Nolosha Finland

Maahanmuuttajana Helsingissä

Ajanbi ku ahaanshaha Helsinki

La-talinta dadka dalka u soo guuray iyo la-qabsashada

Helsinki-info

Helsinki-info waa goob talo bixineed oo aad ka heli kartid macluumaad ku saabsan adeegyada magaalada Helsinki, fursadaha deegaanka, shaqada iyo waxbarashada. Waxaad sidoo kale weydiisan kartaa caawimaad haddii aadan aqoon hay’adda ay tahay in aad la xiriirto. Waxaa intaas dheer in Helsinki-info ay bixiso talo bixin dijitaal ah iyadoona sidoo kale kaa caawineysa adiga su’aalaha la xiriira imaanshaha dalka. Helsinki-info waxey khadka telefoonka, fool ka fool ama elekterikaal ahaan ugu adeegtaa luqado badan oo kala duduwan.

Helsinki-info

telefoon: 09 310 11111, Isniin-Khamiis saacadaha u dhexeeyo 9-16, Jimco saacadda 10-15

Goobaha adeegga:

  • Maktabadda dhexe Oodi, cinwaanka: Töölönlahdenkatu 1
  • International House Helsinki, cinwaanka: Albertinkatu 25

Eleketerikaal ahaan:

linkkiHelsingin kaupunki:
Talo-bixinta Chat Finnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Dir su'aal ama bixi aragticelinFinnish | Iswidish | Ingiriis

International House Helsinki

Haddii aad dhowaan u soo guurtay soonaha caasimadda, waxaad International House Helsinki hal booqasho uga heli kartaa talo-bixin iyo adeegyada dowladeed. Waxaad ka cadsan kartaa:

  • talo-bixin lacag la’aan ah iyo arrimo la xiriira soo guurista oo ku qoran luqado kala duduwan
  • lambarka aqoonsiga Finnishka, isu-diiwaangelinta sidii degane iyo ogeysiiska macluumaadka cinwaanka
  • kaarka canshuurta iyo lambarka canshuurta, talo-bixin ku saabsan canshuurista
  • macluumaadka macnfacyada ammaanka bulshada
  • talo-bixinta adeegyada Xafiiska Shaqada iyo billaabista shaqo-raadinta
  • talo-bixinta hawlgabka shaqada iyo macluumaadka shahaada A1
  • a talo-bixinta xiriirka shaqada
  • talo-bixin loogu talagalay ganacsatada iyo shaqaalaha

IHH Service Advisor App ee shabakadda ku habboon wuxuu kaa caawinayaa helitaanka hay’adaha dowladda ee saxda ah wuxuuna sidoo kale kaala talinayaa dokumentiyada aad u baahan tahay in aad u soo qaadato booqashada.

Adeegga waxaa qeyb ka ah Helsinki-info, Xafiiska diiwaangelinta Uusimaa, Maamulka canshuurta iyo adeegga In To Finland ee Kelada, Xafiiska shaqada ee Uusimaa, Xarunta ammaanka hawlgabka iyo Rugta Ganacisga soonaha Helsinki.

International House Helsinki
Albertinkatu 25
00180 Helsinki

linkkiInternational House Helsinki:
Goobta adeegga IHH ee dadka u soo guuraya Finland Ingiriis

linkkiInternational House Helsinki:
IHH Service Advisor App ee shabakadda ku habboonIngiriis

Sahminta hore iyo qorshaha la-qabsashada

Shaqaale ka tirsan xafiisyada shaqada (työ- ja elinkeinotoimisto) ayaa kula sameynaya sahan-horaadka (alkukartoitus) iyo qorshaha la-qabshada (kotoutumissuunnitelma), marka aad shaqo raadiye isu diwaangeliso. Xafiisyada Shaqada iyo dhaqaalaha ee Pasila iyo Itäkeskus waxey sameynayaa sahan-horaad. Haddii aad geleyso sahan-horaadka, waa inaad cinwaanka te-palveluit.fi isaga diiwaangelisaa sidii qof shaqo doon ah. Internetka ayaad isaga soo diiwaangelin kartaa haddii aad heysato aqoonsiyada bankiga ee finnishka. Sidoo kale, waxaad iska diiwaangelin kartaa Xafiiska shaqada.

Goobta shaqada ee Itäkeskus
Cinwaanka: Asiakkaankatu 3 A, dabaqa 4aad
Tel: 0295 025 500
Waqtiyada uu furanyahay: Isniin- Jimco saacadda 9.00–16.00

Goobta shaqada ee Pasila
Cinwaanka: Ratapihantie 7 (waxaa laga soo galaa dhinaca Veturitori)
Tel: 0295 025 500
Waqtiyada uu furanyahay: Isniin- Jimco saacadda 9.00–16.00

linkkiTE-palvelut :
Bandhigyo iyo fiidyoowyaal loogu talagalay dadka dalka u soo guurayFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Isbanish | Turki | Shiino | Carabi

Waaxda arrimaha dadka dal soo galeedka

Waaxda ajnabiga ee adeegyada caafimaadka iyo sooshalka magaalada Helsinki waxay ka caawisaa dadka qaxootiga ah ee dagan Helsinki la qabsiga. Adeegyada ay bixiso qaybta Soogalootigu waxay yihiin sida hagida, la talinta iyo samaynta qaybta hore ee jihaynta. Qaybta Soogalootigu waxay sidoo kale caawisaa dhibanayaashii dadka ka ganacsada dadka.

Haddii aadan shaqo raadineyn, laakiin aad dooneyso in laguu sameeyo sahan-horaad iyo qorshaha laqabsashada, la xiriir Waaxda ajnabiga ee adeegyada caafimaadka iyo sooshalka ee magaalada Helsinki.

Macluumaadyada xiririka ee Waaxda ajnabiga:

Työpajankatu 14A
00580 Helsinki
Telefoonka talobixinta hawlaha sooshaalka (09) 310 37 577 Isniin-Jimco saacadda 8.15-16

linkkiHelsingin kaupunki:
Waaxda arrimaha dadka dal soo galeedka ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: La-qabsashada Finland.

Ma u baahan tahay turjubaan?

Haddii aadan aqoonin Finnisha ama Iswidish waad isticmaali kartaa turjubaan marka aad arrimahaada ka fushaneysid saraakiisha xafiisyada.

Xaaladaha qaarkood marka lagu jiro waxaad turjubaan ka heli kartaa sarkaalka. Markaas turjumaaddu adiga waa ku lacag la'aan. Waxaad horay u sii weydiin kartaa sarkaalka arrinta qaabilsan ama talo-bixinta socdaalka ee magaalada Helsinki. Tusaale ahaan Kelada iyo Xafiiska dal u soo guuristu (Maahanmuuttovirasto) waxay turjubaan u dalbaan macaamiisha marka xaaladaha qaar lagu jiro.

Waxaad isticmaali kartaa turjubaan markasta haddii aad adigu bixineyso lacagta turjubaanka islamarkaasna aad dalbaneyso.

Shirkado kale ayaa sidoo kale bixiya adeegga turjumista. Shirkadahan waxaad ka heli kartaa tusaale ahaan mashiinka wax raadinta ee internetka. Bogga Ururka turjubaanada Finland waxaa ku jira mashiin wax raadin kaas oo aad ku raadsan karto turjubaano.

Adeegyada xarunta turjubaanada soonaha Helsinki waxaa marka ugu horeysa loogu talogalay saraakiisha la shaqeeya dadka dalka u soo guuray.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Ma u baahan tahay turjubaan?

linkkiSuomen kääntäjien ja tulkkien liitto:
Raadi turjubaan ama afnaqeFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin seudun asioimistulkkikeskus:
TurjumistaFinnish