U gudub macluumaadka ku jira
Muutto Helsinkiin

Usoo guurista Helsinki

Waa la daabacay22.06.2022
Waa maxay arrimaha lagaa doonayo in aad samayso marka aad Helsinki u soo guurto? Boggan waxaad ka hubin kartaa, meelaha aad ka samaysan karto arrimaha ruqsadaha degane ahaanna aad isaga diiwaangelin karto. Helsinki waxaad si fudud hal meel uga heli kartaa adeegyada hawlwadeennada iyo talabixin lacag la’aan ah oo ku saabsan u soo guurista Finland.

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Arimaha ogolaanshaha

Barta adeegga ee Xaafiiska dal u soo guuridda ee Helsinki ayaad ka samayn kartaa codsiga joogitaanka dalka, waxaad kaloo ka samayn kartaa is diiwaangelinta xuquuda joogitaan muwaadinka midowga yurub.

Goobta adeegga Helsinki ee Hoggaanka socdaalka:

Kaupparaitti 10
00770 Helsinki
Waxay furan tahay: Isniin–Jimco saacadda u dhexeysa 8–16.15
Khamiis ugu dambaysa bisha saacadda u dhexeysa 10–16.15

Sidoo kale waxaad adeegga internetka ee Enter Finland ka samayn kartaa codsiyada ruqsooyinka joogitaanka oo badan iyo sidoo kale isdiiwaangelinta muwaadinka midowga yurub. Haddii aadan aqoonin isticmaalka kombuyuterka, markaas codsiga waraaq ahaan u samee una gee barta adeegga ee Xaafiiska dal u soo guuridda.

Waxaa habboon inaad mar walba waqti horay uga sii qabsatid barta adeegga. Waxaad waqtiga ka qabsan kartaa adeegga waqti qabsashada ee Xaafiiska dal u soo guuridda. La soco, in barta adeegga aan laga bixin karin wax la talin ah oo la xiiriira arimaha ruqsooyinka.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: U soo guurista Finland .

Dhibaatoo​yinka ruqsada degenaanshada

Haddii dhib kaa heysto ama mugdi kaaga jiro ogolaanshaha joogitaanka ama sharciga, waxaad la xiriiri kartaa Xafiiska dal u soo guurista. Waxaad sidoo kale talo weydiin kartaa goobta adeegga Helsinki-info.

Helsinki-info

Telefoon: 09 310 11111, Isniin-Kahmiis saacadaha u dhexeeyo 9-16, Jimco saacadaha u dhexeeyo 10-15

Goobaha adeegga:

  • Maktabadda dhexe Oodi, cinwaanka: Töölönlahdenkatu 4
  • International House Helsinki, cinwaanka: Lintulahdenkuja 2

Elekterikaal ahaan:

Qaxootiga iyo dadka magangalyodoonka ah iyo weliba ajaanibta kale waxay wixii cawinaad ama talooyin ah oo la xiriira ruqsada degenaanshda waydiisan karaan Ururka la talinta qaxootiga.

Cinwaanka ah: Pasilanraitio 9 B
Tel. 09 23139300 / 0923139325
E-mailka ah: pan(at)pakolaisneuvonta.fi

Wixii dheeraad ah ka akhriso: Dhibaatooyinka Ogolaansha deganaanshaha .

Isu diiwaangelinta sidii deganne oo kale

Haddii aad si joogto ah ugu soo guurto Helsinki si aad u deganaato waa inaad degmada isaga diwaangelisaa sidii qof degane ah. Si aad degmada isaga diiwaangeliso waa in aad s shakhsi ah u tagto Goobta adeegga Helsinki ee Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka:

Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka, Helsinki
Lintulahdenkuja 2 D
Dabaqa 2aad

Tel. 0295 536 320 ama 0295 536 000

Marka aad aadeyso Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka, horay u sii qaado

  • aqoonsiga qofeed (tusaale ahaan baasaboor)
  • ogolaanshaha joogista iyo kaarka joogitaanka (haddii aad u baahan ogolaanshaha joogitaanka Finland)
  • cadeynta diiwaangelinta xaq u lahaanshaha joogitaanka (oleskeluoikeuden rekisteröintitodistus) (haddii aad tahay muwaadin u dhashay Midowga Yurub)
  • shahaadada guurka
  • shahaadada dhalashada cunugaada

Ogsoonoow, in warqadaha dibadda laga keenay ay ahaadaan kuwa loo turjumay af finnish, iswiidhish ama ingiriis islamarkaasna la sharciyeeyay. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sharciyeeynta dukumentiyada iyo diiwaangelinta ajaaniibta ka aqri bogga InfoFinland Isu diiwaangelin degane . Waxaa kale oo aad arrintan wax ka weydiisaa wakiilka dalkaada ee Helsinki jooga.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ka diiwaangelinta ajaaniibka nidaamka macluumaadka dadka iyo ku qorista degmada waxaad ka heleysaa bogga Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaDigi- ja väestötietovirasto

Diiwaangelinta ajaanibta

International House Helsinki

Haddii aad dhowaan u soo guurtay soonaha caasimadda, waxaad International House Helsinki hal booqasho uga heli kartaa talo-bixin iyo adeegyada dowladeed. Waxaad ka cadsan kartaa:

  • talo-bixin lacag la’aan ah iyo arrimo la xiriira soo guurista oo ku qoran luqado kala duduwan
  • diiwaangelinta xaqa joogitaanka dalka, haddii aad tahay muwaadin Midowga Yurub ah
  • talabixinta canshuurista la xiriirta
  • kaarka canshuurta iyo lambarka canshuurta, talo-bixin ku saabsan canshuurista
  • macluumaadka macnfacyada ammaanka bulshada
  • talo-bixinta adeegyada Xafiiska Shaqada iyo billaabista shaqo-raadinta
  • talo-bixinta hawlgabka shaqada iyo macluumaadka shahaada A1
  • a talo-bixinta xiriirka shaqada
  • talo-bixin loogu talagalay ganacsatada iyo shaqaalaha

Adeegga waxaa qeyb ka ah Helsinki-info, Magaalada Espoo, Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka, Hoggaanka socdaalka, Maamulka canshuuraha, Kelada, Xafiiska shaqada ee Uusimaa, Xarunta ammaanka hawlgabka, Rugta Ganacisga soonaha Helsinki iyo Ururka Midowga Iskaashatooyinka xirfadleyda Finland SAK.

Cinwaanka

International House Helsinki
Lintulahdenkuja 2 D
Dabaqa 2aad

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaInternational House Helsinki

Goobta adeegga IHH ee dadka u soo guuraya Finland