn adeegyada guud ee caafimaadka ee dalkan Finland. Rugaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay wixii kharash ah ee kugu baxa oo dhan waa inaad adigu nafasad ahaantaada iska bixisaa.

linkkiTerveystalo:
Rug caafimaad oo bareefat ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiMehiläinen:
Rug dhakhtarka ilkaha oo bareefat ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

Daawooyinka

Macluumaadka ku saabsan soo iibsashada daawada waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee InfoFinlandi qeybtiisa Daawooyinka.

Daryeelka caafimaadka ee dadka aan sharciga laheyn

Sharci la’aan waxaa loola jeedaa, qofka wadana u soo guurey ee aan ogolaanshaha deganaanta /ciqaamad heysan, ama qofka wadanka u soo guurey ee aan ku jirin ceymiska caafimaadka.

Degmada Helsinki gudaheeda dadka wadanka u soo guurey ee aan sharciga laheyn waxaa ay xaq u leeyihiin in ay helaan daryeelka caafimaad ee xaaladaha deg-dega ah ama lagama maarmaanka ah ee adeegyada guud ee caafimaadka. Ilmaha wixii ka yar da’da 18 sano iyo haweenka uurka lehba waxaa ay xaq u leeyihiin in ay helaan dhammaan adeegyada caafimaadka, si lamid sida dadka kale ee reer Helsinki ah.

Helsinki waxaa ka howlgala Global Clinic, kaasoo ay dadka sharci la’aanta ah ee jooga Finland ay ka heli karaan adeegyada asaasiga ah ee caafimaadka. Adeega Global Clinic qofka macmiilka ah waa u bilaash ama lacag la’aan. Global Clinic uma sheegayaan macaamiishooda booliska iyo howl-wadeenada kale ee dowladaba. Si loo badbaadiyo macaamiisha, meesha ay ku taal rugtan caafimaadka iyo waqtiyada ay furan tahay lama shaaciyo.

Telefoonka Global Clinic ee Helsinki waa 044 977 4547. Telefoonka waxaa kaaga jawaabaya kalkaalisada caafimaadka ama dhakhtar. Iimeylkoodu waa globalclinic.finland(at)gmail.com.

linkkiGlobal Clinic:
Macluumaadyada xiriirkaFinnish | Ingiriis | Ruush | Faraansiis | Carabi | Romaniyan | Bulgaariyan

Heeganka

Waqtiyada habeenkii iyo dhammaadka usbuuca ee maalmaha Sabtida iyo Axadda xarumaha caafimaadku waa ay xiran yihiin. Haddii aad u baahan tahay daryeel deg-deg ah xilliga habeenkii ama dhammaadka usbuuca, waxaad la xiriiri kartaa heeganka (päivystys).

Ka hor inta aadan imaan heeganka, wac adeegga lacag la’aanta ah ee Caawimaadda heeganka, tel. 116 117. Caawimaadda heeganku (Päivystysapu) wuxuu shaqeeyaa afar iyo labaatanka saac.

Haddii aad degan tahay Bariga Helisnki, Koonfur-Bari Helsinki, Waqooyi-Bari ama Waqooyiga Helsinki, rugta caafimaadka ee heeganka leh waa tan ku dhex taalla isbitaalka Malmi.

Isbitaalka Malmi
Talvelantie 6, J-porras
Tel. (09) 310 6611 / 116 117

Haddii aad degan tahay Koonfurta-Helsinki, Bartamaha-Helsinki ama Galbeedka-Helsinki, rugta caafimaadka ee heeganka leh, waa tan ku dhex taalla isbitaalka Haartmanin.

Isbitaalka Haartman
Haartmaninkatu 4
Rakennus 12
Tel. (09) 310 5018 / 116 117

linkkiHelsingin kaupunki:
Heeganka xarunta caafimaadkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Caafimaadka carruurta

Caafimaadka iyo korriinka carruurta aan da’doodu gaarin iskuulka, waxaa lagala socdaa xarunta daryeelka dhallaanka iyo hooyada (neuvola). Neefolada Helsinki waxaad ka noqon kartaa macmiil, haddii aad heysato kaarka caafimaadka ee Kela (Kela-kortti). Ballanka neefolada waxaad ka qabsan kartaa rugtaada caafimaadka.

Carruurta da’doodu gaartay iskuulka, waxaa caafimaadkooda daryeesha kalkaalisada caafimaadka ee iskuulka. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa iskuulka.

Haddii ilmuhu uu si kedis ah u xanuunsado, waxaad wacdaa oo la xiriirtaa rugtaada caafimaadka. Islamarkiiba wac subaxnimada hore rugta caafimaadka. Rugaha caafimaadku waa ay furan yihiin Isniin-Jimcaha saacadaha u dhexeeya 8-16.

Markii rugta caafimaadku ay xiran tahay, la xiriir oo wac heeganka isbitaalka caruurta (lastenklinikan päivytystykseen). Heeeganka waxaa lagu daryeelaa carruurta u baahan caawimaadda deg-dega ah oo kaliya.

Lastenklinikka
Stenbäckinkatu 9
Tel. (09) 87 100 23

Waxaad sidoo kale carruurta geyn kartaa xarumaha caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay. Helsinki waxaa sidoo kale ku yaalla xarumo caafimaad badan oo si gaar ah loo leeyahay, kuwaasoo sidoo kale carruurta daryeela.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Caafimaadka carruurta.

linkkiHelsingin kaupunki:
Macluumaadyada xiriirka rugaha la-talintaFinnish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Daryeelka caafimaadka iskuulkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Rugaha caafimaadka ee xaafadaha magaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri:
Bolikilinikada heeganka ee kiliinikada carruurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri:
Talooyin waalidka loogu talagalay- marka uu cunuggu jiradoIswidish | Ingiriis

Caafimaadka dadka da'da ah

Dadka Waayeelada ah waxaa ay ka danaysan karaan adeega xarumaha caafimaadka caadiga ah ee guud. Waxaa intaa u dheer oo ay ka daneysan karaan daryeelada khaaska ah ee loogu talagaley adeega caafimaadka ee u khaaska ah waayeellada.

Degmada Helsinki waxaa ay leedahay adeega la yiraahdo Seniori-info (oo ah warbixin loogu tala galay dadka waaweyn), kuwaasoo ka tala bixiya arimaha la xiriira adeegyada dadka waaweyn ee Helsinki. Dadka waayeelka ee reer Helsinki iyo ehelkooduba waa ay la xiriri karaan Seniori-info. Seniori-info waxaa ay adeegyadeeda ku bixisaa luqadaha finishka iyo iswiidishka.

Seniori-info
Tel. 09 3104 4556 (ma–pe klo 9–15)
iimeyl: seniori.info@hel.fi

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Caafimaadka dadka da'da ah.

linkkiHelsingin kaupunki:
Warbixinta Seniori Finnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Rugaha caafimaadka ee xaafadaha magaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Marka aad qof ehelkaaga ah guriga ku xannaaneyso

Haddii aad qof ehelkaaga oo da’ ama waayeel ah, xanuunsan, ama naafo ah aad gurigaaga ku xannaaneyso, si uu guriga kugula noolaado, waxaa suuragal ah in aad xaq u leedahay lacagta caawimaada qofka ehelkiisa xannaaneeya. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa goobta shaqada ee arimaha bulshada ee xaafaddaada ku taalla (sosiaali- ja lähityön toimipiste).

Faah-faahin dheeraad ah ka akhri qeybta: Dadka da'da ah.

linkkiHelsingin kaupunki:
Cutubyada shaqooyinka sooshaalka iyo xaafaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Lacagta cawinaada ee qaraabo daryeelidaFinnish

Daryeelka ilkaha

Daryeelka ilkaha dadweynaha

Lambarka telefoonka laga ballansado daryeelka ilkaha Helsinki waa (09) 310 51400. Waxad lambarka ballan ka qabsashada wici kartaa Isniinta-Jimcaha inta u dhaxeysa saacadaha 8.15. Haddii aad u baahan tahay daryeel deg-deg ah, waxaad wacdaa durbaba subaxnimada hore.

Habeenkii iyo dhammaadka maalmaha usbuucaba waxaa heeganka daryeelka ilkaha lagu sameeyaa isbitaalka Haartman ee ku yaalla Meilahti. Hore u sii wac heeganka.

Heeganka isbitaalka Haartmanin maalmaha Isniinta-Jimcaha inta u dhaxeysa saacadaha 14–21 iyo maalmaha Sabtida-Axadda inta u dhaxeysa saacadaha 8–21. Tel. (09) 310 49999.

linkkiHelsingin kaupunki:
Macluumaad ku saabsan daryeelka ilkahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Macluumaadka heeganka daryeelka ilkahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Fiidyow daryeelka caafimaadka afkaFinnish | Ingiriis | Soomaali | Carabi

Daryeelka ilkaha gaarka ah

Heksinki waxaa sidoo kale ku yaalla dhakhaatiir badan oo daryeelka ilkaha oo gaar ama baraayfat ah. Dhakhaatiirta ilkaha ee baraayfatka ah waad aadi kartaa, xitaa haddii aadan xaq u laheyn adeega daryeelka ilkaha guud ee dadweynaha.

Daryeelka ilkaha ee baraayfatka ama gaarka ah waa ay ka qaalisan yihiin kan guud.

linkkiOral:
Rug dhakhtarka ilkaha oo bareefat ahFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Daryeelka ilkaha.

Caafimaadka dhimirka

Haddii aad u baahan tahay caawimaad xagga arimaha maskaxda ku saabsan, waxaad la xiriiri kartaa xaruntaada ama rugtaada caafimaad (terveysasemai). Haddii loo baahdo dhakhtarka rugta cafimaadka ayaa gudbin kuugu sameynaaya xarunta caafimaadka ee bukaansocodka arimaha maskaxda.

Ururka caafimaadka dhimirka ee Finland (Suomen Mielenterveysseura) waxaa ay leeyihiin qaabilaadda arimaha dhibaatada ama xasaradda ah ee heysta dadka wadanka u soo guurey, kuwaasoo ku nool Helsinki iyo agagaarkeeda. Qaabilaadda arimaha dhibaatada ama xasaradda leh ee taagan ku saabsan waxaad ka heleysaa caawimaad la xiriirta xaaladda adag ee taagan. Waad wici kartaa oo ballan ka qabsan kartaa.

Qaabilaadda arimaha dhibaatada ama xasarada leh waxaa laguugu adeegayaa luqadaha finishka, iswiidishka iyo ingiriiska, iyo waliba luqadaha kale iyadoo turjubaan la adeegsanaayo. Telefoonka waqti ku ballanso: tel. (09) 413 50510.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Caafimaadka dhimirka.

linkkiHelsingin kaupunki:
Adeegyada caafimaadka dhimirkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Fiidiyowga adeegyada caafimaadka dhimirkaFinnish | Ingiriis | Soomaali | Carabi

linkkiSuomen Mielenterveysseura:
Qaabilaadda xasaraddaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Soomaali | Carabi | Kurdish

Caafimaadka galmada

Haddii aad dooneyso ka hortaga uurka ama aad ku fekereyso inaad ilmo iska soo rido, waxaad la xiriirtaa xaruntaada ama rugtaada caafimaad (terveysasema).

Haddii da’daadu ay ka yar tahay 16 sano jir, oo aad dooneyso ka hortaga uurka, waxaad la xiriirtaa kalkaalisada caafimaadka ee iskuulkaada.

Haddii aad ka shakisan tahay inaad qabto cudurada ku dhaca habdhiska taranka, laakiin aadan wax calaamado ah laheyn, la xiriir rugtaada caafimaadka. Haddii aad calaamado leedahay, waxaad aadi kartaa xarunta bukaan-socodka cudurada hab-dhiska taranka ee Helsinki (Helsingin sukupuolitautien poliklinikka) Isniinta–Jimcaha inta u dhaxeysa saacadaha 8–12. Cinwaanku waa Meilahdentie 2.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Caafimaadka galmada.

linkkiHelsingin kaupunki:
Rugaha caafimaadka ee xaafadaha magaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
La-talinta kahortaga dhalmadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri HUS:
Kilinikada cudurada hab-dhiska tarankaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Marka aad uur leedahay

Xarunta daryeelka hooyada iyo dhallaanka (Äitiysneuvola) ayaa lagula socdaa hooyada, ilmaha uurka ku jira iyo caafimaadka guud ee qoyska waqtiga uurka. Haddii aad heysato kaarka caafimaadka ee Kela, waxaad ka mid noqon kartaa macaamiisha xarunta daryeelka hooyada iyo dhallaanka. La xiriir neefolada ku taalla agagaarka xaafadaada, markii aad ogaato ama dareento inaad uur leedahay.

Isbitaallada dhalmada ee Helsinki iyo agagaarkeeda waxaa ay kala yihiin Naistenklinikka (Helsinki) iyo isbitaalka Jorvi (Espoo). Macluumaadyada isbitaaladaas ee halka aad kala xiriiri karto waxaad ka heleysaa bogaga internetka ee HUS.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Marka aad uur leedahay.

linkkiHelsingin kaupunki:
Macluumaadyada xiriirka rugaha la-talintaFinnish | Ingiriis

linkkiHelsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri HUS:
DhalmadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri:
Heeganka cusbitaalaadka dhalmadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Xuquuqda bukaanka

Haddii aad dareensan tahay in si khaldan laguula dhaqmey inti ay socotey howsha adeegga caafimaadka, marka hore arrinta kala xaajood oo wax kaga qabo xaruntaada caafimaadka. Haddii arrinta aysan waxba ka qabsoomin, la xiriir dhaqtarka sare ama kalkaalisada caafimaadka sare ee goobta daryeelka. Intaas kadib waxaad la xiriiri kartaa haddii loo baahdo qareenka bukaanka (potilasasiamies).

linkkiHelsingin kaupunki:
Waxqabadka wakiilka bukaankaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Naafada

Magaalada Helsinki waxaa ay dadka naafada ah u qabanqaabisaa adeegyo, tusaale ahaan qalabka la kaalmeysto, adeegyada gaadiidka iyo waxqabad maalmeedyo. Sidoo kale caruurta naafada ah waxaa ay heli karaan adegyada naafada.

Haddii aad naafo tahay, marka hore la xiriir xarunta caafimaadka (terveysasema).

Xarunta caafimaadka ayaa arinkaaga lagu qiimeynayaa.

Faahfaahin dheeraad oo la xiriirta adeegyayada naafada ee helsinki, waxaad ka heli kartaa shaqaalaha arimaha bulshada ama soohalka adeegyada naafada ee degmada Helsinki.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Naafada.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Cunugga naafada ah.

linkkiHelsingin kaupunki:
Adeegyada naafaddaFinnish

linkkiHelsingin kaupunki:
Goobaha shaqada ee shaqada sooshaalka naafadaFinnish

Fiidyow daryeelka caafimaadka afka